Daawo: Taageerayaasha garabka Muuse Biixi oo Saluugsan go’aanka Golaha guurtida oo Siyaasi Qabo oo Taageeray iyo Duruufaha adag ee horyaala Heshiiska labada dhinac..
Go’aankii Golaha Guurtidu ka soo saaray Khilaafka Kulmiye: Xal mise xumad jabin? Warbixin xiiso badan
Hargeysa(GNA)-Siyaasiga Maxamed Ibraahim Qabo oo ka mid ahaa xubno ka tirsanaa ururkii hadhay ee Xaqsoor oo dhawaan ku soo biiray Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa taageeray go’aankii shalay Golaha Guurtidu ku soo afjareen Khilaafkii xisbigaasi labada garab u kala jabiyey.
Guddida Golaha Guurtida Somaliland u saaray Khilaafka xisbiga ayaa ku soo af-meeray saddex qodob oo labda dhinac si aan niyad samaan ahayn ay u qaateen, kuwaasoo u muuqda inay xumad jabin uun u yihiin xaraarradii kululaatay ee yooyootanka xisbiga, balse sawirkeedu xal kama dambeys ah aanu u eekeyn.
Qabo
Si kastaba ha ula muuqdaan qodobada lagu heshiiyey dhinacyada is-haya ee doodda ka dhex aloosantay Taageerayaasha labada Garab ee ay kala hogaaminayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa muujinaysa in aad loogu kala aragti duwanyahay go’aanka Guurtida.
Inkasta oo dadka Taageersan hogaanka Xisbiga kulmiye ay aaminsanyihiin inaanay guurtidu go’aan dhexdhexaad ah soo saarin ee ay u xagliyeen dhinaca qorshihii ay Madaxweyne Siilaanyo iyo garabkiisu wateen, hadana xubinta sare ee Xaqsoorkii hore ka soo wareegay, Maxamed Ibraahim Qabo, kaasoo saaxada siyaasadda ku cusub, waxa uu ku tilmaamay natiijo dhaxal gal ah go’aanka Guurtida.
“Waan soo dhaweynayaa go’aankaa, laba qodob labadaba waan ku soo dhaweynayaa, ta koowaad waxa weeye xisbil xaakimka iyo dadkii tashuush soo kala dhex galay intii khilaafku socday , waxa uu ahaa go’aan taariikhi ah, saddexda qodobna waa kuwo rasmi ah” ayuu ku yidhi Waraysi Magaalada Hargeysa ku siiyey Telefishanka Maxaliga ah ee Bulshotv.
Halkan ka Daawo:
Gari laba Nin kama wada qasliso
Siyaasi Qabo wuxuu ka mid yahay dad aad u kooban oo arrintan dhinaca Dawladda ka eegay, balse waxa uu mawqifkiisu waajahayaa boqolkiiba todobaatan ka mid ah Bulshada iyo dadka siyaasadda ku foogan oo go’aamada Guurtida u arka laba siyood oo isku dhadhow.
Dadka qaar ayaan fiican u fahmin nuxurka ay xambaarsanyihiin saddexda qodob ee Xisbiga hogaankiisa iyo Madaxweynaha lagu heshiisiiyey, walina waxay raadinayaan inay helaan xogo dheeraad ah iyo inay jiraan waxyaabo la qariyey oo guddida dhexdhexaadinta iyo labada garab isku waafaqeen.
Qayb kale oo bulshada ka mid ah, isla markaana lagu tilmaami karo tirada ugu badan ee dadka wax falanqeeya iyo kuwa aragtiyahooda ku cabira baraha Internet-ku, waxay aaminsanyihiin in Heshiiskani yahay mid aan ka wada turjumayn Maslaxada labada labada garab ee u jan-jeedha danta Madaxweyne Siilaanyo iyo garabkiisa.
Geesta kale, Cabdi Xaliim Maxamed Muuse oo ka tirsanaa Xisbigii bur-buray ee UDUB, laguna tirin karo dadka arrintan ka dhexdhexaadka ah ayaa dhaliilayo natiijada Guurtidu soo saartay oo uu ku tilmaamay mid aan Sharciyad ku dhisnayn.
“Markaad qodobadan eegto waxaad si cad u arkaysaa inaan wax sharci ah loo raacin Go’aanka Guurtida. Waxaanan qabaa in Xaaji Abdi Karim iyo dhawr oday oo uu ku jiro shuruucda laga hoos dusiyey.
Waxaan u mahadnaqayaa sida geesinimada leh ee uu Guddoomiye Muuse Biixi ugu hoggaansamay Go’aankaa ujeedada kale huwanaa kuna baajiyey dantii Saleebaan iyo ciddii kula socotayba ka lahaayeen”ayuu Cabdixaliim ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyey Gobanimonews.
Ra’yi uruurin guud
Marka si guud loo fiiriyo, layskuna soo uruuriyo Aarada bulshada ee ku aadan Mawduucan Taageerayaasha Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye kuma qanacsana garta ay gooyeen Golaha Guurtida Somaliland, waxaanay u arkaan inay hogaanka xisbigu Kal- adaygnimo iyo iyagoo dhawraya danta qaranka uga tanaasulaan inay qaadacaan.
Dooda noocan ah, waxa ku lamaan oo hada soo baxday saluug laga muujinayo Odayeyntii Golaha Guurtida oo go’aankani shiiqiyey, iyagoo dadka qaar si caf farta ugu fiiqayaan in Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleban Maxamuud Aadan uu si badheedh ah garta u siiyey Madaxweyne Siilaanyo oo ay isku deegaan yihiin.
Ra’yi Uruurin guud oo ay Gobanimonews samaysay kaddib markii shalay go’aamadu soo baxeen, ayaa muujinaysa in inay wali si weyn u kala qaybsanyihiin Taageerayaasha labada dhinaca, isla markaana xukunka khilaafka laga soo saaray khilaafku yahay “Gari laba Nin kama wada qosliso”.
Dadka Taageersan dhinaca Madaxweynaha ayaan iyagu waydiinaya garabka kale “miyeydaan ku qancin go’aanka”.
Laakiinse garabkan laftiisa waxa jira aragtiyo iftiiminaya inaanay arrintu shiilayn ee ay wax badani dhimanyihiin.
Caqabaddo aan la daweyn wali
Si kastaba ha ahaatee xeel dheerayaasha Siyaasada Somaliland oo Khilaafkan xalintiisa si weyn ugu dheg tagayay ayaa aad u qawadsan natiijada ka soo baxday Golaha Guurtidu ka soo saaray muranka meesha adag gaadhay ee u dhexeeya dhinaca xubnaha ugu sareeya Madaxda xisbiga kulmiye iyo Madaxweynaha oo xukuumaddiisu daba guurayso.
Go’aankani Xal maahee waa xumad jabin ayey ku soo uruuraysaa arrintan xisbiga lagu talada haya lagu dhexdhexaadiyey, waxaana lays waydiinayaa sida loo dhayayo nabarka dusha laga qalajiyey ee wali hoosta ka buka.
Taasoo ah sida loo kala habaynayo Liisaskii Golaha dhexe iyo guddida fulinta ee ay soo kala saareen labada dhinac, kuwaasoo xataa marka dhinac laga eego qaybta Shir-guddoonku magacaabay ee laysla qaatay in sidooda loo daayaa ay deegaamo badani tabasho ka qabaan.
Siiba waxa doodi ka taagantahay, Guddida fulinta ee 43 xubnood ka kooban oo aanay cidi ugu jirin Deegaamo ama Beello dhinaca Muuse Biixi magacaabay dad ugu jiraan, taasoo ah Mushkilad kale oo iyada lafteedu cadaalad daro noqonaysa hadaan hoos loo dayin, arrintana doc wareen ku keenaysa.
Dhinaca kale, arrinta Musharixiinta Madaxweynaha iyo iswaafajinta labada Golle dhexe ee la kala magacaabay oo dhinac walba xubnaha oo qortay uu maslaxadiisa musharaxnimada ugu sii meel dayay ayaa ah xaajo wali qabyo ah oo sida loo waajahayaa aanay sawirnayn.
Waxaana daruuri ahayd in dhamaan arrimaa la qeexo si aan isqab-qabsi kale u soo laaban.
Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: curad1986@hotmail.com