Friday, October 31, 2014

Wariye lagu xidhay Gabiley iyo Ururka SOLJA oo Cambaareyay

Gabiley(GNA)-Maamulka Gobolka gabiley ayaa bixiyay amar xabsiga loogu taxaabay Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo Magaalada gabiley uga soo warama telefishanka Horn Cabletv, kaasoo lagu xidhay sal-dhig ku yaalla  Magaalada Tog-Wajaale oo ka tirsan gobolka.

Wariyaha ayaa xadhigiisa loo aanaynayaa warbixin uu ka soo wariyay Magaalada Gabiley oo ku saabsan dhalinyaro maanta gubay Calanka Xisbiga kulmiye, oo waji gabax ku noqotay Xukuumadda.

Sida laga baahiyay Telefishanka uu wariyuhu u shaqeeyo, Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise Shiine, ayaa qiray inuu bixiyay amarka lagu xabisay Suxufiga.

Masuuliyiinta Telefishanka ayaa xaqiijiyay xadhiga suxufigan.

Noomay suurto gelin inaanu la xidhiidhno masuuliyiinta Dawladda ee Gobolka Wariyaha lagu xidhay, balse talaabadan ayaa ah mid lagu cabudhinayo xoriyatal-qowlka Saxaafadda Magaalada ka howl-gasha, hadii waxa lagu xidhay ay tahay warbixinta uu wariyuhu ku cabiray gubista Calanka Xisbiga Kulmiye.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ka hadlay xadhiga ayaa cambaareeyey kuna tilmaamay gabood fal ka dhan xoriyada Saxaafadda, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Solja oo Gobanimonews la xidhiidhay.

Maxamed Cabdi Curad, Guddoomiye kuxigeenka Solja ayaa xukuumadda ugu baaqay inay si dhakhso ah xoriyadiisa ugu soo celiso suxufigan.

La soco wixii war ka soo kordha