Sunday, June 22, 2014

Geel-jire helyaa mooyi!! Sheeko Xiise badan


IDIRSSheekadda waxaynnu ka arkaynaa sida Geeljiruhu u yahay qof qatar badan oo haweenka ka soo hor baxa ay kala kulmi karaan Qalafsannaanta ,Macangagnimadda iyo Waxyeelaynta Bini’aadamka oo qofka u sahlan sida dil ,Kufsi iyo xoollo ka dhicid waxay Soomaalida uga timi hab dhaqanki Geel jiraha oo ah nolosha teeda la saraysiistay




 




Tus, dhaqanka Soomaalida Geel jiraha ayaa u mudnaa xilligi hore , halka beeraysiga iyo Baddaysigu ahaayeen kuwo la isku aflagaaddeeyo , Hiddaha oo sida fahankaas qaldan ayaa Soomaalida ka dhigay bulsho dhibaato isku haysa dhexdoodu , qofka Soomaaligaana dabci Qalafsan u yeelay .




 




Sida Geel jiruhu u yahay mid halis ah waxaynnu soo qaadanaynaa Sheekaddan Hoose .




 




Geeljire helyaa mooyi .




 




Waa dagsiimo miyi taal, waxaa reer ka mid ah reerayoowga halkaas dagan ka goosmay xoollahoodi qayb ka mid ah oo casarkaas waxaan soo dheelman xayn arri ah oo inna dihin u badan .




 




Kolki la tabay waxaa la galay baadi doonkooda , hooyadi ayaa isku qaaday haybinta arri qalaad oo waxay ku soo wareegtay reeraha ay dasiimada wadda yaaliin , ase waa ku soo hungowday oo cidina ma sheegin xoollo baadi ah .




 




Hooyadi waxay isku dayday in ay u kacdo dhanki saaka loo foofshay arriga , ase waxaa soo celiyeey dhulki oo marba marka ka dambaysa sii maddoobaanaayey iyo bisha oo ahayd dabayaaqo uu dayaxu galin dambe soo baxo oo aan iftiin habeen la filli karo , himhimowgi hadday in door ah socotay hooyadi way sii waddi wayday sii socoshadda ,qudcurka ayaana baajiyey baadi goobkeedaas .




 




Waxay ku soo noqotay aqalkeedi , waxaaba jooga Aw (Sheekh) hebel iyo Caruurta Ayeeydood , Islaantu waxay Awga ugu yeertay in uu arriga baaday u nabaadiina xirro ,oo Alle u baryo in wadeecaddu dhan ka marto ..




 




Halki ayuu Awgi aqriyey intu uu u addeegan jiray ,XERYA MUUMIN GALLA ..Amiinta ayay u jiibiyeen Hooyaddi iyo Ayeeyaddi ,




Hooyadi oo arriga maqan ka walwalsani habeenkaas si wanaagsan umma seexan , waxay habda sardho gasho oo soo baraarugto aynna isu sawiraan arrigi oo weer helay waxaa la gaaray waabari dhowaadki , xiddig u sheegta in waagi saacaddo yari ka harsan yihiin kolki ay aragtay ayay isu diyaarisay u kicida baadi goobka arrigi baaday .




 




Haddii Waagi baryeey ee ay cadceeda falaaraheedu iftiimiyeen dhulka , waxaa soo kacay reerka Intiisi kale ee joogtay ( Ayeeyaddi iyo Caruurti) , Habartu garatay in gabadheedi xoollihi maqnaa doontay ,waxaynna gashay ayeeydi in arriga inta hartay ay caruurta u listo ,raacidoodana ay gabadhi raaci lahayd isu saahibto .




 




Xoollo la foofi ,ayeeyaddi iyo laba caruura oo yaryar ayaa gurrigi ku soo haray , ilmaha mid waa dhowr bilood jir oo waxa uu dhaaqaa naaska hooyadiis , saakase waatan hooyadi ka maqan oo waa tabayaa caanihi hooyadiis .




 




Saacadu waxay isku taagtay barqo , hooyadina ma soo gurya noqon wali, waa kan ilmihi yaraa oo ay ayeeydiis dhabta ku hayso oohintana aad moodo in towsi hayso ay ugu heestay heestan si ay ugu sabaaliso .




 




Habartaa gudaa mooyi .




Geeljire helyaa mooyi .




Geed dheer kortaa mooyi.




Guradii tagtaa mooyi .




Uga daba galyaa mooyi .




 




Habarta Heesteeda waxaynnu ka arkaynaa sida ay gabadheedi uga walwalsan tahay aynna uga cabsanayso in Geeljire gabadha helo oo uu kufsado (Galmo xoog ah ).




Mase dhicin ee Alle ma tusin Geeljiraha laga cabsado ee qatarta ah haweenkana waxyeeleeya ee waxay soo noqotay iyadda oo arrigi soo heshay aynna wadda nabad qabaan , waatan ayeeydi leh Aw hebel waa nin khayr oo isagaa xalay u nabaadiino xiray arriga .




Faa’iidda sheekadda .




 




Sheekadda waxaynnu ka arkaynaa sida Geeljiruhu u yahay qof qatar badan oo haweenka ka soo hor baxa ay kala kulmi karaan in uu xoogo (Kufsado)




 




Nolosha geel jiraha ayaa ah mid Soomaalida u ah fahan nololeedkooda ay dunnida kaga nool yihiin , dhan kasta nolosha Soomaalidu waa mid inteedda badan uu sido hiddaha geel jirnimaddu .




 




Taasu waa tan keentay in Soomaalidu ay bulsho dhibanaan ku noolaada ahaadaan tagtaddi iyo taaladdanba , timaadadana la filaayo kol aan dhalan rog dhicin in caynkaan ay noloshu u ahaanayso jiilka dambe