“cid kasta oo isku dayday inay mooshin keento horey u guuldaraystay,..” Guddoomiye Cirro
[caption id="attachment_94270" align="alignleft" width="300"]
Golaha wakiillada oo cod u qaadaya wasiirka xidhiidhka goleyaasha[/caption]Hargeysa(GNA)-Wargeyska Yool, ayaa helay Xoggo qoto dheer oo ku saabsan Shaxda Madaxtooyadu dejisay ee lagu shirqoolayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), kaasoo maalmihii u dambeeyay todobaadka ina dhaafay la shaandheynayay qorshe la doonayo in Sabtida Berrito Kursiga lagaga tuuro hadii uu hir-galo hindisaha qaawan ee lagula wareegay Aqalka Xeer-dejintu.
Weerar siyaasaddeed oo cad, kaasoo ay awood ciidan inay ku muquuniso ay rabto xukuumaddu, ayaa ku wajahan Golaha la soo doorto ee Xeer-dejinta 48-ka saacaddood ee soo socda, kaasoo hadii uu sida loo dejiyay ku meel-maro, waxna aanay iska bedelin fad-qalalo siyaasaddeed iyo fool-xumo Qaran soo dedejin kara.
“waxaad moodaa inuu dhamaaday ixtiraamkii iyo u hogaansanaantii Sharciga ee Hay’adda fulinta xaqa loogu lahaa”tani waa aragtida ay durba qaateen mujtamaca dibada ka jooga xayndaabka Dawladda ee uu durba gaadhay duufaanka madaxtooyada dalka laga xumo laga soo kiciyay ee aqalka wakiillada lagu qasayaa.
Mareegta Inqilaabka Madaxtooyada
Mareegta la doonayo in lagu Minjo-xaabinayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo in muddo ah la soohayay, laguna soo kala dhilayey Madaxtooyada iyo Guriga Saylici ee noqday Daarta laga soo afuufo dabaylaha jaan ee bilahan dambe ka bixi baarlamanka dhexdiisa, ayaa u degsan hab la shaxeeyay oo la doonayo in la qarxiyo marka uu fadhiga Golluhu furmo maalinta beri ah.
Sida ay tilmaamayaan xoggaha Wargeysku ka helay ilo-wareedyo u dhuun-daloola arrimaha la falkiyey, waxa Mudaneyaasha Muxaafidka ah ee Golaha, faq gaar-gaar ah iyo fadhi-doceedyo guud lagu fahansiiyay qaabka ay u fulinayaan Khadka farsamaysan ee ay jeexeen Kooxda mashruucan ka dambeysa oo uu hormuud u yahay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Cabdiraxmaan Saylici oo hada hor-gale Waraabe-u-taag ah ka ah faro-gelinta maamul iyo khilaafyada laga dhex abuurayo Golahan toban jirsaday bishii October.
Khadkan loo laqimay Xildhibaanada Mooshin-quuteyaasha lagu eedeeyo, oo sida wararku sheegayaan ka bilaabmay talaabadii ay shalay Ciidanka cusubi kula wareegeen xarunta labada Aqal ee Baarlamanka, taasoo daaha ka rogtay habka Macan-gagnimada iyo ismiidaaminta ah ee Mooshinka dhagaraysan lagu hadoodilayo Cirro, ayaa inta aynaan gudo gelin, qaabka loogu kala qaysanyahay, jawaabta Mudaneyaasha Muxaafidka qaarkood ka bixiyeen iyo go’aankii ugu dambeeyay ee maleegayaashu isku waafaqeen, aynu sharaxaad ka bixin oonaa sida loo shareeray.
Sida ay xogta wargeysku helay iftiiminayso, waxa laysla meel-dhigay in marka fadhiga goluhu furmo, la badka la soo dhigo Qoraalka lagu dalbanayo Mooshinka, kaasoo la beekhaaminayo in farta laga saaro saddexda xubnood ee shir-guddoonka oo kala ah Guddoomiye Cirro iyo labadiisa ku-xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf.
Waxa warku intaas raaciyay in Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Baashe Maxamed Faarax uu qarxin doono Miinnada Mooshin ku sheega badka la soo dhigay, kaasoo sida lagu muunadeeyay shaxda la soo jeeexay u carbisan inuu maroorsado guddoominta fadhiga, mudaneyaashana u arkhiyo eedeymaha loo jeediyay Guddoomiyaha, isla markaana soo jeedin doona maamus ka xayuubinta la hindisay.
Dhinaca kale, sida qorshuhu yahay, waxa Ciidamadu xidhi doonaan dhamaan waddooyinka soo gala xayndaabka Dhismaha Golaha, si looga hor-tago cid kasta oo isku dayda inay diidmo ka muujiso talaabada qaflada ah ee lagu qabsaday golaha Xeer-dejinta, waxaana intaasi dheer culays ciidan oo la saarayo dhaqdhaqaaqa gudaha xarunta, kaasoo lagu muquuninayo hadii mudaneyaasha dhinaca Guddoomiyaha la safani ay talaabo qaadaan ama uu gacan ka hadal dhaco.
Sidoo kale, qayb ka mid ah Saxaafadda madaxa banaan ee dalka ayaa laga madnuucay inay gabi ahaanba ka qayb-galaan Fadhiga Golaha, waxaana Hay’addaha warbaahinta ee laga joojinayo ka mid ah Telefishanka Horncable Tv iyo Wargeys-yada madaxbanaan qaarkood.
Kala qaybsanaanta Muxaafidka iyo Mudaneyaasha saxeexay Mooshinka dhagaraysan
Inkasta oo aanay waxba iska bedelin shaxda la dejiyay dhamaadkii todobaadka, hadana waxa la sheegay inay si weyn ugu kala qaysanyihiin arrintan, Xukuumadda iyo dhinacyada kale ee soo qorsheeyay, suurto galna ay tahay inay taasi quwad jebiso shir-qoolkan.
Wasiirada Madaxtooyada iyo Maaliyadda oo safka hore kaga jiray Kooxda Madaxweyne ku-xigeenku hogaaminayo ee u xilsaaran cadaadiska lagu baraq-jabinayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ay ku qaniinsanyihiin dhaqdhaqaaqa Mucaaridnimo iyo Loolanka xisbigiisu ku liciifiyay Taageeradii Kulmiye shacbigu u hayay, ayaa sida la sheegay iyagu ka biyo-diiday Duulaanka siyaasaddeed ee gaadhsiisan heer maamus ka xayuubineed.
Xogta Wargeyska Yool arrintan ka helay, ayaa tilmaamaysa in Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan uu ku taliyay inaan sidaasi loogu sii tiigaalin cadaadiska Guddoomiye Cirro, isagoo u jeediyay dhinacyada kale ee ay isku jaalka yihiin in isku-dayga Mooshinku xiisad culus kicinayso, sidaasi awgeed loo baahanyahay inaanay xaaladu dhaafin xag-xagasho siyaasaddeed.
Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isna la tibaaaxay in arrinta sida loo wado aanu u bogin, isla markaana uu faraha kala laabtay dhiniciisa giraanta soo maleegay, wallow aanu ku talo-bixin in la joojiyo. Madaxweyne ku-xigeen Saylici ayaa isagu ku adkaystay inaanay bun ka dhimayn ajandeha u yaalla shar iyo shifo waxay kala kulmaanba.
Geesta kale, Xildhibanada Muxaafidka ayaa badankoodu ku gacan-saydhay inay Guddoomiyaha Golahooda ridaan, waxaana la sheegay inaanay xubno badan oo mucaarid ku ahaa Guddoomiyuhu markii shaxda la soo dhigay ay gaashaanka ku dhufteen.
Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo ugu cad-cadaa Mudaneyaasha laga soo doortay Gobolka Togdheer ee Guddoomiye Cirro lagu gaaracayay tan iyo markii xiisada Goluhu bilaabantay, ayaa ka mid ah xubnaha gaashaanka ku dhuftay in loo adeegsado Guddoomiyahooda, halka uu xildhibaan Bukhaari oo isku gobol laga soo doortay Waabeeye uu hor-boodayo kooxda Saylici ee badheedhahoodu cadeystay.
Marka hoos loogu sii daadego, qaabka ay Mudaneyaasha Goluhu arrintan ugu kala qaybsan-yihiin, xubnaha Gobolka Awdal laga soo doortay waxa Ogolaaday mooshinka ilaa saddex Xildhibaan oo uu ka mid-yihiin Axmed-yaasiin Sheikh Cali Ayaanle iyo Mudane Cali-gabiley.
Mudaneyaasha Gobolada Maroodi-jeex iyo gabiley laga soo doortay, ayaa iyagana inkasta oo aan tiro-koob rasmi ah la haynin waxa ay xoguhu tibaaxayaan in xubno aad u koobani masiirkooda dhiibeen, waxaana kuwa qalinka ku duugay mashruucan ka mid ah Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Blaki.
Sidoo kale Xildhibaanada Gobolka Saaxil, ayaan lagu tirin, dhanka Shar-wadeyaasha Muxaafidka ah, halka mudaneyaasha Bariga Burco, Sool iyo Sanaag-na ay ku kala afkaar duwanyihiin arrinta socota, lana ogaan doono mabda’ooda wakhti daayaca soo socda.
Dhanka kale, Madaxtooyada ayaa la sheegay inay Xildhibaanada howshan lagu fulinayo u balan qaaday laaluush dhan $5000 oo Doolar oo kala badh iyo dheeraad loo sii qadimay, iyadoo inta hadhayna la siin doono marka ay guulaystaan ama mashruucu dhamaado, inkastoo aanu jirin inta la ogyahay shardi hadii ay guul-daraystaan lacagta ay ku waayayaan oo lala galay.
Mowqifka Guddoomiye Cirro ee Miinada loo xidhay
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee loo diyaarsaday miinadan Sabtida la filayo inay lagu inqilaabo Aqalka Wakiillada ayaa Calaa-cal aan timo ka soo baxayn ku tilmaamay Libin laga gaadho Mooshinka loo soo maleegay ee la doonayo in lagu rido.
“Muran golaha u dhexeeyaa ma jiree waxaan u arkaa inuu yahay Mid madaxtooyada laga soo tahriibiyay. Waxaanan leeyahay cid kasta oo isku dayday inay mooshin keento horena way ugu guuldaraystay, maantana way ku guul-daraysanaysaaye ee dalka ha inaga duminina”ayuu yidhi Cirro.
Waxaanu intaas ku daray “ waxaan u arkaa in madaxtooyada laga soo tahriibiyay Fidmada Golaha Wakiillada laga wado” ayuu hadalkiisa raaciyay Cirro oo ka hadlayay xaflad Xisbigiisa Waddani ku soo dhaweeyey taageerayaal cusub oo Burco ka dhacday.
Guddoomiye Cirro ayaa intaasi ku daray in Kal-fadhigii Goluhu uu furmayo, balse uu ka digayo inay Madaxtooyadu xaalad ka abuurto “Golihii wuu furmayaa, annagu waxaanan jecelahay inuu nabad-gelyo ku furmo ee halaga daayo xaalad abuurka lagu hayo” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Bur-burka Heshiiskii Guurtida ee Khilaafka Wakiillada
Dadka ka faallooda arrimaha Sharciga iyo siyaasadda ee u dhuun-daloola qorshaha la soo maleegay, ayaa aamisan inuu gabi ahaanba bur-buaryo Heshiiskii Golaha Guuridu ku soo af-jareen Khilaafkii ku saabsanaa xil-ka xayuubinta Shir-guddoonka Wakiillada, kaasoo ay 10-kii bishii Feberaury ee sanadka soo afjareen Ergo Guurtida ah oo uu hogaaminayo Xaaji Cabdi Waraabe.
Khilaafkaasoo la mid ahaa kan iminka taagan, isla markaana ka dhashay soo jeedin wax ka bedel in lagu sameeyo Xeer-hoosaadka Golaha ah, iyadoo hoos loo dhigayo tirada codadka Xilka lagaga xayuubin karo Shir-guddoonka, oo laysku qabtay 55 cod halaga dhigo iyo 44 mudane halugu soo koobo, ayaa Guurtidu qaraar ku soo saartay laba qodobo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac.
Nuxurka Heshiiskaasi ayaa ku soo uruurayey in Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu xilka ku waayi karo 44 Cod oo kaliya, halka markii hore uu ahaa 55 cod iyo inaan wakhtiga Doorashada Baarlamanka cusub ka hadhay aan wax mooshin xil qaadis ah laga keeni karin Guddoonka.
Labadan qodob ayaa hadii ay arrinta Goluhu sida wax u socdaan ha ay noqoto, buraya, iyadoo ridista Guddoomiyuhu ku noqonayso halkii 55 Mudane inay xilka ka qaadi karaan, maadaama qodobkii dhinaca Mucaaridku ay ku bedesheen aqbaladaa 44 cod ay Madaxtooyada iyo Kooxdeedu jebiyeen.
Heshiiskan oo aan soo jeedintii Guurtida qaraarkii lagu soo saaray ka sekow aan sharci loo bedelin, ayaa xumad-jabin u noqday muranka sii socda ee Golaha Wakiillada.