Hargeysa(GNA)-Ciidamada Bilayska ee Magaalada Hargeysa ayaa xidhay Wariye ka tirsan Gobanimonews gelinkii dambe Maanta, kaddib markii ay ka qabteen Badhtamaha Magaalada xili uu hawl-maalmeedkiisa shaqo ku gudo jira.
Khaalid Xamdi Maxamed, ayaa ku xidhnaa Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa dhawr saacaddood ah, waxaana laga qabtay agagaarka Guriga shaqaalaha dawladda, isagoo meel waddo ah socda.
“anigoo Guriga shaqaalaha hortiisa maraya ayay I xidheen,kaddibna saldhiga dhexe ayay I geeyeen, waxay igu yidhaahdeen ma Muuse Biixi ayaa ku soo diray. Way I baadheen, waxay igu yidhaahdeen waxbaad qarxinaysay, dabadeed waxaan u sheegay inaan wariye ahay. dabadeed markaan isu sheegay ayay igu yidhaahdeen Maxaad u taageertaan Guddoomiyaha Kulmiye, anna waxaan u sheegay inaan wax gaar ah oo naga dhexeeyaa jirin”ayuu yidhi Wariye oo qaabka loo xidhay ka hadlay markii la soo daayay.
"wax dhibaato ah imay soo gaadhsiin laakiinse hadidaad iyo hanjabaad ayay igula kaceen, waxaanay i waydiiyeen su'aalo hanjabaad ah"ayuu hadalkiisa raaciyay.
Dhinaca kale, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Bilayska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo intii Wariyuhu xidhnaa la hadlay Tafaftiraha Gobanimonews ayaa sheegay inay Bilaysku Ninkan soo qabteen isagoo meel fadhiya, waxaanu ku doodday inay uga shakiyeen dadka wax qarxiya.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ururrada Saxaafadda Somaliland oo la xidhiidha dhacdada xadhiga wariyahan.
Waa markii ugu horaysay ee xiisada ka dhalatay Khilaafka Xisbiga kulmiye saameyn ku yeelato Warbaahinta dalka ka hawl-gasha,iyadoo xadhiga wariyahan si cad loogu xidhiidhinayo arrin salka ku haysa khilaafkaas, marka la eego qaabka loo qabtay iyo su’aalaha Bilaysku waydiiyeen Suxufigan.
Tafaftiraha Guud Gobanimonews Saleban Cabdi Cali (Kalshaale) oo hadlay, soo deynta Suxufigan ka ddib, ayaa caddeeyey in Warbaahinta Gobanimonews ay tahay Hay’ad dhexdhexaad ah oo aan u kala xaglin dhinacyada is-haya.
“xadhiga Wariyahan waxaan u aragnaa mid gef iyo ula kac ah, mid meel ka dhac ku ah xuquuqda shakhsiga ah iyo ta warbaahineed labadaba.
waxaan mar kale u caddeynaynaa dhamaan Akhristayaasha iyo cid kasta, inaanaan ahayn Hay’ad cid gaar ah u xaglisa ee waxaannu nahay Hay’ad warbaahineed oo dhexdhexaad u ah dhamaan umadda afka Soomaaliga ku hadasha”ayuu yidhi Saleban Cabdi Cali.
“Gobanimonews Xafiiskeeda Somaliland lama kala safna dhinacyada Kulmiye ee is-haya, xataa hadii ay jirto aaminaada fikir noocaas ah”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com