Saturday, October 25, 2014

Ceerigaabo: Arday Dugsiga sare iyo Jaamacadda mar ka wada qalin-jabiyay

siciid adhuuxCeerigaabo(GNA) Siciid Axmed Dhuux oo ah Maammulaha Dugsiga Sare Shaafici ee magaalada Ceerigaabo oo ah dugsi gaar loo leeyahay balse ka diiwaangashan wasaaradda waxbarashada ayaa isagoo ka hadlayey munaasibad shahaadooyin-sharafeedyo lagu guddoonsiinayey ardaydii ugu sarraysey imtixaanaadka dugsi yada sare gobolka Sanaag ee sannadkan oo lagu qabtay Xarunta W/Waxbarashada G/Sanaag ee magaalada Ceerigaabo.

wuxu halkaas ka sheegay in ardayga ugu sarreeyey dugsigiisan ee ka qalin jebinaya dugsiga sare uu sidoo kalena ka mid yahay ardayda isla sannadkan ka qalin jebinaysa jaamacad uu wax ka barto taasoo macnaheedu yahay in ardaygaasi isku hal mar ka wada qalin jebiyey dugsigan Sare (Shaafici) ee uu maammulaha ka yahay iyo jaamacaddaba.

Isagoo maammulaha dugsigu, arrintaas ka hadlayana wuxu yidhi “Ardayda halkaas inna hor fadhida marka hore waxan leeyahay waad mahadsan tihiin gobolkana sharaftiisii ayaad soo kiciseen”.

Isagoo si gaar ah uga hadlaya dugsigiisana wuxu intaas kusii daray “Qaybta dugsiyada gaarka ah oo goonni loo saaray Shaafici wuxu gobolka ka galay kaalinta shanaad waxana innoo sida Saalax C/lle Cismaan”.

“Ardaygaasi waa nin aad u firfircoon wuxu dhigtaa jaamacadda Bariga Afrika saddex jeer ayuu shahaado ka qaatay oo Number One-ka u galay imtixaanaadka haddeerna wuu ka qalin jebinayaa markaa waxan rabaa in loo duceeyo” .ayuu yidhi Maamulaha Dugsiga Imaamu shaafici.

Haddaba arrintan ayaa u muuqata mid ugub ku ah intooda badan dhegaha bulshada sidoo kalena hoos u dhigtay kalsoonidii laga qabey aqoonta heer jaamacadeed waxana isweydiintu tahay sida ay u mataanoobeen ama isku hal mar looga wada qalin jebin karo dugsiyada sare (Secondary

Schools) iyo jaamacadaha waxayna ka dhigan tahay arday dugsi hoose iyo dugsi dhexe isku hal mar dhammeeyey taasoo ah wax aan caqliga wanaagsani qaadan Karin.