Monday, October 27, 2014

Xisbiyada mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani oo duulaan siyaasadeed oo midaysan ku qaaday xukuumada Siilaanyo.

,Beenaalaha khaayinka been abuuray xeerka diwaan galintu waa madaxweyne Siilaanyo……Cali Guray.
Ciidanka RRUda waa ciidan argagaxiso laakiin hada Dumarkaa loo adeegsadaa, anaa arkay iyaga oo Sahra Halgan loo geeyay iyo Luul xasan mataan……kuwana la garan mayo iyana….Cali Guray
Waar nimankani ma rabaan dooarasho,
Waa nasiib daro in madaxweynahu koomishankuu soo magacaabay uu yidhaahdo yaan la ansixinin….Uur cade.

wadan iyo ucidHargaysa(GNA).Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo Ucid oo shir jaar,id u wada qabtay ayaa waxay duulaan siyaasadeed oo ay ka midaysan yahiin ku qaadeen xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo,shirkan jaraa,id oo ay si wada jira ugu qabteen xarunta guud ee xisbiga waddani labada xisbi mucaarid ayaa waxa ay kaga hadleen arimo badan oo ka mida siyaasada guud ee dalku maanta ku waxaan ugu horayn ka hadlay gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga Ucid muj. Cali maxamuud yuusuf (Cali guray)isaga oo xukuumada ku tilmaamay mid ku caan baxday beenta iyo khaayimaada muj. Cali guray ayaa si toosa waxa uu u weeraray madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mar uu ka hadlaayay xeerka diwaan galinta waxa uu madaxweynaha ku tilmaamay inuu ka been abuuray xeerkaasi, isaga oo arimaahasi ka hadlaayan waxa uu yidhi.
,xeerka cida magaciisa run ka sheegta ayaa isagana runmaysay, cida qudha ee been abuurtay xeerkuna waa madaxweyne Siilaanyo,
Muj. Cali guray oo ka hadlaaya nidaamka maamul ee madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in aanu madaxweynahu gacanta ku hayn maamulka balse loo yeedhiyo waxaanu yidhi markale muj. Cali guray.
, hadii qoladan ay ku tidhaahdo magacaagu waa Cali guray ee Axmed Maxamuud laguma yidhaahdo wuu Saxeexayaa,
Markale isaga oo ka hadlaayay xeerka diwaan galinta iyo talooyin uu sheegay inay madaxweyne Siilaanyo ujeediyeen waxa uu yidhi,
, hadii uu caqli leeyahay waxay ahayd haduu caqligiisu dhan yahay inuu qaato talooyinka aanu unjeedinay balse kuwan ayaa u yeedhiya oo hadayb yidhaahdaan magacan oo cali guray saxeex uu ku duugayaa,
Dhinaca kalna xoga haya guud ee xisbiga waddani maxamed c/laah uurcade ayaa isana dhankiisa ka dayriyay hanaanka maamul ee dalku ku jiro isaga oo sheegay in xukuumadu ay dalka ka wado khal khal siyaasadeed ,
,waar nimankani ma rabaan doorasho haday tahay wakiilada iyo xukuumadba ….. intuu Saleebaan joogana ma dhacayso,
,waa nasiib daro in madaxweynahu koomishankuu soo magacaabay hadan uu yidhaahdo la ansixinmaayo,
Maxkamadaha dalka maanta telefoonbaa laga hagaa,
Sikasataba ahaatee labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Waddani ayaa hada u muuqda kuwa isku bahaystay inay mastaafuriyaan xukuumada Siilaanyo.
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/Somaliland
Mustafe Axmed(Herer)