Saturday, June 21, 2014

Imtixaanka Shahaadiga ee sanadkan oo maanta Bilaabmaya


 




Hargeysa(GNA) Imtixaanka Shahaadiga ee fasalada sideedaad ee Dugsiyada Dhexe iyo ka afraad ee Dugsiyada Sare ee Somaliland ayaa maanta Dalka si rasmi ah uga bilaabmi doona.




Wasaaradda Waxbarashada iyo waaxda Imtixaanaadka Qaranka ayaa diyaariyey Imtixaanadaasi, waxaanay u kala direen dhamaan Goboladda Dalka, iyadoo Gobol walba loo diyaariyey qorshihii Imtixaanaadkaas ee loogu talogalay.




Wasaaradda Waxbarashada ayaa kormeerayaasha iyo Hawl-wadeenada kale ee Imtixaanaadka gacanta ku haya ku dar-daartay inay xil iska saaraan ilaalinta Ardayda, Xafidida Xogta Imtixaanka iyo soo xarayntoodaba.