Saturday, October 25, 2014

Xaglo-toosiye: Qof kasta oo ka yimaada Dalalka uu ka dilaacay Cudurka Ebola waanu celinaynaa”

Somaliland oo ku dhawaaqday qorshe looga hortagayo Cudurka Ebola..

[caption id="attachment_90167" align="alignleft" width="400"]cudur sida ebola cudur sida ebola[/caption]

Hargeysa(GNA)-Somaliland ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo ay uga hortegayso inuu u soo gudbo cudurka halista badan ee Ebola oo sida la sheegay Kiiskii ugu horeeyey ee lagu arko bariga Afrika laga helay xuduudka u dhexeeya Dalalka Kenya iyo UGANDA.

Cudurka Ebola oo ah mid Dilaaya, ayaa waxa la sheegay in Kiiskii ugu horeeyay  Bariga Afrika lagu arkay meel ku taalla xadka u dhexeeya dalalka Kenya iyo Uganda, waxaase bilihii la soo dhaafay ee sanadkan la baxaa degayay dalal badan oo ka mid ah Galbeedka Afrika, halka dalka maraykankana uu dhowr qof soo riday.

Somaliland oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika, xadna la wadaagta dalalka Itoobiya, Djibouti iyo Soomaaliya oo ay madaxbanaaniddeeda kala soo noqotay sanadkii 1991-kii, ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqday qorshe ka horteg deg deg ah oo laga fulinayo dhamaan xuduudaha dalka iyo Madaarada diyaaraduhu ka soo degaan.

Talaabadan ayaa ka dhalatay shirar usbuucyadii la soo dhaafay u socday dawladda iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO, taasoo Hay’adaha Caafimaadka ee dawladda ka caawinaysa tababarada shaqaalaha caafimaadka iyo qalabka dadka lagu baadhayo.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo horena bishii la soo dhaafay ugu dhawaaqay inay ka hortag ku samaynayaan cudurkan, ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay talaabada ay ku xakameynaayan Cudurka Ebola.

“Qorshaha ka hortaga degdeg ah ee aanu hada bilownay waxa weeye, 53  Meelood ayaa dalkeena laga soo gala oo kala Badda, Cirka  iyo Xuduuddaha aynu la leenahay dalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Djibouti.

“Waxaanu tababar siinay dhamaan Shaqaalaha meesha jooga, waxaanu u keenay qalabkii lagu baadhayay, waxa kale oo aanu ka dhisnay goobaha dalka laga soo galo Teendhooyin aanu ugu talo galnay in lagu baadho dadka, waxaanu shaqaalaha siinay waraaqo intaanu qofku Waaxda Socdaalka gaadhin laga buuxinayo macluumaadkiisa, oo qofkii laga shakiyo dhinac loo duwayo kii kalena fiisihiisa qaadanayo”ayuu yidhi Dr. Xaglo-toosiye.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland waxa kale oo uu daboolka ka qaaday inaanay gabi ahaanka dalka soo geli Karin dadka ka soo socdaala dalalka cudurka Ebola ka dilaacay iyo kuwa kale ee laga shakiyo caafimaadkooda.

Waxaanu yidhi“Qofkii aan Muwaadin ahayn ee laga shakiyo waxa weeye waanu celinaynaa, qofkii ka yimaada Dalalka Cudurka cudurkani ka dilaacay Bilihii u dambeeyayna gabi ahaanba waanu celinaynaa oo dalka ma soo geli karo. Waxa kale oo aanu tababar siinaynaa Shaqaalaha Wasaaraddaha arrimaha gudaha oo laanta Socdaalku ka mid tahay iyo kuwa Duulista Hawada si ay u ogaadaan halista cudurkani leeyahay”.

Tani waa talaabadii ugu horeysay ee xukuumadda Somaliland shaaciso inay kaga hortagayso xannuunka Masiibada ku noqday wadamada uu ka dilaacay, oo uu sameeyay dhaqaale ahaan iyo Nolol ahaan.

Walise lama xaqiijin karo, inay tani difaac ku filan u noqon karto soo gelaytiga tirada badan ee ku soo qulqulaya wadddankan oo u badan kuwa ka soo tacabira dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya oo xidhiidh Ganacsi iyo mid bulsho u dhexeeyo dadka Somaliland.

Hadii isu socodka dalalka Gobolka la xadiidona waxay taasi saameyn ku yeelanaysaa dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dhaqaalaha badani ka soo galo dalalka, iyadoo aan indhaha laga qarsan Karin in dalka Djiboutina ay wakhtiyada xaggaaga iyo xataa xilliyada kale ee caadiga ay dad badani isaga soo gudbaan xadka Somaliland u dhexeeya.

Kuwaasoo u badan dad eheladdooda soo booqda, kuwo baddeecado u kala dhoofiya labada dal iyo qaar u soo xagaa baxa Magaallooyinka Somaliland, sida uu Gobanimonews u sheegay sarkaal ka tirsan laamaha amniga oo ku sugan Xadka lowyo-caddo.