Friday, October 31, 2014

Xisbiga Waddani: Shacbiga waxaan leenahay Xukuumadii waa taasoo rafashay bilowday”

[caption id="attachment_100774" align="alignleft" width="300"]Midig: xoghayaha Waddani ee X, Xoolaha oo la xidhay Midig: xoghayaha Waddani ee X, Xoolaha oo la xidhay[/caption]

Hargeysa-(GNA):-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa si adag u Cambaareeyay Xadhiga Xogahaya Xanaanada Xoolaha ee Xisbigaas Xasan Axmed Goodaad, oo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Xabsiga u taxaabtay maanta.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Xisbiga Waddani Mudane Muuse Cabdilaahi Nuur ayaa sheegay in ay ayaan daro tahay in Dawaladu ay ku rafato Shacabka Somaliland, waxaanu tilmaamay in Dawladu imika soo dhaaftay Shacabkii oo ay ku dartay Madaxdii Xisbiyada Mucaaridka ah.
Gudoomiyaha Labaad ee Xisbiga Waddani isagoo arinkaasi ka hadlayay wuxuu yidhi sidan "Waxa ayaan daro ah Dawladii oo ku rafanaysa shacabkii, imikana  doonaysaa in ay ku darto Masuuliyiinta Asxaabta Qaranka, Waxaan Cambaaraynayaa Xadhiga Xoghaya Xanaanada Xoolaha Xisbiga Waddani , oo waliba si xun ay ula dhaqmeen, arintaasi oo Maqaamkii iyo Dawladnimadii aynu Caalamka ka iibinayaynay foolxumo wayn ku ah, waxaana muuqata in dhawaydba Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo in aanay Cidnaba dhaafayn, Xukuumada dhaafi wayday Caruur yar yar oo 10 Jir, ilama aha inay Cid kale dhaafayso, arintaasina waxay Tusaale u tahay Guuldarooyinka iyo arimahoodan iska daba imanaya ayay."

Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Waddani Muuse Cabdilaahi Nuur isagoo mar kale ka hadlayay Sababaha loo xidhay wuxuu yidhi sidan "Xoghayuhu haddii uu wax ka sheegay Gudoomiyaha Guurtida, Golaha Guurtida iyo Golaha Baarlamanku waa Xeer Dajin iyagaa is'ah, waxay taasi daliil cad u tahay Tuhunkii laga qabay in Gudoomiyaha Golaha Guurtidu laftiisu uu dhinac saaray Dawlada, Xadhiga loo geystay Xasan Maaha mid wax kale lagu sifeeyo, Ummada Somalilandna waxaanu u sheegaynaa oo aanu u tilmaamaynaa, Somalidu hore ayay tidhi Muuse Waa Kaas, Xukuumadii waa taas oo rafasho ayay bilawday, Waxyaabo kale oo badan oo aanu ka damqnaynaana way jiraan, waxa intaa dheer Guuldarooyinka ay Xukuumadu la kulantay ee dhibayana waxaa ka mid ah Xisbiga Waddani ama Labada Xisbiba, intii Hore Gobolada Galbeedka waxa lagu tirin jiray Dawlada ama Xisbiga Kulmiye, laakiin in dhawayd Labada Xisbi siiba Xisbiga Waddani, waad la socoteen Guulihii uu ka gaadhay Gabiley oo ahayd Saldhigii Xisbiga Kulmiye.”ayuu yidhi.

Xoghayaha Xannaanada Xoolaha ee xisbiga Waddani ayaa xabsiga loo taxaabay Khamiista Maanta, kaddib markii arbacadii waraysi uu bixiyey si xoogan ugu dhaliilay Guddoonka Golaha Guurtida iyo xukuumadda talada haysa oo uu ku eedeeyey inay isu kaashanayaan carqalado dib u dhac doorasho lagu abuurayo.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com