Thursday, October 30, 2014

Shicibka haddii laga rabo Midnimo,maxaa laga rabaa madaxda?

cabdiraxman cadamiDalka Singa pore waa jasiirad yar oo ka kooban hal magaalo ( Is land city –State), 1963 Waxay ka xoroowday boqortooyadii Ingriiska waxaanay ku biirtay dalka Malsiya hase ahaatee 1965 waxa laga saaray ama laga eryay midawgii labada dal markii khilaaf soo kala dhex  galay.

Waxa lays waydiiyay sida ay Singa pore u sii jir karto iyada oo aan la midoobin dal kale ; Jawaabtu shaki la’aan laysku raacay waxay noqotay MAYA, kaligeed ma sii noolaan karto.

Hase ahaatee hogaamiyihii Singa  pore ee wakhtigaa LEE KUAN  YEW wuxuu go’aansaday inuu beeneeyo malaha khubarada oo uu suurto geliyo waxaan suurto gal ahayn.

Wuxuu dajiyay qorshe balaadhan oo dhamaystiran oo lagu xaqiijinayo Singa Pore inay noqoto dal jira iyo walba inay ka mid noqoto wadamada horumaray waxse loo arkayay riyo been ah iyo hindisayaal mala awaal ah.

Qorshayaashii Mr Lee waxa ka hor yimid caqabad adag oo marka hore u baahan in xal loo helo oo ah:

Singa Pore waxa ku wada noolaa saddex qomiyadood oo kala jinsi ah, kala dhaqan ah, kala diin ah oo kala af ah oo mid kastaaba dhinaca ku hayo daacadna u ah wadanka uu asal ahaan  ka soo jeedo oo kala ah China, Malysia iyo India.

Mr Lee Riyadiisa ma rumayn karo ilaa uu qawmiyadahan ka dhigo ummad reer Singa Pore ah oo ku abtirsada dalkooda.

Waa imtaxaan adag wuxuuse guulaystay markii uu helay furihii uu ku midayn lahaa ama laysku aamini lahaa oo ah in si dhab ah loogu maamulo si siman iyo cadaalad markaas ayay Singa Pore samaysay waxaan la samayn Karin oo mucjiso lagu tilmaami karo ( they achieved the unachievable).

Lee Kuan yew mar la waydiiyay sida dalkiisu u gaadhay horumarka intaa leeg, wuxuu ku jawaabay hadaan ku soo gaabiyo laba eray oo qudha waxaan odhan lahaa cadaalad iyo isku kalsooni “ If ihave to choose two words to explain why Singa Pore succeeded, they are justice and Confidence

aan u soo noqono nuxurka qoraalka Somaliland waxay qayb yar ka tahay qoomiyada balaadhan ee soomaalida, waa ummad isku dhaqan ah, isku diin ah oo isku af ah bulshadu dhamaantood waa xigto iyo xigaal sidaa awgeed waa wax la hubo midnimadoodu haddii aan laga shaqayn in la kala furfuro waliba madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudan axmed maxamed maxamuud iyo masuuliyiinta kale ee qaranku markasta iyo goob kasta waxay dadwaynaha ugu baaqaan ama ku celceliyaan in midnimada la adkeeyo iyo nabad-gelyada qaaliga ahna la ilaaliyo.

Runtii waa hadal aad u wanagsan waa talo waayeel oo loo baahan yahay waana inta soomalida kale aynu dheer nahay, muwaadin kastana waa ku waajib inuu ku guubaabiyo dadka inta uu gaadhi karo laakiin shicibka haddii laga rabo midnimo madaxda iyagana maxaa laga rabaa?  Waxa laga rabaa hogaamin fiican iyo dadkooda inay ku dhaqaan Cadaalad oo sharciga loo sinaad, shaqooyinka loo sinaado, daroojinka loo sinaado oo qandarsyada iyo fursadaha kaleba loo tartamo oo la joojiyo qaraabo kiilka iyo in aan muwadiniinta awooda dawlada qaarna lagu soo dhawayn qaarna lagu daadafayn.

Haddaba waa sidee xaalada Cadaalada Somaliland? marka cadaalad la soo hadal qaado waxa laga yaba in markiiba waxa maskaxdaada ku soo dhacaa yahay hay’adaha garsoorka laakiin cadaalad darada dadka oo dhan saamaysaa waxay ka timadaa hay’ada fulinta ama xukuumada gaar ahaan wasiirada qarkood oo si aan xishood lahayn ugu kala eexda ama u kala soco bulshadii in uu u shaqeeyo loo igmaday.

 

Somalidu waxay tidhahdaa fule xantii ma mooga; Madaxweyne dadweynuhu waxay kugu xantaan inaad raali ka tahay dhaqanka iyo ficilada guracan  iyo awooda xad dhaafka ah ee masuuliyiinta qaranka qaar ka mid ah madaama aad waxba ka qaban wayday.

si kastaba ah ahaatee haddii cadaalad la waayo midnimada bulshadu way dhantaalamaysaa haddii midnimo la waayana horumar la gaadhi maayo nabaduna ma waarto.

Bal u fiirso wadamada dagaalad sokeeye iyo colaadu ka aloosan tahay ee xasili wayay iyo sababaha keenay oo ay cadaalad daradu kow ka tahay.

Madaxweyne waxaan u malaynaa inaad ruamaystay amaanta beenta ah iyo borobagaandhada warbaahinta dawlada laakiin somliland waxay maraysaa jid qaldan waxanay ku socotaa  jiho qaladan.

Madaxweyne dadku kaamay wada quusan adiguna kama aad quusan wali waxaad  haysataa fursad aad isbedel ku samaysid oo dalku ku badbaadi karo kaliya waxaad u baahantahay geesinimo iyo in aad ku dhiirato.

C/raxmaan Cadam

abdrahamanadami@yahoo.com