Tuesday, October 28, 2014

Golaha Wasiirrada oo loo qabtay Shir aan caadi ahayn xilli khilaaf jiro

Reysal-wasaaraha oo Golaha Wasiirrada u qabtay Shir aan Caadi ahayn oo ku soo beegmay Khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha

reysal-aMogadishu,27, October 2014-(GNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta isugu yimid kulan aan caadi ahayn oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

Kulanka oo dhammaan xubnaha golaha Wasiirada ay ka soo xaadireen ayaa looga dooday arrimo dhawr oo ay ka mid yihiin ammaanka qaranka, Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015 iyo Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo warbixinno laga dhageystay.

Kulanka ayaa ku soo beegmay iyadoo khilaaf xoogani ka dhex aloosanyahay Madaxweynaha iyo reysal-wasaaraha, kaasoo qarxay dhowr maalmood ka hor markii isku shaandheyn lagu sameeyay wasiirro, ku-xigeennana uu magacaabay RW.

Ugu horeyn, Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg, oo shirkan ka hadlay, ayaa sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo ka dib markii la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanaka iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in gacanta lagu dhigay sagaal horjooge oo Shabaab ka tirsan iyo Gaadiid ay u adeegsan jireen dhibaataynta bulshada Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku aadan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015 ka dhageystay Wasaaradda Maaliyadda, waxana ay sheegtay Wasaaraddu in ay diyaarisay qorshe kor loogu qaadayo sanadka 2015 Miisaaniyadda dowladda ku shaqayn doonto.

"Wasaaradda Maaliyaddu waxay diyaarisay qorshe ku aadan sidii kor loogu qaadi lahaa Miisaaniyadda dowladda, qorshahan waxaa qeyb ka noqon doona sida ugu habboon ee dakhliga gudaha iyo kaalmada dibedda dowladdu ay ka hesho kor loogu qaadi lahaa." ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, wuxuuna soo bandhigay shaqadiisa iyo sida ugu habboon ee Xukuumadda iyo Hanti-dhowrku isula jaanqaadi karaan.

Xukuumadda Soomaaliya ee Hoggaamiyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa wada qorshayaal sal-ballaaran oo kor loogu qaadayo howlaha adag ee horyaala Xukuumadda iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah sanadka 2016.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com