Monday, June 2, 2014

Dhalinyarada Beesha Toljecle ma taageersana Musharaxnimada Siilaanyo”Bayaan


“waxaanu ku caano maalnay ilaalinta nabadgalyada iyo daganaanshaha”Guddida joogtada ah ee Ururka Curad




Annaga oo ah Gudida joogtada ah ee Ururka ay ku bahoobeen Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Beelaha Axmed Sheekh Isaxaaq(Toljecle) ee ku dhaqan dalka iyo dibadiisaba, waxaanu salaan kal iyo laab ah u diraynaa warbaahinta madaxa banaan iyo shacabka Xalaasha ah ee Reer  Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.




Waxaanu Beeninaynaa Maqaal been abuur ahaa oo warbaahinta qaarkood ku soo baxay maanta kaas oo lagaga been abuuray aragtida siyaasadeed ee Beesha waqtigan lagu jiro iyadoo lagu xusay in Beeshu taageersantahay Murashaxnimada Madaxwayne Siilaanyo ee shanta sano ee danbe.




Waanala yaqaanaa Caado iyo dhaqantoona uma lihin guulwadaynta iyo kabo-qaadista, waxaanu ku caano maalnay ilaalinta nabadgalyada iyo daganaanshaha,ku dhaqmida garsoorka iyo isku soo jiidida umada walaalaha ah,hore waanu u cadaynay oo waanu ka badheedhnay in aanu kala noqonay kalsoonidii aanu ku qabnay Xukuumada Kulmiye oo aanu mudo badan taageerayaal u ahayn kadib markii ay ku guul daraysatay inay oofiso balanqaadyadii tirade badnaa ee ay umada la galeen waqtigii doorashada oo aan ku soo koobi doono qodobadan hoos ku xusan.




1: Hirgalinta Nidaam Garsoor madaxbanaan oo umada oo dhan wada deeqa.




 




2: Yaraynta heerka shaqo la’aaneed ee dhalinta jaamacadaha ka baxday iyo Shaqo abuurista  jihaynta jiilka soo kacaya.




 




3: Yaraynta Musuqmaasuqa iyo laaluushka ragaadiyay wadanka 23-sano ee u danbaysay




 




4: Suuro galinta mashaariicdii uu Aduun waynuhu lacagteeda ugu deeqay dawlada gaar ahaan Dhaamamkii iyo balaadhintii biyaha magaalada hargaysa.




 




5: Dhisida Goobo caafimaad lagu badbaadiyo hooyada uurka leh, gaar ahaan dhulalka laamida ka durugsan.




 




6: Soo bandhigida Mustaqbalka dhaw iyo ka fog siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.




 




Taas badalkeeda wuxuu dhiiri galiyay laaluushka iyo musuqmaasuqa, kaas oo aynu ognahay maanta inuu gaadhay halkii ugu saraysay oo uu marayo in hantidii maguuraanka ahayd laga iibinayo shirkado iyo ashkhaas fara ku tiris ah.




 




Wuxuu ku guul daraystay xakamaynta Haayadaha shisheeye ee dhulkii macdantii iyo dhagaxaantii qaaliga ahaa ka dhameeyay, halka sanad walba badaneheena lagu daadiyo kumanaan tan oo qashinka warshadaha ah taas oo sababi karta nabaad guur ku dhaca xeebaheena qaniga ah mustaqbalka dhaw.




 




Wuxuu dhiiri galiyay tahriibta oo sida cadaatay qaar kamida xubnaha dawladu caadaysteen tahriibinta da’yarta halkii ay ka joojin lahaayeen,oo maanta jiilkeenii badaha ku dhammaadeen halka intii soo hadhayna jeelasha Liibiyo iyo Xeryo-qaxoonti ku silcayaan, kulmiye tan iyo markii uu xilka madaxtinimada ku guulaystay wuxuu qubuuraha ka soo faqay qabyaaladii.




 




Run ahaantii ka gayoon mayno hadaanu is nidhaa tiriya dhalillaha aanu u hayno Maamulka Madaxwayne Siilaanyo, waxaanu ku soo afmeeri lahayn warsaxaafadeedkan in uu kulmiye yahay Abaal laawe, oo ay hantidii iyo maamulkii dalkuba inyar oo fara ku tiris ah maroorsatay.




 




Ka Beel ahaan waxaanu cadaynaynaa markale in aanu na matalin ninkasta oo kulmiye kula jooga magacayga waxna kaga qaata Madaxtooyada noocuu doono ha ahaadee. waxaanu ogaysiinaynaa  Inta hamiga siyaasadeed leh ee Reerka ee rabta inay ka midho dhaliyaan oo u tartamaan doorashooyinka fooda inagu soo haya ee Golaha wakiilada inay ka waan toobaan la safashada kulmiye iyo inay Kulmiye danbe iska soo sharaxaan.




 




Khilaafka maanta taagana waxaanu u aragnaa inay xukuumadu dabka ku sii hurinayso, awalba waala tartami jiray, waala is qaban jiray ee maxaa shaanida keenay ?




 




Nalama aha madaxwayne in sidan mudo kordhin lagu helayo oo lagu khalkhal galin karo ammaanka Dalka. waayo maanta ninkastaa waa nabad ilaaliye waxaan shaki ku jirin inaad maanta cagta saartay dhabadii Siyaad Barre, waanad ogayd halkuu ku danbeeyay.




 




 




Shirwaynaha Beesha  ee dhici doonana insha’allah waxaanu ku soo bandhigi doonaa  Xisbiga aanu u digorogan doono.




Mahadsanidin Allaah Mahadleh.




Email: cyo99@hotmail.com