Sunday, June 22, 2014

Gaadhi Xamuul ah oo 23 Maalmood ku xaniban Buurta Sheikh


Sawir NinSheikh(GNA)-Gaadhi noociisu yahay  Waaraadka  Xammuulka  qaadda ee loo yqaano Candhomeydlaha   oo saddex todobaad ka hor  ka baxay magaalada Berbera, una socday  dhinaca magaaladda Beledweyne, ayaa  23 cisho ku xanniban badhtamaha dawga Buurta Sheekh ka dib markii uu halkaasi ka dhacay.

Baabuurkaasi oo dekadda magaaladda Berbera ka qaaday 550-kiish oo Baasto ah ayaa la sheegay in uu meel badhtamaha buurta dawga Sheekh ah markii uu marayay  halkaasi uu ka dhacay, iyada oo gaadhigaasi uu muddo 23 maalmood ah  meeshaasi yaallo  isla markaana aanu weli cid gaadhiga meesha uga   saarta ka heli dhinaca xukuumadda Somaliland iyo dadka shicibka ahba.

Maxamed Sheekh Ibraahim (Geele), oo ah derawalka baabuurkaasi wada isla markaana ah mulkiilaha iska leh oo maanta warbaahinta la soo xidhiidhay isagoo joogay halka uu baabuurkiisu yaalo  ayaa  noo sheegay in aanu mudadda intaasi le’eg ee uu halkaasi ku xanibnaa wax caawimo iyo taageero ah ka helin dhinaca dawladda iyo cid kale midna, waxaanu tilmaamay in baastadda uu siday oo ay lahayd shirkadda Al-ikhwa in ay burburtay ka dib markii ay isku deyeen in ay baabuurka ka dejiyaan.

 Maxamed Sheekh Ibraahim, oo ku magac dheer Geele oo ugu horayn ka waramay sida ay wax u dhaceen iyo mudadda uu halkaasi baabuurkiisu yaalay, waxa uu yidhi “Magacaygu waa Maxamed Sheekh Ibraahim (Geele), baabuurkaygu wuxuu halkan ku dhacay muddo haatan laga joogo 23-maalmood, waxaan ka imid Berbera waxaanan u socday magaaladda Beledweyne, baaburku wuxuu siday Baasto, waxaana laga soo raray dekadda Berbera, Baastadaasina waxaa leh Shirkadda Al-Ikhwa, baabuurkayga noociisu waa kuwa loo yaqaano Can-dhomeydle. Maalinta uu gaadhigaydu meeshan ku dhacay habeen Salaasa ah ayay ahayd, markii aan buurta Sheekh soo koray waxaan siday 550-kiish oo Baasto ah, meel dhexe marka aan marayo ayaa waxa dhacay gaadhiga ayaa woxoogaa saacadu iga kacday, oo wuu yaro kululaaday, Biriiga ayaan qabtay oo waan is-taagay, markii aan is-taagayna baabuurkii dib ayuu u cararay, oo uu taraaray”.

Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Subaxnimadii gurmad ayaa iiga yimid xagga Burco xamaaliin ah, gaadhigii ayaa rarkii  maalintii ilaa habeenkii saddex beri ayaa laga rogayay, saddexdaasi maalmood ee laga rogayay iyo xamaaligaasi badan ee uu galay ayaa dhibaato faro badan keentay, oo Baastadii ayaa iga burburtay oo gaadhigii ayaa iga burburay, inta waxaas oo dhibaato ahi igu dhacday, dawladii Somaliland iyo dadkii Soomaalida ahaa ee Islaamka ahaa ee dhulka deganaa wax gar-gaar ah kama aan helin, sidii aan ka filayay  ma aha, shan iyo toban sanno ayaan Somaliland gaadhigan kaga shaqaynayay. Ilaa imikana halkii ayaan joogaa cid ii timid iyo wax rejo ah oo aan hayaana ma jirto, xagga dawladda cid kama hayo, qof bani’aadam ah ma hayo, Burco waan tegay, Berbera waan tegay  qof iga naxa lama arko”.

Maxamed Sheekh Ibraahim (Geele), oo aanu waydiinay gaadhi Wiish ah oo la sheegay in maalin dhawayd loo soo diray ayaa sheegay in wiishkaasi uu ahaa mid ay lahayd shirkadda korontadda ee Beder, isla markaana uu wiishkaasi baabuurka qaadi kari waayay maadaama oo uu tankiisu ahaa mid aad uga yar baabuurkiisa.

Waxaanu sheegay Mr. Geele in  wiishkaasi markii uu u yimid in niman odayaal ah oo degan degamdda Sheekh ay  la dagaalameen isla markaana ay halkaasi ka eryeen derawalkii waydan ay xidheen iyaga oo ku andacoonayay in wiishkaasi uu wadadda xidhay. “Gaadhiga Wiishka ah ee maalinta dhawayd ii yimid Shirkadda Beder ee laydha Burco iyo Sheekh u shida ninka leh ayaa iska lahaa, oo Burco ayuu iiga yimid, wiishkaasina 140-tan ayuu ahaa, fureyaashiina waa laga xaday derewal fiican oo yaqaanana waa la waayay, intaa dibna wiishkii noo yimidna niman ayaa af-lagaadeeyay, oo yidhi wadaddii ayaad xidhay oo ninkii waday iyo anigaba waa lana laayay, oo ninkii wiishka lahaa habeenimadii ayaa la xidhay, dadka waxaasi nagu sameeyayna magaaladda Sheekh ayay hada joogaan oo waa niman odayaal ah” ayuu yidhi Maxamed Sheekh Ibraahim (Geele).

Geele, oo hadalkiisa sii watay ayaa yidhi “Waxaa jirta waraaq la gooyo oo $25 dollar ah, oo ay gooyaan is-kaashatadda gaadiidka ee aan ku jiro, is-kaashataddana waxaan ku niqiinay gaadhiga markii ay wax ku dhacaan in lacagtaasi la ururinayo lagu caawiyo, lacagtaasina waa la iga qaadaa, meel walba oo aan joognana taasi ayaanu ku niqiinay, haday Xamar tahay, haday Boosaaso tahay, haday Gaal-kacayo tahay  iyo magaallo kastaba, Somaliland na is-kaashato ayaan kaga jiraa oo gaadhigaygu wuu buufisan yahay, lacagtana waa la iga qaadaa, is-kaashadii aan ku jirayna waxba kama hayo oo iima soo gurman, aniga baabuurkayga lanbarkiisa Somaliland waa 31216, sidoo kale waraaqdii cashuurta waddo marista ee Somaliland lixdii bilood ee u dabeeyay waan bixiyay oo baabuurkayga way ku dhejisan tahay  iyo cashuurta liisanka dhamaanba waan bixiyay,  maalin iguma baaqato”.

Maxamed Sheekh Ibraahim (Geele), ayaa fariin u diray xukuumadda iyo shacabka Somaliland  guud ahaanba umadda islaamka iyo cid kasta oo wax la qaban kartaba in ay u soo gurmadaan, meesha uu ku xaniban yahayna looga saaro. “Fariinta aan umadda Soomaaliyeed u dirayaa  waxay tahay  bil Ramadaan ayaa inagu soo dhaw meeshana dabaysha iyo kulaylka ka dhacaya waad yaabaysaa, meel uu qof bani’aadam ahi joogi karro ma aha, qof ay dani hayso mooyaane, umadda Soomaaliyeed, islaamka iyo dawladda Somaliland waxaan ka codsanayaa gaadhigan in ay iiga bixiyaan meeshan, oo meeshan oo illaahay uuni xaalkeeda ogyahay i dhaafiyaan, oo ay ii soo gurmadaan illaahay dartiis ayaan ka doonayaa” ayuu yidhi Md. Geele.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com