Monday, November 17, 2014

Kala-badh Wasiirrada xukuumadda oo reysal-wasaaraha ugu baaqay inuu iscasilo

[caption id="attachment_90399" align="alignleft" width="300"]Cabdiwali Sheikh kamuu hadlin khilaafka cusub Cabdiwali Sheikh kamuu hadlin khilaafka cusub[/caption]

Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan 14 wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ku baaqay inuu iscasilo ra'iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Wasiiradan ayaa warqad u qoray ra'iisalwasaaraha, waxayna ku sheegeen in loo baahan yahay inuu iscasilo si loo xalliyo khilaafka madaxda sare ee dowladda.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku fashilmay inuu yeesho fadhi looga doodi lahaa mooshin ka dhan ah ra'iisalwasaaraha kaddib markii ay fowdo ka dhex billaabatay.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa aad ugu kala qeybsan Mooshinka ridista reysal-wasaaraha oo in muddo ah horyaallay.

Arrintan ayaa salka ku haysa khilaaf dhawaan soo kala dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Deeqbixiyayaasha iyo bulshada caalamka ayaa ka digay in tani ay Soomaaliya ku hogaamin karto oo kaliya qalalaase iyo daganaansho la'aan siyaasadeed oo hor leh