Wednesday, October 29, 2014

Hargeysa: Maxkamadda Sare oo sharaxaad ka bixisay Sifaha lagu bixiyay Dhulka Maktabada Gandi

MaxkamaddaHargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa sheegay in dhulka dawladda ee xarunta u ahaan jiray madbacadii Soomaaliya, haatana ah maktabada Gandi ee saldhiga dhexe dhinaciisa ay dawladu galisay tartan qandaraas oo dhisme weyn oo laba dabaq ah loogu dhisayo xarunta guud ee maxkamada sare, isla markaana ay shirkada Al-xarbi ku guulaysatay qandaraaskaa.

 

Gudoomiyaha maxkamada sare oo ka jawaabayay muran iyo buuq ka dhashay arinta dhulkaa, ayaa sheegay inaanay arintu ahayn, sida dad warbaahinta ka hadlay ay u dhigeen, balse ay tahay mid martay nidaam sharciya oo dawli ah, taasoobuu yidhi lagula kala wareegay dhulkaasi.

Hadal kooban oo uu arrinta dhulka kaga hadlay Gudoomiyuhu , kaasoo uu siiyay Warbaahinta, ayaa u dhignaa sidan:- “Anagu maxkamad ahaan waxaanu baahi weyn u qabnaa inaanu helno dhisme balaadhan, garsoor ahaan waafaqsan shaqada aanu hayno, sidaa darteed anagu maxkamad baahidayada ayaanu dawladda u gudbinay. Waxaanu ku nidhi maxkamadda sarre waxay u baahan tahay dhisme weyn oo laba dabaq ah oo kaafiya hawsha Garsoorka. Sidaa aawadeed xukuumadu waxay dalabkayaga u gudbisay ha’yaddaha ku shaqada leh, sida hawlaha guud iyo Guddida qandaraasyada, dabadeed dhulkaa madbacadii hore iyo boostii hore ee Saldhiga dhinaciisa, oo dhul dawladdu leedahay ah, ayaa la isla gartay in maxkamada sare lagu baahi tiro oo dhismaha ay u baahan tahay loogu dhiso. Guddida qandaraasyada ayaa loo diray, iyana tartan u bandhigeen muwaadiniinta, shirkadaha soo doontay, aaqinkiina shirkada Al-Xarbi ayaa ku guulaysatay. Go’aankuna wuxuu ahaa in shirkada ku guulaysata dhulkaasi, ay maxkamada sarre u dhisto guri weyn oo laba dabaq ah, wax lacag ah oo la kala qaatayna ma jirto, dhismihii maxkamadu u baahnaydna, haatan wuu socdaa. Arinku sidaa weeyo, sidan loo dhigayo ee khaladka ahna maaha, dhulkuna dhul dawladdeed buu ahaa, dawladduna dhulkeeda wuxuu sharcigu u ogol yahay inay siday rabto u manaafacaadasato.”

Xisbiyada Mucaaridka ah iyo dad kale oo ka mid ah Bulshada rayidka ah ayaa muddo dheer hadal hayay inay dawladdu cid gaar ah siisay Dhulka uu ka dhisanyahay dhismaha Maktabada Gandi, taasoo ay ku tilmaameen arrin fool xumo iyo nusqaan ku ah habdhaqanka dawladnimo.

Waxaanay jawaabta Hay’adda ugu saraysa garsoorku meesha ka saaraysaa eeddeymaha ka soo yeedhaya dhinacyada dhulkaasi ku ku dhaleeceeyey dawladda.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com