Sunday, October 19, 2014

Xisbiyada Somaliland iyo qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka oo ka tashanaya Doorashooyinka

Hoos ka Daawo hogaamiyeyaasha Saddexda Qaran ee Somaliland oo u ambo baxay Nairobi..

[caption id="attachment_100106" align="alignleft" width="300"]hogaamiyeyaasha saddexda xisbi ee somaliland oo nairobi u dhoofay hogaamiyeyaasha saddexda xisbi ee somaliland oo nairobi u dhoofay[/caption]

Hargeysa(GNA)-Hogaamiyeyaasha Asxaabta Qaranka Somaliland ayaa maanta u ambo baxay Socdaal ay muddo afar maalmood ah ugu maqnaan doonaan dalka Kenya, halkaasoo ay kula kulmi doonaan qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka iyo dhiiri gelinta Dimuquraadiyada.

Weftigan waxa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo haysta laba xil oo ka turjumaya miisaanka siyaasaddeed ee dalka.

Cabdiraxmaan Cirro oo wariyeyaasha la hadlayay ka hor intaanay ka ambobixin magaalada Hargeysa, faahfaahin ka bixiyay ujeedada socdaalkooda iyo waxyaabaha ay ka wada hadlayaan Wakiillada Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka.

Cirro ayaa sheegay inay kala hadli doonaan Beesha caalamka arrimaha Doorashooyinka iyo Dimuquraadiyada dalka.

Halkan ka daawo:

Qaadhaan-bixiyeyaasha beesha caalamka ayaa dawladda ku dirqiyaya inay doorashooyinka qabato wakhtiga u cayiman oo aanay muddo dhaaf iman, taasoo ah talaabada ugu weyn ee ay danaynayaan asxaabta mucaaridku.

Arrintan ugu weyn ee lagala tacaalayo Somaliland waxay tahay dib u dhac ku yimaada Doorashada Madaxtinimada oo ku beegan Bisha December ee sanadka 2015-ka, balse aanay xukuumaddu wali diyaar garow u samaynin.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com