Thursday, June 19, 2014

Duqa Degmada Borama Oo soo dhaweyn ugub ah loo sameeyay


saylici-52-300x168Borama(GNA) Waxa Maanta Magaalada Borama Ee Xarunta Gobolka Awdal Si Diiran loogu Soo dhawayey duqa degmada Borama Saleebaan Xasan Hadi oo muudooyinkii uu danbayey ku maqnaa safar shaqo isaga oo maayirka laga hortaagay degmada dila iyaga oo ay halkaasi ay ku sugnayeen masuuliyiinta gobolka iyo degmada,maayirka degmada lughaya,saladiin,aqoonyahan iyo bulsho aad uu tiro badan oo iskugu soo baxay soo dhawaynta duqa degmada Borama.




Intaasi ka dib ayaa waxa maayirka Borama loo soo qalbiyey dhinac iyo magaalada oo ay wareeraha wadooyinka borama ay tubnaayeen kumaan qof oo iskugu soo baxay soo dhaweynta maayir saleebaan iyada oo intaasi ka dibna la iskugu soo biyo shubtay khayrida Borama oo ay iskugu yimaadeen kumaan qof.




Si kastaba ahaate soo dhaweynta maanta loo samayey maayir saleebaan xasn hadi ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili uu maayirku uu safar shaqo oo taariikhiya uu ku maray wadamada ay ka mid yihiin: Sweden,Norwey,Holland,France oo Uu Kulano mihiima uu la qaatay jaaliyada ka soo jeeda gobolada awdal,salal isaga oo safarkaas taariikhigana waxa uu laa magac baxay Safarkii Horumarka iyo waxqabadka.




Warkan oo Daawasho ah mardhaw filo