Wednesday, October 29, 2014

6 sanno kaddib Qaraxyadii Hargeysa ka dhacay: Maalmo isku magac ah iyo Duruufo isku mida

Sanad guurada Lixaad ee Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee Madaxtooyada Somaliland iyo goobaha kale lagu qaaday oo ku soo beegantay Arbaca duruufo isku mid ahi dalka yaalaan...

QaraxyadiHargeysa(GNA)-29 October 2008, Maalin Arbaco ah, oo ay waddanka ka socotay Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha, waxa Magaalada Hageysa ka dhacay saddex Qarax oo lala eegtay Qasriga Madaxtooyada, Xafiiska Xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland iyo xarunta UNDP. labaatan iyo Muwaadin ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa Qasriga Madaxtooyada Sonmaliland ayaa ku dhintay saddexda weerar oo Daqiiqad wax ka yar ay u dhexeeyay wakhtiga la fuliyay , waxaana ku dhaawacmay 27 kale oo rayid u badan.

Lix sanno kaddib, Maanta oo ah Maalin Arbaca ah, taariikhduna ay tahay 29 October sanadka 2014, wax ay dadka reer Somaliland badankoodu xasuusanyihiin, dhacdadii Naxdinta iyo dhiig-baxa badan sababtay ee lagu bartilmaameedsaday xaruntii ugu saraysay ee dalka laga maamulayay iyo Xafiisyada kale ee muhiimka ah, kusaasoo dhamaantood intii hoos-joogtay iyo inta kale dugsanaysaba aanay waxba galabsan.

Inta ka nool dadkii ka badbaaday dhaawacyadii kala duwanaa ee ka soo gaadhay weerarrada,   iyo ehelada kuwii dhintay, ayaan la hilmaami Karin inay Faataxada u marayaan muwaadiniintii aan waxba galabsan ee ku qudh baxay Qaraxyadaas oo sida la wada xusuusto loo isticmaalay saddex gaadhi oo Walxa Qarxa laga soo buuxiyay.

Hadaba Lix sanno kaddib, Somaliland waxa ka muuqda nabad-gelyo taam ah, oo aan wali horumar muuqda lagu samaynin Hay’addaha Qaranka kaga gaashaaman shide-wadeyaasha Geeska Afrika oo intiisa badan qaska ka wada, sida Kooxda Al-shabaab.

Waxa dalka ka dhacay, isbedel maamul iyo horumar dhanka dhaqaalaha ah oo lagu talaabsaday, inkasta oo maalintii Qaraxyada la fuliyay aanay bulshada badankeeda aanay wax dhadhan ah u samaynayn muwaadiicda siyaasadda, dadkuna dhamaantii uu shoog ka wada qaaday wixii dhacay, noqdeena dhamaantood Askar iyo Mutadawiciin.

hase yeeshee marka la eego marxalada dalku marayo Maanta, isla markaana la qiimeeyo, sooyaalka isbedeladii dhacay muddadaasi, ma muuqdo Isbedel badan oo laga gaadhay dhinacyada ammaanka, Siyaasadda gudaha iyo waliba dhaqaalaha, inkasta oo isbedel maamul iyo horumar badankiisu ka yimi dhinac Shabiga uu socdo.

“ wax allaale wax ku soo kordhay ma jiraan garaadka siyaasada iyo dalka oo dhan, wax ka sii dhaca mooyaane, wayse jiraan waddooyin socda iyo mashaariic kale oo badankooda dadku ay samaysteen, laakiinse gudaha iyo dibada hadaad eegto waxba kumay soo kordhin siyaasadda dalka”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay C. Aare oo ah falanqeeye Siyaasadeed oo ku sugan Magaalada Boorama.

farqi weyn ayaa u dhexeeyaa lahjadaha ay isticmaali jireen Siyaasiyiintii wakhtigaasi mucaaridka ahaa oo hada badankoodu muxaafida ilaa Madaxweynaha talada haya oo ahaa Hogaamiyihii ugu taageerada badnaa ee Xisbiyada, iyo kuwa hada mucaaridka ah, waxa kale oo kala duwan dareenka Bulshada Rayidka ah ee arrimaha siyaasadda “Dalku meel xunbuu marayaa, waligiina halkan oo kale muu gaadhin”sidaasi waxa yidhi Nin Dhalinyaro ah oo goob-joog ahaa wakhtigaasi.

Sidaasoo ay yihiin aragtiyaha dadka qaar, hadana , Diwaan-gelin ayaa ka socota Dalka, waxaana loo diyaar garoobaya Doorasho madaxtinimo iyo mid baarlamaani ah oo ay xumadoodu mucaaridka gubayso. Muran ayaa ka taagan qabashada Doorashada, si la mid ah xilligaasi oo maamulkii Madaxweyne Rayaale lagu kid-kidayay inuu Doorasho qabto, waxaana intaasi dheeraa Khilaafka u dhexeeyay Goleyaasha Qaranka oo kan iminka shebeha, kaasoo ay Mucaaridku ku hadheeyeen Nidaamkii UDUB ee la bedelay.

Si kastaba ha ahaatee Maamulka dalka ka taliya iyo shacbiga Somaliland waxay wali tebayaan dhaawactirka waxyeeladii wakhtigaasi fog loo geystay oo aanay ka helin Dalalka Caalamka ee ay ku dhiiri geliyeen inay kala shaqeeyaan nabad-gelyada mandaqada, siiba la dagaalanka Argagixisada iyo Budhcad baddeeda.

Wali dalkan yar ee Argagixisadu cadaawada ay u hayso awgeed ay weerartay halkii ugu saraysay ee laga maamulayay, muu helin aqoonsi caalami si uu u yeesho awood dhaqaale oo uu dhismaha Hay’addaha amniga kaga haqab-beelo iyo taageero Maaliyaddeed oo hadii aqoonsigaas uu waayay lagu kabo.

Waxaana muuqata inay Somaliland ka mid tahay Gobollada ugu nugul guluf kaga yimaada Kooxaha Argagixisada ah ee koonturta Soomaaliya laga soo riixayo, kuwaasoo hadaan laga hortegin, isla markaana daneyayaasha Gobolku iska kaashan sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa, si dhib yar waxyeeladooda oo baahsani ugu fidayso deegaamo badan oo hada ka nabdoon.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com