Friday, June 20, 2014

Guddida Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya oo Baarlamanku ansixiyay


Halkeebay wax u marayaan Guddida iyo Wasaaradda la shaqaynaysa, maxaase laga fili karaa shanta xubnood ee taariikh nololeedkoodu ..




shekhMogadisho, 19 June 2014 –(GNA)- Wasiirka Garsoorka & Dastuurka Farah Sheikh Abdulkadir, ayaa maanta soo dhoweeyey ansixinta baarlamaanka ay ansixiyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.




134 xildhibaan ayaa ansixiyey, halka 9 ay diideen, 10 xildhibaana ay ka aamuseen, guddida oo Baarlamanka la horkeenay, sharciyada loo waafajiyo.




 Wasiirka Dastuurka Farah Sheikh Abdulkadir oo ka hadlay halka ay hawsha dib u eegista dastuurku marayso ayaa sheegay in horumar fiican la gaaray.




 “Horumar weyn baa laga sameeyey nidaamka Dib u eegista Dastuurka Somalia.”




Wasiir Farah Sheikh Abdulkadir oo hadalkiisa sii wata yiri “Dowladdu waxey aaminsantahay in Qorshaha Dib u eegista Dastuurka uu noqdo mid ay Soomaalidu hoggaamineyso, si ay u lahaato qorshaha, oo muhiim u ah sharciyadda iyo guulaha dib u eegista Dastuurka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in la hirgeliyo Tiigsiga 2016, oo ay ka mid yihiin Dib u eegista Dastuurka, Dhaqangelinta Federaalka iyo hirgelinta Dimoqraadiyeynta dalka, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin sanadka 2016ka. Dib u eegista Dastuurka waa aasaaska Tiigsiga 2016. Marka la dhameystiro Dib eegista Dastuurka, waxaa jiri doono cod loo qaado shacabka (referendum). Ka hor codeynta waxaa jiri doono barnaamijyo is-xig-xiga oo ay ka mid yihiin wacyigelin, la tashiyo shacabka lala sameynayo, waxbarasho, doodo iyo is faham keeni kara in shacabku ay fahmaan Dastuurkooda.




Wasiirka Garsoorka & Dastuurka ayaa sidoo kale sheegay “Dowladda Federaalku wey ka go’antahay in nidaamkan uu noqdo mid furfuran, hufan oo si isla xisaabtan ah loo fulinayo. Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in Soomaalidu ay ka qeyb-qaataan qorshahan muhiimka ah, si qorshahu u noqdo mid shacabku iska leeyahay oo guuleysta. Waxaana ugu baaqayaa dhammaan in la taageero qorshahan dib u eegista Dastuurka oo muhiim weyn noo leh, naguna horseedaya inaan dalka ka qabano doorsahooyin sanadka 2016.”.




Guddida dib u eegista Dastuurka oo ka kooban shan xubnood oo aqoonyahano ah, ayaa waxa hore u soo ansixiyay Golaha Wasiirrada, kaddib markii Madaxweynuhu soo jeedin ku magacaabay.




Waxay ka shaqayn doonaan sidii dastuurka Qabyo tiri lahaayeen dastuurka dawladda federaalka ah ee Soomaaliya oo waajahaya caqbaddo fara badan oo ay ka mid tahay sida loogu maamuli karo Gobollo ka mid ah dhulka lagu asteeyay ee Soomaliya oo ka kooban 18-kii Gobol ee jiray, 1991-kii ka hor.




Guddida ayaa la filayaa inay wax bedel aan badnayn ku sameeyaan Qoraalka Dastuurka, waxaanay guusha ay gaadhaan ku xidhantahay hadba siday ugu madaxbanaanadaan hawshooda iyo la tashiyada ay bulshada la sameeyaan.




Dastuurkan ayaa la doonayaa in cod bulsho lagu ansixiyo ka hor intaan la gaadhin doorashada madaxweynaha ee 2016-ka loo qoondeeyay.




Magacyada Gudiga & Taariikh Tololeedkooda oo kooban:




1. Mrs. Caasho Geelle Diiriye
Caasho waxay ka qalin jebisay Kuliyadii Waxbarshada Lafoole 1984, waxay sidoo kale shahaadada darajada labaad ee la xiriira arimaha dumarka iyo horumarinta reer miyiga kasoo qaadatey India, mudo 30 sano ka badan waxay ku howlaneed ka shaqeynta arimaha dowlad wanaaga, waxbarashada, nabada, xalinta khilaafaadka, jinsiga, hurumarinta bulshada, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta reer miyiga. Inta aan xubinimada gudigaan loo magaacaabin waxay ahaan jirtay Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.




2. Mr. Cusmaan Jaamac Cali
Wuxuu ka baxay kuliyada Engineeriyada ee Jaamacada Leningrad ee wadanka Russia 1968, wuxuu soo noqday wasiirka kalumeysiga iyo kheyraadka bada iyo sidoo kale wasiirka howlaha guud iyo guryeynta intii u dhaxaysay (1973-1989), wuxuu sidoo kale soo noqday Ra’isulwasaare Ku Xigeen ahna Wasiir xiligii Dowladii KMG aheyd ee uu hogaaminayay Abdiqasim Salaad Xasan. Wuxuu ahaa murashax Madaxweyne xiligii Doorashada 2004. Mudane Cusmaan Jaamac Ali wuxuu hada Gudoomiye ka yahay golaha wadahadalka iyo dimoqraadiyada ee qurba -joogta Soomaalida UK.




3. Maxamed Cabdalla Saalax
Mudane Maxamed wuxuu Kuliyadii Qaanuunka ee Jaamacadi Soomaaliya ka baxay 1972, waa qareen iyo la taliye xaga sharciga, wuxuu lasoo shaqeeyay hey’ado maxali ah iyo kuwo caalami ah intaba, wuxuu soo noqday qareen maxkamada Soomaaliya ka tirsan intii u dhaxaysey 1972-1975, wuxuuna ilaa hada jiraa howlaha garsoorka iyo sharciga laga soo bilaabo 1972, wuxuu sidoo kale leeyahay khibrad weyn ee la xiriirta xalinta khilaafaadka, nabada iyo wadaxaajodyadaha.




4. Prof. Xasan Cumar Mahadallah
Prof. Mahadallah waa bare sare iyo cilmi baare ka tirsan jaamacada Baton Rouge ee Louisiana USA, waa qoraa khibrad weyn u leh Arimaha Soomaaliya. Wuxuu sameeyay cimri baaris la xiriirta arimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin: Aas-aaskii wadaniyada Soomaliya, Hogaanka Geeska Africa, Taariikhda ciidanka xooga dalka ee Soomaaliya, Sii socoshada iyo isbedelka siyaasada Mareykan ee Geeska Africa, Maxkamadihii Islaam, iyo maqaalo kale oo badan.




5. Mudane Xasan Xuseen Xaaji
Mudane Xasan waa qareen khibrad weyn u leh arimaha sharciga, wuxuuna si gaar ah ugu takhasusey shurrucda khusaysa arimaha socdaalka, magangelyo doonka iyo xeerarka caalamiga ah ee bani’aadamnimada. Sanadihii ugu danbeeyey waxaa uu si weyn ugu lug lahaa doodaha sharciyada iyo kuwa waxbarashda ee ku saabsan arimaha dastuurka ee laga soo daayo Telefishinada iyo Idaacadaha. Wuxuu faham weyn u leeyahay Geedi Socodka Dastuurka.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com