Friday, October 31, 2014

Wariye kale oo xabsiga loo taxaabay Gabiley

Maxamed Xasan Sheekh Maxamed JubaGabiley (GNA) Weriyihii SOMSAT TV Ee Gobolka Gabiley Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud (Jubba) Ayaa Goor Dhawayd 04:30 Galabnimo Si Sharci Darro Ah Saldhiga Dhexe Ugu Taxaabeen Ciidan Ka Mid Ah Booliiska Gabiley Oo Uu Hogaaminayo Askariga Ilaaliya Gaarka Ah Ee Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley, Iyagoo Ka Daba Socda Warar Shalay Ay Ka Baahiyeen Xisbiga Kulmiye .

Askarta Loosoo Diray Xadhiga Weriyaha Oo Warbaahintu Waydiisay Waaranka Lagu Qabanayo Weriyaha Ayaa Sheegay Inay Iyagu Amarka Taliyohooga Qabaan Ee Aanay Waxba Ka Galin Waaran Iyo Danbiga Lagu Eedaynayo Ee Ay Qabanayaan Cidkasta Oo Loo Diro.

Xaalada Degmada Gabiley Ayaa Laga Cabsi Qabaa Inay Isku Bedesho Goob Fawdo Ah, Kadib Markii Xukuumadu Bilawday Cabudhinta Saxaafada Iyo Xadhiga Bilaa Eeda Ah Ee Lagula Kacayo Hawl-Wadeenada Saxaafada Gabiley.

Wasiirka Maaliyada Ayaa Lagu Eedaynayaa Inuu Ka Danbeeyo Xadhiga Suxufiyiinta Isagoo Adeegsanaya Dawlada Hoose Ee Gabiley Kadib Markii Ay Dhawaan Baahiyeen Warar Xaqiiqo Ah Oo Ku Saabsan Kastamka Kalabaydh Iyo Musuqmaasuqa Baahsan Ee Hadheeyay Iyo Wasiirka Oo Baryahan Danbe Ku Hawlanaa Sidii Uu U Kala Kaxayn Lahaa Odayaasha Reer Gabiley Oo Ka Midaysan In Xukuumadu Sharciga Hor Keento Ciddii Ka Danbaysay Dilkii Saraakiisha Ee Ka Dhacay Degmada Qori-Logud Ee Gobolka Buuhoodle.

Xadhiga Weriyahan Ayaa Noqonaya Kii Labaad Ee La Xidho Afar Iyo Labaatankii Saacadood Ee U Danbeeyay, Waana Tacadigii Xukuumadu Ku Haysay Saxaafada Madax Banaan Oo Hore Ay Albaabada Ugu Laabeen Haayado Warbaahineed Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Hubaal Iyo Haatuf.

C/raxmaan Aadam

Gobanimonews

Gabiley Office