Sunday, October 26, 2014

Laba qof oo ku dhintay Shillal Gaadiid oo ka dhacay Hargeysa

SHILALHargeysa(GNA)-Laba qof ayaa ku dhintay shilal gaadhi oo ka dhacay goob isku dhow Magaalada Hargeysa, kaddib markii ay jiidheen Baabuur Laamiga maraysay .

Labada Ruux oo ah Hooyo waayeel ah iyo Wiil Dhalinyaro ah ayaa waxa Laamiga hormarta Hay’adda Shaqaalaha ku jiidhay laba Gaadhi oo Bas ah, arroornimadii hore ee saaka.

Shilalkan oo ka dhacay goobbo isku dhow, ayaa kala dambeeyay saacad wakhti ka yar, sida ay goob-joogeyaal kala duwani Gobanimonews u xaqiijiyeen.

Wiilka dhalinyarada ah ayaa la sheegay inuu gaadhi Bas ahi jiidhay, isagoo ka talaabaya laamiga guriga shaqaalaha hortiisa, kaasoo sida la sheegay uu Taayirka Mariyay Gaadhigu “wuxuu dhaafayay gaadhi kale oo bas ah, wiilkuna muu arkayn dabaddeedna markii fuqa ku dhuftay ayuu hadana madaxa taayirka ka sii mariyay” sidaasi waxa GNA u sheegay mid ka mid ah goob-joogeyaashii Indhahooda ku arkayay markii shilku dhacay.

Waxa uu intaa ku daray “saacadu waxay ahayd ilaa todobadii oo rubuc la’” ayuu mar kale sheegay isagoo sharaxaad ka bixinayay siduu shilku u dhacay.

Dhinaca kale, shil kan la mid ah ayaa la wariyay inuu ka dhacay isla ka soo horjeedka Guriga shaqaalaha xilli lagu qiyaasay abbaaro sagaalkii subaxnimo .

Sida lagu baahiyay Mareegaha wararka ee Magaalada Hargeysa, isla markaana dad goob-joogeyaal ahi sheegeen , Gaadhi bas ayaa Taayirka mariyay Hooyo da’ ah, ku socotay xarunta Hay’ada shaqaalaha oo ay doonaysay inay ka qaadato Kaadhka Jinsiyada.

Hooyadan Shilkan waxa ka badbaaday qof yar oo la socday Haweenayda Gaadhigu jiidhay, sida ay wariyeen goob-joogeyaashu . “Wakhtigeeda oo dhammaan Ilaahay inanta yar wuu ka badbaadiyey shilkan, balse waxay ku dul-dhacday, kuna dul-muraara-dillaacday ayeydeedii gacanta ay haysay oo dhiiggu burqanaayo, geeri iyo nolol-na aan loo kala garanayn….” Sidaasi waxaa yidhi mid ka mid ah dadkii ka ag-dhawaa goobta shilku ka dhacay sida ay baahisay Shabakadda Hadhwaaag.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka oo ku saabsan sababta dhalisay shilalka, hase ahaatee waxa warku intaasi ku daray in mid ka mid ah labada Baabuur ee shilalka geystay isla markiiba ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka oo kaashanaya shacbigii ku soo uruuray dhacdadani gacanta ku dhigeen.

Cidhiidhiga Waddooyinka Caasimada dhex mara,masuuliyad daro inta badan ka timaada Waddeyaasha Gaadiidka iyo dadka oo aan ka taxadirin Baabuurta waddooyinka maraya ayaa sabab looga dhigaa waxyeellada birta ee Magaalada dhexdeeda.

Ciidanka Nabad-gelyad waddooyinka Somaliland ayaa sanad kasta diwaan-geliya boqolaal Shil gaadiid oo ay intooda badani ka dhacaan caasimada iyo waddooyinka isku xidha Magaalooyinka.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com