Saturday, November 15, 2014

C/raxmaan Cirro: Afar boqol oo Askari ayaa la dul-dhigay Xarunta Baarlamanka"

cirroHargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo caawa Shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Ciidan ka badan Afar boqol oo askari la dul-dhigay Xarunta Baarlamanka.

Cirro ayaa sheegay in Askartaas lagu Inqilaabayo sharciyada Golaha, isla markaana loogu talo galay in lagu cabudhiyo Rayul-caamka iyo  xoriyada Mudaneyaasha.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in aaga Xaafada Shacabka oo dhan lagu soo daadiyay Ciidan loogu talo-galay inay shacabka is-hortaagaan.

Hadalkan ayuu jeediyay goor dhaweyd iyadoo ay wali cirka ku laalantay xiisada laga cabsida qabo ee Golaha Wakiillada Khilaafkoodii madaxa la galay.