Monday, October 27, 2014

Madaarkii Hargeysi Wuxuu Noqday Caabudla, Waxa Naloo Diidaa Mucaaridka Dalka Iyadoo Cadawga Somaliland-Na Loo Ogolaado Inay Ku Nastaan Oo Ay Ku Kifaaxaan Madaaradda Somaliland”Jamaal Cali Xuseen

Madaarkii Hargeysi Wuxuu Noqday Caabudla, Waxa Naloo Diidaa Mucaaridka Dalka Iyadoo Cadawga Somaliland-Na Loo Ogolaado Inay Ku Nastaan Oo Ay Ku Kifaaxaan Madaaradda Somaliland”Jamaal Cali Xuseen


jamaal


Hargeysa (GNA) – Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa nasiibdaro ku tilmaamay is-hortaag uu kala kulmay masuuliyiinta wasiiradda duulista oo isku dayday inay ka joojiyaan madaarka magaaladda Hargeysa oo uu maanta ka dhoofayey, kaas oo u sii jeeday dalka Ingiriiska oo uu socdaal shaqo ku tagayey sida uu sheegay, isagoo xussay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ay madaxda mucaaridka ka jeceshahay oo ay ka soo dhawaysato shaqsiyaadka sida wayn uga soo horjeeda jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu tibaaxay in xad-gudubyo sharci oo badan ay ku kacday xukuumadda Siilaanyo mudadii ay taladda dalka haysa, isla markaana ay dalka u horseedayso burbur iyo kala qoqob ay kala qaybinayso bulshadda walaalaha ah ee wada degta dalkan Somaliland.


Musharraxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidoo kale ka hadlay sida uu arko xukunka saddexda sano ah ee ay maxkamadda gobolku maanta ku riday wasiir ku xigeenkii hore ee amniga C/laahi Abokor Cismaan, kaas oo uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay uun xadgudubyada sharci ee ay ku talaabsato xukuumadda Kulmiye oo uu ku eedeeyey inay faro-galin qaawan ku hayso garsoorka dalka. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya wixii uu kala kulmay madaarka, waxa uu yidhi “Run ahaantii waa nasiibdaro in marwalba madaxdii dalkan iyo ehlu-sharafka ummadda in laga horjoogsado qolka nasashada ee Madaaradda dalka, waxaanay taasi cadaynaysaa heerka ay taagan tahay kartida iyo kalsooni daro-da masuuliyiinta xukuumaddan Kulmiye. Waxa wax lala yaabo ah in nalaga horjoogsado hadii aanu nahay madaxda mucaaridka madaarka Hargeysa, iyadoo aynu ognahay in qolka VIP-da ah loo furo madaxda Somalia iyo kuwa kale oo aan Somaliland jiritaankeeda aad uga soo horjeeda oo uu ka mid yahay raysal-wasaaraha Somalia oo dhawaan mar uu madaarkan marayey lagu soo dhaweeyey halka anaga naloo diidan yahay, arrintaas waxa ka qarnaqi doona bulshadda sharafta leh ee Somaliland. Madaarkii Hargeysa ee Igal International Airport wuxuu noqday Caabudla, Waxa Naloo Diidaa Mucaaridka Dalka Iyadoo Cadawga Somaliland-na Loo Ogolaado Inay Ku Nastaan Oo Ay Ku Kifaaxaan Madaaradda Somaliland”. Sidaasi waxa uu ku yidhi mar uu maanta gudaha madaarka kula hadlaya warbaahinta, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu Jamaal intaas raaciyey “Waxa marag ma doon ah in dhamaan wixii ay xukuumaddani ka qayilin jirtay markii ay mucaaridka ay ahayd ee ay aadka ugu dhaliili jireen inay sameeyaan oo ay barro dhaafiyeenba waliba, markaa anagu wuxuunbaan u arkaa in dhacdooyinkani ay yihiin kuwii soo dadajin lahaa xukuumadda Siilaanyo oo dadkii waakuwaa nacay iyadoo aanay wakhtigeedii u dhamaanin”.


Jamaal Cali Xuseen mar wax laga waydiiyey sida uu u arko xukunka maanta maxkamadda gobolku ku riday wasiir ku xigeenkii hore ee amniga C/laahi Abokor Cismaan, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Run ahaantii mudadii xukuumaddan waxa dalkan ka dhacay xadgudubyo sharci oo qayrul-caadi ah run ahaantii waanu cambaaraynaynaa xukunkaas dedgega ah oo aanu u aragno xadgudub qayrul-sharci ah, iyadoo aynu ognahay in wixii lagu xidhay C/laahi Abokor ee gurigiisa lagu burburiyey isla markaana caruurtiisa iyo ooridiisa xabadda loola dhacay, waxaan qabaa ninkaasi inuu ahaa nin wax badan og maadaama oo uu ahaa masuul ka tirsan xukuumadda Kulmiye walibana uu ka mid ahaa masuuliyiinta amniga dalka, markaa waxaan leeyahay waar sharciga wadanka iyo garsoorka waddanka ee marka horeba naafadda ahaa ee la sii burburinayo halaga daayo oo faro-galinta iyo xadgudubka ha laga daayo sharciga dalkan oo u naxa oo u tuddda dadkii idin soo doortay ayaad xagaad wax uga qaban lahaydeen aad cabudhinaysaane”.


Dhinaca kale xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ayaa tani iyo mudadii ay taladda dalka haysay, waxay ku kacday dhaqamo ay aad ugu dhaliili jirtay maamulkii Rayaale, taas oo ay ka mid tahay qaabka ay ula dhaqanto mucaaridka oo ay ka horjoogsato munaasibadaha qaranka iyo madaaradda dalka, iyadoo madaaradda dalka mararka qaar si wayn loogu soo dhaweeyey dad faamiliyo la ah masuuliyiinta xukuumadda.
waaan markii 2aad ee ay ishortaagto musharaxa xisbiga ucid
mustafe herer
Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland