Hargeysa(GNA)-Furitaankii Kal-fadhiga 26-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shalay baaqday, kaddib uu saameeyay Inqilaabka Xukuumaddu ku qabsatay Xarunta Baarlamanka Khamiistii la soo dhaafay.
Xildhibaannada kala qaybsanaa tan iyo markii uu Muranku ka bilaabmay Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ah iyo Cod-bixiyeyaasha ee la sheegay in Shir-guddoonka Guurtidu dhexda ka soo celiyay, ayaa si la mid ah maalintii uu Kal-fadhigii hore xidhmay, has-yeeshee ka duruuf duwanayd ugu kala maqnaa Hoolka Shirar.
Mudaneyaal muxaafid ah oo tiradoodu dhaafi wayday 37 Xildhibaan ayaa ku keliyeystay aqalka golaha oo arroornimadii hore loo balaqay xildhibaanada Maamuus ka xayuubinta u soo diyaar-garoobay oo dusha laga ilaalinayay, halkaa maalintii Goluhu fasaxa galay xubnaha mucaaridku nabad-gelyo ku fadhiisteen.
Muuqaalkii Xayn-daabka iyo madnuuca Warbaahinta
Boqolaal Askari oo isugu jira Booliska rabshada ka hortaga, kuwa la dagaalanka Argagixisada, nabad-sugid iyo Milateri, ayaa shalay aroornimadii hore la dhigay dhamaan waddooyinka soo gala Xayndaabka Goleyaasha Baarlamanka iyo Madaxtooyada, kuwaasoo is-hortaagay Xildhibaanada Mucaaridka ah ee Golaha, shacbiga ku gooshayay Dariiqyada la xidhay.
Ciidanka ayaa Belaayo xijaab looga dhigay hindisaha la doonayay in lagu inqilaabo Guddoomiyaha Golahaasi oo ay wateen Mudaneyaasha Muxaafidka ah ee Xukuumadda la safani, kuwaasoo ku keliyeystay gelista Aqalka Golaha ee ahayd inuu ka furmo fadhiga, kaddib markii Ciidanku meel masaafo dheer u jirta ku joojiyeen Guddoomiye Cirro iyo xubno ka mid ah Mudaneyaashii la socday.
Warbaahinta dalka ka howl-gasha, ayaa al-baabka Golaha laga galo laga madnuucay, marka laga yimaado lix Hay’addood oo dawladda gacan-saar la leh oo magacyadooda askarta loo dhiibay, kuwaasoo loo ogolaaday inay ka soo qayb-galaan fadhiga fashilmay.
Fadhigii hore ee Mudaneyaasha Muxaafidka
Xildhibaanada Muxaafidka ah ee xarunta Golaha galay, ayaa waxa hogaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Baashe Maxamed Faarax oo doonayay inuu mudaneyaasha Muxaafidka ah fadhiisiiyo, oo hadii kooromku u buuxsamo loo dhamaystiro qorshaha inqilaabka lagu minjaxaabinayo Guddoonka Golaha ee dibada lagu xayiray.
Kooxda Xildhibaanada ah ee uu Baashe hogaaminayay,ayaa tiradoodu dhaafi wayday 37, kaddib markii ay ka muquurteen 8 Mudane oo markii hore qorshaha ugu jiray inay howsha la fuliyaan, balse markii ay derseen xaalada damiirkoodu siin waayey inay qayb ka noqdaan weerarka qaawan ee Golahooda lagu soo qaaday.
Mudaneyaashan oo ahaa sooca Xubnaha laga soo doortay Gobolka Awdal, ayaa Ganafka ku dhuftay Mooshinka ismuquuinta ku fashilmay, qaabka loo soo maleegay iyo ka dhex muuqashooda mushkiladda ka abuuranta, iyagoo Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa gelinkii hore xilligii xaaladu qasnayd, ku caddeeyey inay talaabada golaha lagu soo faro-geliyay u arkaan Duulaan cad oo aan geed loogu soo gaban, meel ka-dhacna ku ah Dastuurka iyo dhismaha dawladnimada.
“Annagu kuma jirno, kuma jirno wax la eegan karana maaha”sidaasi ayuu mowqifkooda ku soo uruuriyay Xildhibaan. Prof. Barkhad Miigane oo ka tirsan Mudaneyaasha ugu miisaanka culus Xildhibaanada Gobolka Awdal.
“markaanu dhan walba ka eegnay, markaanu si walba u dhukubinay, wuxuu noola muuqday mooshinkaas maanta golaha la keenay, inaanu ahayn mid Qaranka Somaliland anfacaya”ayuu yidhi Axmed-yaasiin Sheikh Cali Ayaanle.
Go’aankii Muxaafidka iyo Guurtidu wada-gaadheen
Marka loo soo laabto gudaha Baarlamanka iyo wixii ka dhacay. Xildhibaanada Muxaafidka ah oo Kooromku u buuxsami waayay, ayaa waxa abaaro tobankii aroornimo soo gaadhay ergo ka socota Golaha Guurtida oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golahaas Saleeban Maxamuud Aadan, uuna weheliyo Odayga Somaliland ugu da’da weyn Xaaji Cabdikariin Xuseen Guuleed (Cabdiwaraabe), kuwaasoo sida ay sheegeen ujeedkoodu ahaa inay xaajada Dhulka dhigaan, kuna soo dabaalaan degenaanshiyo xiisada cirka isku-shareertay ee ka dhex aloosan golaha.
Hase ahaatee Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaanada Hoolka ku jiray, ayaa buuq iyo ku gacan-saydh kala hor-yimi ergada Guurtida, taasoo sababtay hadalo taag-taagan oo daqiiqado lays-dhaafsaday. Baashe Maxamed Cadde hogaamiyaha Garabka Wakiillada ee dawladda, ayaa weedho muujinaya diidmo qayaxan ku qaabiley Guurtida, isagoo ku dhawaaqayay “naga baxa, maxaa noo kiin keenay ee aad noo soo faro-gelinaysaan, laba golle ayaynu nahay..”.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban Maxamuud Aadan, ayaa u jawaabay Guddoomiye Baashe, waxaanu yidhi “ go’aanka idinkaa leh, annagu waxaanu idiin wadnaa talo, inaad howsha dhulka dhigtaan oo wada-hadal ku dhamaysaan, annagu taasaanu idiinla soconaa. Ergaanu idiinku nimi ee xaalada dejiya” ayuu yidhi Saleeban Maxamuud Aadan.
Xubno ka mid ah Mudaneyaashii Baashe gadh-wadeenka ka ayaa isla markiiba ku dhawaaqay inay aqbaleen ladqabada Guurtida. Mid ka mid ah Xildhibaanadaas ayaa ku tiraabay “waanu Aqbalay guddoomiye waanu Aqbalnay guddoomiye ergada aad u socotaan, ee Xaaji Cabdi idin kula socdo”. Ayuu yidhi Mudanahan oo dhinaca kalena u caqli-celiyay Guddoomiye Baashe oo aan la dhacsanayn dhexdhexaadinta Odayaashan.
Kaddib wada-hadalka dhex-maray ergada Guurtida iyo Xildhibaannada Muxaafidka , waxa guddoonka ladqabadu soo jeediyeen in muddo laba maalmood ah dib loo dhigo furitaanka Fadhiga Golaha, Mooshinka, intaana laga shaqeeyo sidii laysugu soo dhawaan lahaa, si sharciga iyo degenaanshiyaha dalka u dan ah oo arrinta lagu xalinayona la raadiyo.
“waxaanu Idinka codsanay inaad laba maalmood howsha dib noogu dhigtaan idinka iyo cida kale ee aad is-haysaanba, arrintana lagu dhameeyo sida Qaranka iyo idinkaba idiin danta ah” sidaasi waxa mar kale Guddoonkii ergada kaddib go’aamiyay Guddoomiye Saleeban Maxamuud Aadan oo u hadlay Odayaasha Guurtida.
Taladaas ayaa abaaro 11:00 barqabanimo lagu qaboojiyay dabeylihii siyaasaddeed iyo dibad-baxyadii ka dhashay Khilaafka cakiran ee Golaha la soo doorto ee Xeer-dejinta, waxaanse sidii Golaha Ciidanku u qabsaday loo ogolaan inuu ka ag-wareego Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, kaasoo arroornimadii hore Ciidanka Bilaysku ku xayireen Hudheelka Imperial ee dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan Madaxtooyada.
Guddoomiye Cirro, ayaa si toos ah uga hadlin go’aanka fadhiga Golaha dib loogu riixay labada maalmood, balse si cad farta ugu fiiqay in xasaanadii Golahaasi awood Ciidan xukuumaddu kula wareegtay. “waxaan shacbiga Somaliland iyo Bulshada caalamka u caddeynayaa in Xasaanadii Golaha wakiillada ciidan lagula lala wareegay, oo la qabsaday, inta xaaladaasi jirtana aanay suuryto-gal ahayn in golihii furmo”.ayuu ku sheegay Guddoomiye Cirro, isagoo Saxaafadda kula hadlayay Afaafka hore ee Hudheelka, kuna gedaamanyihiin isaga iyo Ilaaladiisa Askar tiro badan oo loo diyaariyay inay talaabo ka qaadaan.
Waxaanu intaasi ku daray “saaka (Shalay subax), hudheelkan hortiisa ayaa lagu joojiyay Gaadiidkii iyo ciidankii aan watay. Waxaa laysku dayay in Askartana inta qoryaha laga qaado la xidho, halkaana nalugu joojiyo, markaa xaalada noocaas ah inta goluhu ciidanka u afduubanyahay shaqadiisa ma qabsan karo”.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inaanu sharci ahayn go’aan kasta oo ka soo baxay fadhiga shalay baaqday ee Muxaafidka lagu lad-qabeeyay “go’aan kasta oo ka soo baxa fadhigaasi ma aqoonsanin, waana sharci daro”ayuu yidhi.
Mudaneyaal, Wariyeyaal iyo Rayid la xidhay oo qaar la soo daayay
Geesta kale, intii ay shalay xaalada Golaha Wakiilladu taagnayd, waxa xabsiga loo taxaabay shan ka mid ah Mudaneyaasha mucaaridka ee wakiillada oo laga soo qab-qabtay meelo kala duwan oo ka mid ah soonka Xaafadda Shacabka, iyagoo qaarkood Makhaayado shaah ka cabayaan , lix Wariye oo ka howl-gala warbaahinta kala duwan ee dalka oo iyagana askartu qabatay iyagoo howl-maalmeedkoodii shaqo wata, iyo dad tiro badan oo shacab ah, kuwaasoo goobo kala duwan laga taxaabay.
shanta Mudane ee la xidhay oo kala ahaa Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildh. Bashiir Tukaale, Xildh. Jaamac Xasan Aadan, Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildh. Garyaqaan Maxamed-saalax, ayaa xoriyadooda loo soo celiyay gelinkii dambe ee shalay.
Wariyeyaasha xidhan iyo dhamaan dadka kale ee rayidka ah ee la qab-qabtay ayaa inta laga war qabo xalay xabsiga u hoyday, kuwaasoo ku biiray Xoghayihii Golaha Wakiillada C/risaaq Siciid Ayaanle iyo Guddoomiyihii Dhalinyarada Jiidali oo iyagana habeen hore xiisadan aqalka Wakiillada loo xidhay.
Lama saadaalin karo halka uu sal-dhigan doono muranka ficilka iyo awood-maroorsiga sababay ee u dhexeeya Mudaneyaasha Golaha la soo doortay ee Wakiillada, khilaafkaasoo ka dhashay dib u soo celintii Xeerka Diwaan-gelinta medeniga iyo codbixiyeyaasha ee Golaha Guurtida, kaddib markii garabka Muxaafidku ay Guddoomiye cirro ku eedeeyeen inuu gudbiyay Xeer aan ahayn kii Goluhu u ansixiyay.