Sunday, June 8, 2014

Dawladda Djibouti oo raadinaysa 3 Nin oo ka qayb-qaatay weerarkii is-Qarxinta ahaa.Daawo


 


Toban ku dhawaad kale oo xidhan iyo Muuqaal Daawasho ah oo lagu baafinayo Saddex nin oo Soomaali ah. Hoos ka Daawo..





BaafinDjibouti(GNA)-Dawladda Djibouti ayaa baafinaysa Saddex Nin oo Soomaali ah oo ka qayb-qaatay diyaarinta Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee laga fuliyey dhawaan Magaalada Caasimada ah ee Jibouti.




Laba Qof oo la aaminsanyahay inay ahaayeen Nin iyo Gabadh Soomali ah, ayaa bishii May ee la soo dhaafay dabayaaqadeedii weerar Ismiidaamin ah ku qaaday xarun cadaanka ahi ku caweeyaan oo ku taala badhtamaha Magaalada Xeebta ku taala.




Weerarkan ayaa waxa sheegtay Ururka Al-shabaab, dawladduna waxay sheegtay inay labada is halige ka kala yimaadeen Somalia iyo Itoobiya, kana soo gudbeen soohdinta u dhexaysa Somaliland ee Lowyo –caddo.




Dad kale oo la xidhay




Ugu yaraan 7 qof oo laga qabqabtay gudaha dalka ayaa loo xidhay falkaasoo ay ku dhinteen dad tiradooda lagu sheegay lix ruux, laakiinse dawladdu waxay sheegtay inay saddex qof ku dhinteen.




Fariin muuqaal ah oo laga baahiyay telefishanka Dawladda iyo Baraha Internet-ka ayaa lagu soo bandhigay sawirrada saddexda Nin ee Bilayska dalku baafinayaan, kuwaasoo aan magacyadooda la sheegin, balse taswiirtooda la shaaciyey.




“waxa dadweynaha laga codsanayaa inay soo sheegaan meel kasta oo ay ku arkaan dadka leh sawirradan. Waa inay la soo xidhiidhaan oo u sheegaan ciidamada Bilayska ama Jandarmaariiga”ayaa lagu yidhi fariinta Muuqaalka ah ee la baahiyay.




Halkan ka Daawo:




Dad la Takooray




Dhinaca kale, dawladda Djibouti ayaa la sheegay inay ka madnuucday inay soo galaan Bangiyada iyo goobaha kale ee ammaankooda aadka loo adkeeyo, dumarka xidhan Niqaamka.




Saraakiisha dawladda ayaa sheegay inay foojignaan dhanka amniga ah sameynayaan, isla markaana talaabo laga qaadi doono cid kasta oo looga shakiyo nabad-gelyo daro.




Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti ayaa aad loo adkeeyay, waxaana dadka loogu baadhaa si cabsi badan abuuraysa.




Ciidamada Jibouti ee Somalia




Dawladda jabuuti ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan soomaliya.




Ku-simaha taliyaha ciidanka Jabuuti ee AMISOM, Col. Cali Xuseen Cabdi oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay  in ciidankoodu ay Al-shabaab ka saareen deegaanno badan oo ku yaalla gobolka Hiiraan, isagoo xusay inay sii wadi doonaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah.




Col. Cali Xuseen ayaa ka dalbaday dadka Soomaaliyeed inay gacan ku siiyaan ciidamada AMISOM sidii dalka loogu soo dabaali lahaa nabad iyo horumar, iyaguna ay u heli lahaayeen fursado ay ku shaqeystaan iyagoo nabad-qaba.




Sidoo kale, taliye ku xigeenka ayaa xusay in ciidamadooda ay dagaalkoodu xoojin doonaan si ay Al-shabaab uga saaraan gobolka Hiiraan oo dhan, halkaasoo ay ka howlgalaan; isagoo sheegay inay dhawaan howlgallo kale billaaban doonaan.




Al-shabaab ayaa dhawaan sheegay inay dagaalkooda ku fidin doonaan dalalka ciidamaddoodu ku soo duuleen dalka Soomaaliya.




Gobanimonews




Saylac Office




Email: editor@gobanimonews.com