Hargeysa(GNA)-Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Ilo-wareedyo u dhuun-daloola Muranka ka dhex aloosan Golaha Wakiillada, Fadhigii Golaha Wakiillad ee maalinta Berri ah loo balansanaa in la keeno Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golahaas ayaa la doonayaa in la baajiyo, kaddib markii ay xiisad lagu diidanyahay cirka isku shareertay saacadihii u dambeeyay.Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada is-haya oo ku saabsan isku dayga la doonayo in lagu baajiyo fadhiga Golaha, hase ahaatee ilo-wareedyadu waxay intaasi ku darayaan inay xukuumaddu dirtay ergo dhexdhexaadineed oo isku soo dhaweysa Guddoomiyaha golaha Wakiillada.
Dhinaca kale, warku wuxuu intaas darayaa in Guddoomiye Cirro ku adkaysanayo in fadhigii Goluhu uu furmo maalinta beri ah, isla markaana uu diyaar u yahay wax kasta oo ay la yimaadaan Xildhibaanada Mooshin quuteyaasha ah.
Sida wararku tibaaxayaan inta badan Xildhibaanada Muxaafidka ah ee Guddoomiye Cirro lagu garaaci jiray, ayaa dhabarka u jeediyay Kooxda wadata Mooshinka Cirro lagu ridayo, waxaanay wararka Gobanimonews heshay tilmaamayaan in 30 Xildhibaan oo qudha ay saxeexeen.
Khilaafka cirka isku shareeray ee Golaha wakiillada u dhexeeya ayaa saameyn ku yeeshay degenaanshiyaha siyaasaddeed ee dalka, iyadoo aad loogu hadal hayo goobaha lagu kulmo muranka taagan.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro, ayaa galabta soo gaadhay Magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen boqolaal taageeerayaasha xisbigiisa ka mid ah.
Cirro ayaa goob-fagaare ah kala hadlay dadka soo dhaweeyay ."Dhamaan shacbiga reer Hargesa,ee waftiga ka hor yimi,sida diirana u soo dhaweeyey iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI,dhamaantood waxaa aan uga mahad naqayaa soo dhawaynta,ay haleeya shi shadeeda naga'ga horyimaadeen,waxaan lee yahay waad mahadsan tihiin,waxaan kale oo aan u mahad n aqayaa dhamaanba gobaladii aan soo maray,reer Saaxil gaar ahaan dagmada Barbaera,dagmada Sheekh,dagmada Burco iyo dagmada Oodweyne.oo ay shacbiga halkaasi dagani ay si wayn noo soo dhaweeyeen,si aadana u muujiyeen taageerada ay u hayaan Xisbiga WADDANI.dad badan oo deegaamadaas ka tirsan oo cid walbana lehina ay ku soo biireen Xisbiga WADDANI,iyagana waxaanu leenahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin"Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) oo sida oo kale hadalka sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray."Saxaafada aad ayaan u salaamaya oo Saxaafada iyo anaga baryahan danbe waa nala wada eryanayaayoo.markaa Xukuumada waxaan ugu baaqaynaa oo aan leeyahay Saxaafada waxaa uu dastuurku uu siiyey madax banaani,oo madax banaanido oda la siiyo,oo cabudhinta iyo juglaynta laga daayo,saxafiyiinta xidhan la siidaayo,iyo dhamaanba shacbiga la xidh xidhay ee ay reer gar adag ay kow ka yihiin,masuuliyiinta ugu sar saraysa Xisbiga WADDANI ay ka midka yihiin ee wasiirkii Beeraha ee Xisbiga WADDANI,waxaa kale oo dhacdooyinka dhacay ka midka ahaa gurigii mulkiilaha Horn Cable Tv Md:Farxaan oo iyadana aad aad uga 25-Kmda dharagsanaydeen.markaa waxaan leeyahay shacbiga argagaxa ha laga daayo,Xukuumadana waxaan ugu baaqayaa nabad galyada iyada ayaa ka masuul ah,Xisbiga WADDANI waa Xisbi nabadeed,masuuliyiintiisuna waa masuuliyiin nabadeed,waxaanu jecel nahay in ay nabada ay illaaliso xukuumadu oo aan iyada laga illaalin nabada,waxaanan shacbigana aan ugu baaqayaa sharciga in ay ku dhaqmaan,sharaftoodana ay illaashadaan,golahoodana ay illaashadaan,waana inoo barito iyo golahii"Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com