Tuesday, October 28, 2014

Gartii afarta jiir iyo bisadda..!

Mid ka mid ah sheekooyinka buug xiiso badan (Indhaha siyaasaddaa igu jeeda!)

W/Q: Cabdinasir Ismaciil Nuur. Email:drnasir908@gmail.com

maqalaAfartii jiirbaayidhi xadhig Kaamanaan jarin,xoolo aad leedahayna Kaamaan cunin ee horta maxaanu kuu dhinay bisadeey?

Bisadiibaa tidhianiguba dharag kuguma qabo gafna kaamaan galin, dagaalna kuguma wado ee hortama iswaraysanaa? Waxa iswaydiin leh cida garteena qaadaysa hadaan anigu fikirkayga hadlana anigu garan maayee balcid idinku inoo doora?

Afartii jiirbaa ku jawaabay bisadeey libaax ka waran, hadii uu inoo garqaado?

Bisadii oo naxsan baa tidhi waar libaaxu   anuu ii eegyahay oolafahayga ayuuii cunayaaye fadlan mid kale inoo doora..

Afartii jiirbaa intay hoos isku eegeen si farsamo ka muuqatana u hadlayaya ayaa mar wada yidhi dee hadii aad ka cabsanayso adiguba noo door bisadeey?

Bisadii baa tidhi ka warama dhurwaaga?

Afartii jiir baa yidhi   maya! Maya! May! oo labadeenaba lafaheenuu inoo cunayaa oo waxba madhaafo dhurwaagu.

Bisadiiba tidhi hadaba idinku ordoo doona cid inoogar qaada!.

Afartii jiirbaa yidhi kawaran bakaylaha?

Bisadiibaatidhibakaylaha layskuma halayn karo oo wuu boodaa waanu fududyahay oo caguhuu ka neefsadaa

Afartiijiir iyagoo yaaban difaac adagna ku jira ayay hadana yidhaaheen   bisadeey bal ka waran diinka?

Bisadiibaa aad ugu faraxday oo cod dheer ku tidhi inoogu yeedha isagaan daacadnimo ku hubaaye.

Afartii jiirbaa aad uga sasay oo ku yidhi ma inaad nagu dubataad rabtaa?

Bisadiiba tidhi mid kale inoo doora?

Afartii jiirbaa yidhi ka waranyayda?

Bisadiibaa tidhi maya maya kaasi waxba Kamatago oo miyaanad magaca ka garanayn, hadaba inoo doora idinku midkale.

Afartii jiirbaa yidhi bisadeey inoo door adigu?

Bisadiiba tidhi haddaan gartay midaan docna jirin, durdurna ku nool dibnaheeduna wayn yihiin oo degdeg inoogu dhamaynaysa.ayaan garanayaayaa ee ma u yeedhaa?

Afartii jiir baa yidhi xagay ku nooshahay?

Bisadiibaatidhi wabiyada.

Afartii jiir baa yidhi waa tee taa wabiyda ku nooli?

BIsadii baa tidhi waa Jeerta .

Halkaasi markay maraysay ayey jeertii soo dhex gashay gartii afarta jiir iyo Bisadawaxaanay tidhi anaa idiin garnaqaya eexna aan idiin kala galeyn, waayo halkan aan ku noolahay waa webi jiirna kuma noola, bisadina kuma noola, sidoo kale kuma noola wax amaanka u darani gabi ahaanba halkaasi markay maraysay ayaa afartii jiir nafahooda la faqeen oo ay maskaxdooda maaleen, tuujiyeen, iskuna raaceen   maadaama oo ay tahay meeshu wabi, kuna badbaadi karaan halkan, iyagoo ka baaraan dagay, waxay ugu dabayntii go’aan sadeen inay sidaa ku galaan garta, Halkaasi markay maraysay   ayey

Jeertii soo jeedisay una sheegtay sida loo galayo garta, waxaanay tidhi wabiga dhexdiisa ayaygartiinu ka dhacaysaa, bisadu waxay fadhiisan doontaa labadayda gees dhexdooda, sidoo kalena afarta jiirna waxay ku fadhisan doonaan dubkayga.Waxanan idiin sheegayaa haddii aad ilaalin waydaan amaanka oo aan dareemo amaan daro iyo dhaqdhaqaaq waxan samayn doonaa inaan iska quuso oo aad halkaa ku waydaan naftiina si wada jir ah ayaa loo galay gartii afarta Jiir iyo Bisada.

Bisadiibaa soo ban dhigtay laba qodob oo bilaa shuruud ah codsatayna in loo fuliyo.Labadaas qodob oo kala ah;

 

1.inaanay cunin afartajiir buugaagta hadii ay arkaan.

  1. Sidoo kale inaanay waxyeelo u gaysan dadka aan la noolahay agabkooda ayay soo bandhigtay bisadii


Afartii jiirbaa ku bilaabay hadalkoodii iyagoo aad u kacsan anagu ma yeelayno.

  1. Qodobka koowaad waayo ma galayso quutal daruurigayagu gorgortan

  2. qodabka labaad dadku waxay cidhiidhi u horseedeen cuntadii aanu ugu jecelahay oo ah basasha,iyagoo nagaga xidhay meelo aannaan awoodi Karin. hadaba nama marayso gabi ahaanba labadan qodob sidaas ayaa nagu kaliftay inaanu dadka dhibno waayo waxaanu nahay qoom tira badan ficiltanka iyo khiyaamadana ku caano maalay sidaa darteed   lagama yaabo inaad naga macaashtaan waanad taqaaniin sidaanu xadhkaha u jarjarno ee aan dib loogu aayin shayga aanu miciyahayaga ula tagno, gartana jeereey waxaa nooga muuqata inaad nooga eexatay bisada malaha yaryaraantaad nagu quudhsanaysaaye cidina nagama maskax badna, cidina nagama tiro badna sidaasi ayay afartii jiir duurxulkoodii iyo doodiiba kusoo


gabagabeeyeen,                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                     bisadiibaa tidhi dani   kuma jirto gartoo   sii dheeraata ee   maxaa inoo dan ah, mana jirto wax ka wanaagsan gartoo inoo dhamaata, waayo waxaanay soo qaadatay maahmaah ay soomaalidu leedahay waxaanay tidhi hadal nin badiyayna ma wada odhan nin yareeyayna wax kama tagin.

Afratii jiirbaa yidhi dadku meelaha aanu cuntada ka daydayano waa inaan la dhigin buugaagta sidaasi ayaa wanaagsan oo ajarku ku jiraa, kuwa cusubna waa inay dadku meel ku haboon dhigtaan oo xafidan qodabka labaad   dhamaan cuntooyinka la cuno basasha ayaanu ugu jecelnahay waain dadkunoo daayaan oo ay cuntada inta kale oo dhan qaataan anaguna waanu joojinaynaa dhibta nalaga sheeganayo .

.Bisadiiba ujawaabtay midaasi ma dhacayso, suuro galba maaha waayo basashu difaaca jidhka dadka aan la noolahay ayay kor u qaadaa waxayna dawo ka tahay duriga, oo madhacayso lagamana yaabo inaan idinka yeelo, hadii ay wax kasta dhacayaana inay u hadhaan basasha dadka uu jiirku la noolyahay.

Jeertii oo saacado badan gartii waday si aad u heer saraysa iyadoo amaankana sugtay intii ay socotay gartu. ayaa tidhi mar hadii dadka bisadu la nooshahay aanay ka maarmayn basasha waa in la sameeyo dastuur loo maro qaybsashada basasha, jiirkuna ma nabad galinaayo basasha hadaan loo samaynin dastuur iyo xeer u yaala, waana in la furaa xafiis ugaar ah, qaybsashada basasha, mar kastoo safar basal ahi yimaado, si jiirka loo siiyo intuu xaq u leeyahay. Waxaanay intaa sii raacisay oo ay ku tidhi afartii jiir iyo bisadiiba kolay gartiinu ma dhamaanayso haday qaadanayso boqolaal qarni, ilaa intaad ku heshiinaysaan basasha, waayo waxaanu idiin samaynay xeerar idiin dhaxeeya waxaana mudan in dadka bisadu la nooshahay ay qaybtooda helaan, afartiinan jiirna ileen idinkuba dadka waad la nooshihiine waa inaad qaybtiina heshaan sidaa ayay jeertii oo aad xil iskaga saaraysa in labadan qoom aanay horteeda isku cunin kusoo afmeertay, waxaanay ka saxeexday cagahooda heshiis ah in nabadgalyada dhan looga soo wada jeesto. Haddaba heshiiskaasi oo qoraalkii suqaatay waraaqo shandado buuxinaya, oo lagu muujiyay dareeno isku cakis ah, qodobka ugu mihiimsaninaa waxa uu ahaa markastoo xafiiska basal lagu soo rogo waa in si cadaalad ah loo qaybsadaa. Haddaba Garta afrta jiir iyo bisada waxa ka muuqatay jawi aad u cakiran sida qulub iyo jahawareer iyo dhaka faar ay ka sinaayeen jiirka iyo bisada iyo jeertuba, waxaanay gabagabadii sii galeen sawiro muujinaya dareeno kala duwan oo aad ka garan karto inay aad u kala fogyihiin afarta jiir iyo bisadu heshiisna ka dheeryahay. Waxa sawir qaade ka ahaa oo kamarada isla gaabinayay oday geeri ba,ayHadaba guntii iyo gunaanadkii waxa muuqday gartu inaanay dhamaad lahayn balse halka ay ku danbayn doonto waa aynu eegi doonaa.