Nairobi(GNA)-Dowlada dalka kenya ayaa shaacisay inay dib u dhis balaadhan ku samaynayso wadada eldoret highway.
Dib u dhiska Wadadan waxa ku bixi doono lacag dhan 7 bilyan oo dollar,sida ay sheegeen Masuuliyiinta Kenya, Lacagtaas waxa bixinaya midowga yurub.
Wadada eldoret highway ayaa ah mid ay maraan gadiidka waawayn ee xamuulka qaada, kuwaasoo ugu kala goosha wadamada la jaarka ah dalka kenya sida Uganda,Rwanda,South sudan iyo DRC Congo.
Wadadan ayaa waxa kajirey burbur laxaad leh,waxaana soo dhaweeyey dib u dhiskan lagu sameynayo wadada eldoret highway gadiidlayda iskaga goosha Kenya iyo wadamada kale.
Gaadiidlayda Isticmaala dariiqan ayaa waxay u badan yihiin Somali.
Cabdiraxmaan buurdhaab
Gobanimonews
Nairobi Office
Email: buurdhaab4@gmail.com