Wednesday, October 29, 2014

Been Baan Kuu Sheegayaa..!!Faallo

Been Baan Kuu Sheegayaa,Mana Beenin Kartid Beentayda Ee Beentayda Qaado. Faallo Maxamed Aden Dirir.

 

dirirHargaysa ()Qofku marka U Doonayo Inuu Ku khaldo waxaa uu kaaga waramayaa meel aanad gaadhi karin awoodaada xiligaasina ka baaxad weyn,waxaana ku kaliifaysa si uu adiga kuu handado xaga caqligaaga isla markaana kuu yeesho oo aanad uga hoos bixin waxaana kuu cadaynaysa beenta maalin kasta laguu sheegayo ee idaacado ku hadla afkaaga isla markaana aad u taqaan somali run kuu sheegaysa ayaa hadana Faafinaya Mabaadi Aynaan Ab iyo Isir U Lahayn Kuna Taxaluqda Aafada Reer Galbeedka

Hadaan ku iraahdo Been Baan kuu Sheegayaa Mana Haysid Waxaad ku Beeniso Beentayda Ma Qaadanaysaa?

Beenta oo Biniaadamka lagu celceliyaa waxaa ay aakhirka ugu danbaysa noqotaa run,Waana Falsafad uu Isticmaali jiray Hogaamiyihii Dunida Soo Maray ee Dalka Jarmalka ADOLF HITLER Xiligii uu ku jiray Dagaalkii uu La Galay Dunida Dalal Ka Mid Ah

Islaam Hadaad tahay waxaa hubaal ah inaynu ka dhaqaaqnay wixii caadada inoo ahayd iyo dhaqankeenii xaga diinta ee ilaahay ina faray iyo sunadii rasuulka maadaama aynu rumaysanayno Gaal Bilaa Kitaab Ahi Wuxuu Inoo Sheegay waxaana aan uga socdaa Xadiis Ayaa Ahaa Munaafaqa Ha Rumaysanina Kii Gaalka Ahaana Maxaad U Malaynaysaa.

Waxaa La Ina Gaadhsiiyay In Hadii Lasoo Hadalqaado Diinta Islaamka Ama uu Qof Ka Hadlo Loo Qaadanayo Inuu Yahay Waxa Ay Daaquudku U Bixiyeen Argagixiso Iyagaa Argagaxa Abuuree,Hadaad Sidoo Kale Ka Hadasho Isku Dabaqida Diintada Iyo Nolosha xukunkeeda iyo welibana dabarka Naftaada

 

Waxaan Isweydiinaynaa Ma Joojin Kartaa Inaad Tidhaahdo Reer Galbeedoow Raga Iyo Dumarku Ma Sina Hana Isku Xukumina Sharciyada Aad Dhigateen,Waa Maya Ayaan Filayaa,Cidina Ulamaba Tegi Karto Hadaba Adigoon Is Qarxin Dadna Layn Maxaa Kuu Diidaya Inaad Diintaada Isku Xukunto Maxayse Kaa Rabaan Gaalo?

 

Aayadii Ahayd Lakum Diinakum Waliyadiin Ayay Xataa Soo Dhaafeen Oo Toodii Kumay Ekaane Taadii Ayay Hada Kugusoo fara Geliyeen Subxaanak Yaa Cadiim.

 

Mar Hadaanad Hayn Waxaad Ku Beeniso Beenta Gaaladu Kuu Sheegayso Waxaad Ku Khasban Tahay Inaad Beentooda Iska Qaadato Maxaa Yeelay Wuxuu Ku Yidhi Dayaxaan Tagay,Waana Been Mana Haysid Waxaad Ku Beenisid Markaa Waa Beentiisa Iska Qaado Berina wuxuu Ku Odhanayaa Qoraxdaan Kusoo Qayilayay Mana Beenin Kartid.

Ninka Ugu Ildheer Baa Dadka Ugu ayaan daran,Waxaan lala Arkayn Baa Isaguun U Muuqdee,Waxaan Uga Socdaa Bal Dhuux oo Dhan Maansada Abwaan Hadraawi Ee DABAHUWAN iyo Macnaha ujeedooyinka Badan leh ee Ay Xanbaarsan Tahay Waxaana aanu Kasoo qaadanay Inta Uu Uga Hadlayo Dayaxan La Tagay

korkeena inay degaan

dusheenna ka soo hadlaan

waxay ugu duur xulaan

kasheenna inay darbaan

hankeenna inay dilaan

jidkeenna inay duwaan

dawaafka is dhaafayaa

duullaanka cirkee socdaa

dedaal iyo maaha guul

daryeel kuma baadhayaan

wanaag kuma doonayaan

inay cilmi daalacshaan

aqoonta ku sii durkaan

wixii dedan qaawiyaan

dantoodu ka sii gun dheer

rugaa dirir saaranyahay

waxay u docaynayaan

dayaxa u hadhaynayaan

dagaar u cagaynayaan

. inay run ku duudsiyaan

xaqiiqada daahsudhaan

adduunyada dooriyaan

iyagu u daliil noqdaan

Ujeedadu Waxaa Weeye Si Laguu Yeesho Maalin Kasta Waxaa Laguu Keenayaa Isla Markaana Laguu Barayaa Wax Aanad U Baahnayn Oo Aad Noolaan Karaysay Iyaga Maqnaashahooda,Wershado Furan Ayaa Adiga Kuu Fekeraya Waxaana Ay La Dagaalamayaan Inaad Adigu Wax Noqoto Oo Wax Samaysato Waxna Lasoo Baxdo Isku Filaansho Hadaad Gaadhona Iyaga Uma Baahnid,

Adigu Waxaad Tahay Shaqaale Waxaana Aad U Shaqaysaa Cidaas Aan Sheegayno,Mushaharka Yare e Ay Ku Siiyaana Waxaa Ay Kugu Dhaheen Dib Ugu Iibso Waxa Ay Wershadahayagu Soo Saaraan.

Lamana ogola inaad noqoto qof mawqif iyo go’aan leh mana kari kartid inaad qaadato go’aan adiga kuugaara hadaad qaadatana mahelaysid garab iyo cid damiirka kushaqaynayaa taabanayo ama uu damqayo waxaana taasi sababtay inay lumaan:

  1. Dhaqankii

  2. Diintii

  3. Wadaninimadii

  4. Midnimadii

  5. Maamuuskii

  6. Mawqifkii

  7. Maamulkii


Macno unoolaanshii umadeed, bulsheed, kooxeed, qoyseed, iyo qofeedba Waxaana Markii Ay Dhamaanba Lumeen Waxaynu soo sheegnay Eek u aadan Aasaaska Nolol Bulsho oo Dhamaystiran Ay Iridaha u Furtay In Wax La Xado,Wax la Dhaco,Dhamaanteen Aan Batrool Wada Raadino,Macdan Wada Raadino Runtuna Ay Inooga Baahatay Inaynu soo Cadayno Waa Hadii Ay Jirtee

LASOCO QAYBHA DANBE…………………………..