Thursday, June 5, 2014

Maraykanka oo Safiir u soo dirsanaya Soomaaliya 23 sanno ka ddib


Madaxweyne Xasan Sheikh oo soo dhaweeyay go'aankan, dhigiisiina Magacaabaya




Xasan tabarMuqdisho(GNA) 4 June.2014: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa maanta helay hubaal in Madaxweyne Obama uu magacaabi doono Safiirkii Mareykan ee ugu horreeyey ee u soo magacaabo muddo labaatameeyo sano ah.




 “Waxa aan ku faraxsanahay in aan hubaal kadhigo ujeedooyinkeenna wadaagga ah ee Nabadgalyada, horumarin loo dhan yahay iyo Dowlad-wanaagga ee Soomaaliya. Soo Magacaabidda Safiir cusub oo Mareykan ah waxa ay tusineysaa sida uu u xoog badan yahay is-aaminidda iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Mareykan”sidaas waxa yidhi Madaxweynaha Somalia oo hadlay markii uu warkani soo gaadhay kaddib.




 “Waxa aan joognaa billowga safarkeenna aan ugu soconno dhinaca nabadda iyo barwaaqada ee Soomaaliya. Waxa aan guddoonsanahay jidka dheer ee naga horreeya, laakiin jidkaas waxa fududeynaya waxa aan ognahay in ay saaxiibadeen nala jiraan annaga oo isku-ujeeddo ah,” ayuu yiri  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sii hadlay.




Madaxweynuhu waxa uu shaaca ka dhigay in Soomaaliyana ay magacaabi doonto Safiirkeeda Mareykan, sida uu sheegay Xasan Sheikh oo hadal dheer jeediyay.




Waxaanu yiri  “Annaga oo kaashaneyna taageerada socota ee saaxiibadeenna caalamiga ah, waxaa hubaal ah go’aankeenna aan kala go’a laheyn ee ku raadineynno ujeedooyinkeenna Dowlad-dhisid sida ku cad Higsiga 2016. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxa ay ballan ku qaadday meel-marinta Dastuur-Federaal oo Afti loo qaaday sanadka 2016., iyada oo dhidibada u aaseysa nidaam Federaal ah islamarkaana xaqiijineysa HAl QOf, HAl COD ee doorashooyinka sanadka 2016”




 “Si loo gaaro ujeeddooyinkaas, waxaa waajib nagu ah in aan dhisno matoorradii umaddeenna: Baarlamaankeenna, si uu u horumariyo una mariyo shuruuc wax ku-ool ah oo si buuxda u taageeraya Xukuumad shaqeyneysa. Waa in aan horumarinnaa hey’adaheenna iyo dadkeenna oo maamuli kara. Waa in aan hagaajinno awoodeenna aan ku dhalineynno kuna maamuleynno kheyraadka maaliyadeed iyada oo dhammaan lagu dhisayo is-faham oo lan dhan yahay oo ku saleysan habka Dowlad-wanaagga”




 “Waxa aan soo dhaweyneynaa taagerada socota ee Mareykanka annaga oo rajeyneyno sii xoojinta xiriirkeenna dibloomaasiyadeed iyada oo loo marayo magacaabidda labada safiir ee labada dhinac”.




Safiir Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa imanaya 23 sanadood oo dalka soomaaliya ku jiray xaalad amni daro kaddib.




Hase ahaatee waxa muddo soo shaqaynayay oo ilaa hada jira xafiis arrimaha Soomaaliya u qaybsan Maraykanka oo gaar ah, kaasoo uu maamulo wakiil siyaasaddeed.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com