Thursday, October 30, 2014

Adeegto Nafteeda U Hurtay Badbaadinta Afar Caruur Ah Oo U Dhashay Emirate-ka

Abu-Dhabi, (GNA) – Haweenay adeegto ah (jaariyad) oo u dhalatay dalka Bangladesh ayaa nafteeda khatar u galisay si ay ugu gurmato una badbaadiso afar caruur wiilal ah oo u dhashay Emirat-ka oo ku qaraqmay xeebta magaalada Abu-Dhabi.
Afartan wiil ayay biyaha xeebta Dabiya jeeteen, balse adeegtadan oo magaceeda la yidhaa Safiya oo isha ku haysay ayaa ka daba carartay caruurtan oo qaylinaysa biyaha badana gudaha usii qalaya.
Waxaanay maaraysay inay badbaadiso iyadoo kolba mid dibada uga soo tuuray intii aanay usoo gurman qaar ka mid ah qaraabada caruurtan.
“Waxaan imid xeebta, waxaanay indhahaygu qabteen Safiya oo halgan ugu jirta inay dib usoo dabaalato…balse waxa ay hoos u gashay biyaha hadana way ka soo baxday….balse aakhirkii dibada ayaanu usoo saarnay, inkastoo ay geeriyootay intii aanu goobta soo gaadhin gaadhiga gargaarka dagdaga ah ee ambulance” sidaasi waxa yidhi Abu Abdullah, oo ah qofka u gurmaday adeegtadan.
Waxaanu intaa ku daray in caruurtan ay Safiyi u gurmatay ay da’doodu u dhexaysay lix ilaa toban sano, Safiyina ay qoyskooda u shaqaynaysay afartii sano ee u dambeeyey, isla markaana ay la xidhiidheen qoyska Safiya oo ku sugan Bangaladesh sidii maydkeeda loogu qaadi lahaa loona gaadhsiin lahaa lacag ay bixiyaan qoyska caruurta ay badbaadisay.

Xigasho: Hilaacmedia