(GNA)Militariga ayaa dhowr jeer oo hore ku guuldaraystay inuu difaaco magaalooyinka iyo tuulooyinka dhinaca waqooyiga bari ku yaalla, taasoo u ogolaatay kooxda Boko Haram inay is ballaariso.Waa halkii ay ka qafaasheen in ka badan laba boqol oo gabdhood oo iskuul dhiganaysay todoba bilood ka hor.
Kooxdan Islaamiga ah ayaa ka qabsatay magaalada Chibok ciidamada militariga, iyadoo lagu soo waramayo in ciidamada ay goobta ka carareen oo aysan dagaalamin.
Sida ay sheegayaan dadka ku noolaa degaanka ayaa kooxda Boko Haram dagaalyahanadooda ay hadda gacanta ku hayaan magaalada Chibok.
Markii ay weerareen gelinkii dambe maalintii Khamiista dadka deegaanka ee carari karay iyo tiro yar oo ciidamada ah oo halkaa joogay ay isaga baxeen magaalada.
Magaalada Chibok, ayaa magaceedu dunida gaaray kadib markii tiro badan oo gabdho iskuul ah la afduubay bishii April ee la soo dhaafay.
Ugu yaraan 219 ka mid ah gabdhahaas ayaa wali maqan. waxaana kooxda Boko haram ay sheegeen iney islaamiyeen ka dibna Wixii markaa ka dambeeyay, waxay magaaladu ka cabanaysay in sidii la rabay aan loo ilaalin.
In badan oo ka mid ah dadka degaanka horay ugu noolaa waxay u guureen meelo kale oo ay ku badbaadi karaan iyagoo ka baqayay weerarada Boko haram.
Dhibaatada Nigeria ayaa sii xumaanaysay todobaad walba balse siyaasiyiiinta ayaa u muuqda in ay hadda diiradda saarayaan doorashooyinka sanadka soo socda.