Wednesday, October 29, 2014

Xaglo-toosiye oo Xildhibaan Obama ku eedeeyay inuu u gacan-dhaafay Wasaaradiisa

[caption id="attachment_93594" align="alignleft" width="300"]Xaglo-toosiye waajahaya ladqabo siyaasadeed Xaglo-toosiye waajahaya ladqabo siyaasadeed[/caption]

Hargeysa(GNA) Wasiirka Wasaarada Caafimadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) iyo Guddi-hoosadka Daryeelka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa isku khilaafsan lacago la sheegay in laga qaado hay’addaha Caalamiga ah oo aan wax mashaariic ah lagu fulin, kuwaasoo ay Hay’addaha bixiyaa golaha u caddeeyeen inay bixiyaan.

Arrintan ayaa soo shaac baxday, kaddib markii uu Wasiirku ka war wareegay inuu golaha hor-yimaado, si uu tafaasiil uga bixiyo qaabka ay u fuliyaan mashaariicda taakulada ah ee Wasaaradda soo gala, taasoo muddo markay wasaaraddu ka wareegtay ay Guddida Baarlamanku waraysteen Hay’addaha laga qaado.

Khilaafkan ayaa wuxuu si gaar ah ugu dhexeeya Wasiirka iyo Guddoomiyaha Guddida daba-galka Hantida Qaranka Maxamed Cali Xirsi (Obama), kaddib markii uu Wasiir Xaglo-toosiye inta uu Golaha yimi uu gaar u maagay Guddoomiyaha.

Wasiirka Caafimaadka ayaa la sheegay inuu Xildhibaan Obama ku eeddeeyay inuu faro gelin ku hayo Wasaaraddiisa.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada Masuul ee Khilaafku ka dhexeeyo, balse ilo-wareedyo laga soo xigtay inuu khilaafka labada masuul gaadhay heer ay mudaneyaal kale oo Golaha ka tirsani dhexdhexaadiyaan.

Guddida ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada, ayaa beryihii baadhitaano ku waday Masuuliyiin kala duwan oo laamaha dawladda ah, kuwaasoo ay ka waraysanayeen qaabka ay u maamulaan Dakhliga iyo Hantida kale ee ay qaranka u hayaan.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com