Saturday, November 1, 2014

Ganacsatadii xukuumadu ciishay oo xisbiga Ucid ku biiray

,Suuqa Gabanimo wuxuu ka dhiidhiyay tacadiga xukuumada iyo boobka cashuurta,


DSC08099

DSC08100

DSC08104Hargaysa(Gobanimonews). xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa xaflad balaadhan oo soo dhaweyna u qabtay ganacsatada suuqa Gobanimo iyo Degmada 26june, ee magaalada hargaysa kuwaas oo hore uga mid ahaa xisbiga kulmiye balse hada si buuxda ugu biiray xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid.
munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotelka Crown ee magaalada hargaysa Ayaa waxa ka soo qayb galay ku xigeenka musharax Xisbiga Ucid Dr.C/rashiid Xasan mataan, gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga Ucid Muj. Cali maxamuud Yuusuf(cal guray) xildhibaanada aqalka wakiilada iyo golaha deegaanka ugu jira xisbigaasi,gudoomiyaasha Gobalada dalka ee xisbiga Ucid iyo kumanaan taageerayaala oo ka tirsan Suuqa ganacsiga ee gobanimo iyo degmada 26june, kuwaas oo dhamaan hore uga mid ahaa xisbiga kulmiye hadana ka soo diga rogtay kuna biiray xisbiga Ucid.
waxaana ugu horayn ka hadalay furitaanka xafladan Gudoomiyaha suuqa Gobanimo isaga oo ka warbixiyay ujeedada ay ugu biireen xisbiga Ucid ugana goosteen kulmiye isaga oo sheegay in xukuumada siilaanyo ay ka baxday balan qaadkii ay la gashay wakhtigii ololaha doorashada madaxtooyada islamarkaana ay kala kulmeen tacadi iyo xad gudub badan kaas oo uu ku tilmaamay mid boob cada ah isaga oo sheegay in ay xukuumadu mar kastaba ay ku kordhiso cashuurta islamarkaana aanay waxba ugu qaban,
xildhibaan Qabile Iyo gudoomiyaha Gobalka saaxil ee xisbiga Ucid ms. rooda oo iyaguna ka hadlay xaflada ayaa dhankooda soo dhaweyn ka dib waxay dhaliilo xoogan u soo jeediyeen hanaanka maamul ee xukuumada siilaanyo iyaga oo shacabka ugu baaqay in ay xukuumadu haatan sii laalaado, Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga ucid yuusuf Kayse c/laahi ayaa isna waxa uu xukuumada ku tlimaamay mid hadii ay mar kale dalka dib ugu soo noqoto xukunkiisa ay Iibindoonto Kalyahay dadka.
Muj. Cali guray iyo musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xsibiga ucid ayaa dhankooda waxay weerareen xukuumada siilaanyo iyaga oo shacabka ugu baaqay inay codkooda ugu horaan xisbiga ucid .
sikastaba ahaatee xafladan ayaa noqonaysa tii ugu horaysa ee ganacsato ka soo diga rogatay xukuumada iyo xisbi xaakimku ay ku biiraan xisbiyada mucaaridka ah .
Gobanimonews.office.
Hargaysa/Somaliland.
Mustafe Axmed Herer