Sunday, October 26, 2014

Baarlamanka Somaliland: dalku wuxuu u baahanyahay faro-gelin shisheeye oo deg deg ah.Daawo

siciid cilmi RHargeysa(GNA)-Mudane ka tirsan Baarlamanka Somaliland ayaa sheegay inay xukuumadda talada haysaa khalkhal siyaasaddeed dalka gelinayso, isla markaana ay diidantahay in doorasho dalka ka qabsoonto.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mida Mudaneyaasha aqalka Wakiillada, kana tirsan garabka la safan Guddoomiyaha Golahaasi oo ay ka soo horjeedaan xildhibaanada Muxaafidka ah , ayaa sheegay inay caddaadatay damacii dawladda ee dib u dhigista Doorashada, kaddib markii buu yidhi ay is-hortaagtay in la ansixiyo Guddida cusub ee Doorashooyinka Qaranka oo fadhigii maanta lagu ansixin lahaa u furmi waayay Kooram la’aan kaddib markay mudaneyaasha Muxaafidku ka soo qayb geli waayeen.

“beesha caalamka waxaanu leenahay waanu isweydi kari waynay ee faro gelin deg deg ah” ayuu ka sheegay hoolka Shirarka ee Golaha Wakiillada.

Halkan ka Daawo: