Sunday, October 26, 2014

Milateriga Somaliland iyo Ganacsato hubaysan oo iska hor-imaad ku dhex maray xeebta Lughaya

Ganacsatada Lughaya: Dhimasho ayaanu ka xignaa Xayiraada Xukuumaddu nagu soo rogtay “waraysi…

lughayaLughayaha(GNA)-Iska hor-imaad dhex maray Ciidamada Qaranka Somaliland ee Jiida Degmada Lughaya iyo Kooxo Ganacsato ah oo baddeecado ka dhoofiya Dekedda Macbalka ah ee degmada Lughaya, ayaa maanta ka dhacay Deegaankaasi, kaddib markii ay Kolanyo Milateriga ka tirsani isku dayeen inay is-hortaagaan baddeecado lagu rarayey Dooni loogu qaadayo dalka Yemen.

Iska hor-imaadkan oo wakhti yar socday, ayaa sababay waxyeelo nafeed oo loo geystay Geel ka ag-dhawaa goobta uu ka dhacay, balse ma jiro wax khasaare ah oo soo kala gaadhay labada dhinac, sida uu Gobanimonews u xaqiijiyeen dad goob-joogeyaal ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Somaliland oo la xidhiidha xiisadan dhex martay Kooxaha hubaysan, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegaya in cunno-qabateyn Ganacsi lagu soo rogay Bulshada halkaas ku dhaqan, taasina ay sababtay inay isdifaacaan markii gar iyo garowshiyo toona laga siin waayay amar dawladdu ku bixisay in la joojiyo baddeecadihii halkaa laga dhoofin jiray.

Amarka joojinta ah ayaa la sheegay in afka laga faray, balse wax qoraal ah oo lagu madnuucayo arrintan aan loo gudbin ganacsatada deegaanka “meesha waxa laga soo dejin jiray Shidaal oo nalooga cashuuri jiray,sigaarna waa laga dhoofin jiray, balse ilaa bishii ina dhaaftay ayuunbaa la yidhi wax laydiin cashuurayaa ma jiraan, taas ayaa markii aanu dawladda dhinac walba u tagnay ee ay naga dhego adaygtay ayaanu go’aansanay inaanu isku dayno inaanu alaabtii meel kale ka rarano, dabadeed ciidankan ayaa meeshii yimi, waxaanay noqoto in layska difaaco”.ayuu yidhi Ganacsade magaciisa ku sheegay Cigge oo ka mid ah Ragga baddeecadaha halkaa ka dhoofiya.

“ Dad dhaawacmay ma jiraan balse xoollo meesha ka dhowaa, ayaa khasaare gaadhay, alaabtiina waanu dhoofinay oo wax marka horeba la diyaariyay ayay ahayd”ayuu intaasi ku daray Ganacsade Cigge.

Ganacsatada, ayaa sheegay inay joojinta Ganacsigooda u arkaan xad-gudub lagula kacay, oo cid gaar ah loogu xidhayo inay halkaasi wax ka dhoofsato “waxa nalugu yidhi ma geydaan inaad Lughaya wax ka dhoofisaan ama kala soo degtaan, taasna waanu diidnahay ilaa sifo aanu ku joojino shaqadayda nala tuso, laakiinse ma shaqayn kartaan afka ah, waxaanu aqbalayno maaha”ayuu yidhi Cigge.

Ninka u hadlay Ganacsadeyaashan iskaashada ah ee Ciidanka kala horyimi iska hor-imaadku waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay nooca baddeecadaha ay Dekeddaha Macbalka ah ka dhoofiyeen. “markii hore waxaanu ka soo dejin jirnay shidaal iyo Buskud, sigaarna waanu ka dhoofin jirnay, laakiinse markii wixii kale oo dhan nalaga joojiyay Sigaar yar oo aanu Yemen u dirno ayaa la leeyahay ma dhoofin kartaan”.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay’addaha Dawladda ee heer gobol iyo heer qaran, balse waxay ganacsatadani ku dooddeen inay xayiraad ganacsi ee lagu soo rogay ka xigaan dhimasho hadii awood layskaga hortaago. “waxaanu yeelaynaa dhimasho ayaanu ka xignaa xayiraadan nala saaray, joojina mayno oo dadkii dhulka lahaa ayaanu nahay” Cigge ayaa sidaasi u sheegay gobanimonews.

Geesta kale, dad ka madaxbanaan dhinacyada iska hor-imaadku dhex maray oo Gobanimonews la hadlay ayaa sheegay in ciidankii Milateriga ahaa ee weeraray doonyaha Ganacsadu raraysay ay dib ugu soo laabteen xeradoodii, kaddib markii ay iska caabin kala kulmeen  Dableyda hubaysan ee Ganacsatada difaacay.

Waxa kale oo ay wararku intaasi ku darayaan in Badeecadihii halkaas laga raray qayb ka mid ah ay wali yaallaan oo ay doonidii qaadi lahayd ka carartay, markii israsaaseyntu bilaabantay.

Xisbiyadda Mucaaridka oo cambaareeyay xayiraada Ganacsi

Xisbiga Waddani ayaa bishii la soo dhaafay cambaareeyay xayiraada Ganacsi oo uu sheegay inay Xukuumaddu ku soo rogtay dadka ku dhaqan Xeebaha galbeedka, sida Lughaya iyo deegaamada kale ee Badda kullaala.

Inkasta oo aanu xisbigu wakhtigaasi si cad u beyaamin noocan Xayiraada ay xukuumaddu soo rogtay nooca uu yahay, Maamulka gobolka ee Dawladda ayaa meesha ka saaray eedeymaha xisbigu jeediyay.

“Xisbiga waddani waxaa uu si mugle u canbaaraynayaa tacadiga iyo cunaqabataynta lagu soo rogay xeebta deegaanka lughaya, iyo guud ahaan gobolka salal, arrintaas oo baal marsan ganacsiga xorta iyo wada noolaanshaha bulshada”ayaa lagu yidhi Warsaxaafaddeed  28-kii bishii September ka soo baxay oo uu ku saxeexanyahay xoghayaha Guud ee xisbiga Maxamuud Uur-cadde.

Xisbiga ayaa isagoo arrintaasi sii hadlaya intaasi ku daray “Xukumada waxa ay caadaysatay in sii kordhiso shaqo la’aanta iyo amini khalkhal gelinta gobolada degen, isla markaana ay abuurto isku dul noolaansho iyo dabaqado bulshada dhexdeed ah.

Waxaa uu xisbigu ugu baaqayaa xukuumadda inay ka dulqaado cidhiidhiga ay ku hayaan shacabka lughaya ee markaa horeba la kacaa-kufayey helida quutal daruuriga loona soo celiyo xoriyadoodii ganacsi ee xeebaha galbeedka”. Ayuu lagu soo gabagabeeyay warsaxaafaddeedka xisbiga Waddani.

Laakiinse Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Selel, oo arrintan Gobanimonews wax ka weydiisay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xayiraada Mucaaridku ku eedeeyay, inkasta oo tibaaxay in dhulka xeebta u dhow sababo amni looga xadiday dadku inay maraan, kaddib markii Aalad hub ah oo lagu sheegay Madax gantaal iyo Baal diyaaraddeed ay ka soo caaryeen Badda deegaankaasi, taasoo ciidanka Badda oo Khubaro kale kaashanayaa sheegeen inay baadhis ku samaynayaan.

Gobanimonews

Saylac Office

Email: editor@gobanimonews.com