Friday, October 31, 2014

Dawladda oo guddi baadhiseed u saartay Geerida Mowtal-qaflaha ah ee Taliyihii Bilayska Soomaaliya

Madaxda ugu saraysa Dawladda oo tacsi u dirtay taliyaha Geeriyooday iyo Taliye ku-meel gaar ah oo loo magacaabay Ciidanka...

Muqdisho(GNA)-Reysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa goor-dhaweyd u magacaabay Taliye cusub Bilayska, kaddib markii uu galabta geeriyooday Taliyihii Bilaska Gen. Maxamed Sheikh Xasan , kaasoo u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha kaga soo booday oo kedis ahaa.

Gen. Maxamed ayaa xilka taliyaha Bilayska hayay muddo ka yar afar bilood, waxaanu bedelay Gen. Saacid oo lagu bedelay isaga.

Taliyaha cusub ee la magacaabay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cusmaan Cumar Wehliye (Gas-gas) , kaasoo oo si ku-meel gaar ah u sii hayn doona Taliyaha Bilayska, inta cid kale loo soo magacaabayo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa dhambaalo tacsi ah oo ay soo saareen u diray Bilayska iyo Shacbiga Soomaaliyeed geerida ku timi Taliyaha.

"Innaa Lillaahi wa innaa Illayhi raajicuun, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu dhammaanteen samir iyo iimaan naga siiyo Taliyahii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Marxuum Jen. Maxmad Sheekh Xasan Ismaaciil. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, qaraabada, asxaabta, Ciidamadda Boliiska iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ”. sidaasi waxa yiri Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeytii, Madaxweynaha oo ku sugan wadanka Isugtaga Imiraatka Carabta ayaa yiri “Waxaan Taliyihii hore ee Ciidaanka Booliska Soomaaliyeed ugu duceeynayaa in Illaaheey uu jannada Fardowsa ka waraabiyo.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaah u naxariistee Taliyihii Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo si kadis ah galabta ugu geeriyooday magaalada Muqdisho.

Isagoo ku hadlaya Magaciisa, kan Xuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed tacsi u diray qoyskii asxaabtii iyo Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, waxana uu ugu duceeyey in Illaah janadii Fardowso ka waraabiyo.

“Qof kasta waa uu dhimanayaa, geeriduna waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga kan Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaan Allah uga baryeynaa in uu Janada ka waraabiyo Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo ahaa taliyihii ciidamadda booliska Soomaaliya isla markaana qeyb libaax ka soo qaatay dhismaha iyo qalabeynta ciidanka booliska.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhanka kale. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya ayaa magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka kooban shan xubnood oo baaritaan ku sameeya geerida kadiska ah ee ku timid taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Waxaana ay kala yihiin.

1-Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed (Guddoomiye)

2. Wasiirka Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Xubin)

3. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow (Xubin)

4. Wasiirka Beeraha Mudane Axmed Cabdi Baaffo (Xubin)

5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg (Xubin)

General Maxamed Xasan Ismaciil oo ka mid ahaa saraakiishii booliska Soomaaliyeed mudada dheerna ka soo shaqeynayay ayaa horaantii bishii July ee sanadkan loo magacaabay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isagoona wax badan ka qabtay Amniga Caasimadda iyo gobollada dalka mudadii uu xilka hayey.

Geesta kale, Taliyaha cusub ee loo ku-meel gaarka loogu magacaabay Bilayska Soomaaliya ayaa ka mid ahaa Saraakiishii hore ee dawladda Soomaaliya.