Friday, October 31, 2014

Goorma Ayuu Xildhibaan Ruush Ka Mid Noqday Kooxda Daacish?

Layaab ayay nagu noqotay markii aanu aragnay Xildhibaan mudadii uu ku jiray Golaha wax matarayaasha ah ee Wakiiladda Somaliland ahaa qunyar socod oo mar keliya wareegay sagaashan digrii, isagoo difaacaya siyaasada qaawan ee Kooxda ku xeeran Madaxtooyadda ee kala qariyay Madaxweyne Siilaanyo oo six or ah loo doortay Afar sanadood ka hor, laakiin nasiibarado ay kooxdaasi ka qariyeen shacbigii soo doortay, isla markaana lumiyeen ujeedooyinkii iyo himilooyinkii siyaasadeed ee laga sugayay Odayga sida weyn loogu han weynaa.

Maaha oo keliya in ay shacbigii soo doortay ka qariyeen Madaxweynaha ee waxa kale oo ay sameeyeen in ay gebi ahaanba si dadban ula la wareegaan talada dalka, iyagoo nasteex isaga dhigaya Madaxweyne Siilaanyo, kooxdani waa koox tro yar oo siyaasadoodu fogtahay, waana kuwii sababay dhibaatooyin iyo xurgufo siyaasadeed oo in baddan ka dhex aloosnaa Madaxweyne Siilaanyo iyo kuwii ay soo wada halgamayeen ee hoggaanka Kulmiye, kuwaas oo aynu oggayn siyaasadaha guracan ee ay isticmaalayeen khatartii ay dalka geliyeen.

Kooxdani waxay dhexda ka inqilaabtay guushii Xisbiga Kulmiye 2010. Kadib markii uu ku guulaystay doorashooyinkii Madaxtooyadda ee uu xukunka kula wareegay Madaxweyne Siilaanyo, waxayna wixii mudadaa ka danbeeyay ka shaqaynayeen sidii ay uga midha dhalin lahaayeen siyaasadooda guracan ee qarsoon, waxa layaab ku noqotay Bulshada dhabada dheer usoo martay isbedelkii guusha sida ay u inqilaabeen tallada iyo awooda dalka. Kadib markii ay isku xeereen Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana ka fogeeyeen cid walba.

Kooxda aynu ka hadlayno maaha xaafad iyo xisbi ee waa casaabad magacyo baddan, waxayna mudooyinkii hore siyteen magaca Islaax, Ictisaam iyo magacyo kale oo bulshadu ku wada baratay, balse mudooyinkan danbe waxay Bulshadu u bixisay oo loo yaqaan Daacishta Somaliland, waana koox ka khatarsan cid walba, waxayna mudadii ay Siilaanyo ku xeernaayeen sameeyeen iyagoo fulinaya siyaasadooda qarsoon in si badheedh ah ugu tagri-falaan awooda iyo tallada dalka, isla markaana waxay abuureen Burjuwaasiyad, iyagoo ku mamay mashaariicda eexda iyo qaraaba-kiilka ah ee qandaraasyada xukuumadda iyo mashaariicda kale ee loogu habo sida abaydinka , kuwaas oo ay dad gaar ah u samaysteen, waxa agtooda yaal dulmi, cadaad-daro, boob iyo indha adayg ay doonayaan in ay ku gaadhaan ujeedooyinka ay leeyihiin ee siyaasadeed.

Mudadii uu xukunka hayay Madaxweyne Siilaanyo, waxay u muuqdeen in ay maalimba maalinta ka danbaysa awoodooda sii balaadhinayeen, waxayna cid walba ay u arkaan in ay fahamtay, ama ka aragti fogtahay ku qaadaan weeraro loo adeegsado dhaqaale baddan iyo in waddo kasta oo ay awoodi karaan in laga xidho cidda isku dayda in ay ka hadasho khaladaadka ay ku jiraan.

Sidoo kale xiliyada ay jiraan khilaafyo siyaasadeed, waxay adeegsadaan shaqsiyaad kala duwan oo difaaca siyaasadooda iyo ujeedooyinkooda, kuwaas oo ay uga faa’idaystaan dhaqaale xumada iyo shaqo la’aanta, ama baahida dalka ka taagan.

Hase yeeshee waxa layaab nagu noqotay markii aanu aragnay Xildhibaan Ruush Carraale oo difaacaya siyaasada guracan iyo beenta kooxdaa loo bixiyay Daacishta Somaliland, wuxuu ahaa Xildhibaan qunayar socod ah, kama mid ahayn kooxda Eexda iyo Qaraaba-kiilka lagu siiyo mashaariicda ay qaybsadaan Kooxdaa oo qaarkood yihiin Xildhibaano ay horood u yihiin Cali Mareexaan iyo Waabeeyo iyo kuwo kale oo ay kooxdu ku shaqaysto, xiligana may ahayn xiligii ku biirista kooxdaa oo waqtigoodu gabaabsi yahay, waxa mar keliya bulshada Deegaamada Sanaag, Cayn , Sool, Saaxil Iyo Burcoba ka yaabiyay Xildhibaan Ruush oo noqday Maxamed Siciid Saxaaf-kii Markii Taliskii Saddaam sii dhacay ee Baqdaadba la haystay shaashadaha ka dhamaan waayay, waxay dadka oo dhami is weydiiyeen Ruush markii hore miyaanu dalka joogin, Goormuu afhayeen u noqday Kooxda Daacish ee mudada afarta sanadood ahayd inqilaabka ku haystay siyaasada Xukuumadda Maxadeyne Siilaanyo.

In kasta oo aan mararka uu shaashadaha kasoo baxayay Xildhibaan Ruush uu daaha dabadiisa ka muuday Cali Mareexaan oo ka mid ah hormoodka kooxdaa, isla markaana ay arrintaasi muujisay sawirka dhabta ah ee cidda daaha daaha dabadiisa ka hagaysay dhawaaqyada aan xiligan looga baahnayn Xildhibaan Ruush inuu ku difaacayo kooxdaa iyo siyaasadooda guracan ee gabaabsig ah.


Sidaa oo ay tahay Xildhibaan Ruush waxaan leeyahay ha noqon Maxamed Siciid Saxaaf, mana aha xiligii aad ku biiri lahayd Kooxda Daacish ee dib u fadhiiso, waxaadna oggaataa Cadceeddu waa gabal-dhac ee ha raacin oo ku noqo halkaagii yaan Liiska lagu darin adigoo aan waxba galabsan.

Arta Abayn
Arta. Abyan@yahoo.com