Wednesday, October 29, 2014

Md.Madaxweyne Maqal dadkaaga?Xuseen B. Maax

badmaax-300x270Mudane Madaxweyne waxa kugu waajib ah inaad maqasho shacabka,fulisid baahiyaha dalka iyo dadkaba,waa goobaabsi muddadii dastuurku ku siiyay inaad dalka hogaamiso.

Markaa waa inaad dhawrtaa qodobka dastuuriga ah ee cayimay muddada madaxweynaha oo sidan u dhigan:

QODOBKA 88AAD MUDDADA XILKA

  1. Muddada xiIka ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyo.

  2. Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.


Md.Madaxweyne hadii aad adigu fulin waydo oo aad ku dhaqmi waydo dastuurka yaad ka filaysaa inay ku dhaqanto.Tiraba dhawr jeer ayaan dhegahayga ku dhagaystay adigoo ku tiraabaya inaanay doorashadu maalin dhaafi doonin!Markii ugu danbaysay oo ahayd markaad dalka dib ugu soo laabatay ee aad cadaysay inaad u taagantahay musharaxa jagada aad haatan ku fadhido,doorashaduna ay waqtigeeda ku qabsoomi doonto.

Dhinaca kale,Md.Madaxweyne waxa iftiimaysa dhinbiil laga soo tuuray guriga ku-xigeenkaaga oo dab ka dhex hurisay golaha wakiilada!Talaabadani waxay shacabka ku riday shaki uga muuqday in dib loo riixayo doorashooyinka innagu soo fool leh,waxa loo arkaa xaalad abuur laga wado golaha wakiilada.Waa ayaan darro ku habsatay codkii shacabka ee ay wakiiladu ku fadhiyaan.Maanta shacabku wuu ka qancay xildhibaanadii ay soo doorteen,waxay iloobeen masuuliyadii ka saarrayd shacabkii soo doortay,waxay baal mareen ilaalintii iyo isu dheeli tirkii awooda dawladnimo.Waxay ku abtirsadeen siyaasada kulmiye iyo wadani,waxay u xuub siibteen difaaca madaxtooyada iyo difaaca danaha wadani,waxay aaseen wadaniyadii ku waajibka ahayd inay dalka ku ilaaliyaan.

Arrimahaa ayaa xukuumada aad hogaamiso u fududaysay inay hadba sida ay doonayso ka fushato golaha wakiilada.Waa dhaqan aan lagaa filayn Md.Madaxweyne!

Md.Madaxweyne sidaynu ognahay doorashadu waxay ku beegantahay 26ka june,waa muddo gaaban, hawlaha inoo yaala ee doorashada saameeyaana ma yara,waxay ahayd xildhibaanadaada golaha wakiilada ee diiday inaad farrto inay golaha fadhiistaan oo ay fuliyaan xilka qaran ee ay shacabka u hayaan,labada qodob ee ka tirsan hawlaha doorashada waxay ahayd inay dhamays tiraan,hadii qalad uu gudoomiye Cirro sameeyay waxay ahayd inay ka wadahadlaan ama maxkamada u gudbiyaan dacwad.

Gaba-gabo,Md.Madaxweyne maqal dadkaaga oo ka ilaali talaabooyinka lidka ku ah hawlaha u baahan in la dhamays-tiro doorashada ka hor.

Xuseen Xasan Badmaax

Human Rights Sect.

UCID

Hargeysa/JSL