Wednesday, October 29, 2014

Ban Ki-moon oo booqasho ku yimi Muqdisho

BKM Muqdisho(GNA)-Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxa maanta ka soo degay Xoghayaha Guud e Qaramada Midoobay Ban ki-moon iyo wefti uu hogaaminayo.

Waa booqashadii labaad ee uu ku yimaado dalka 20 sannadood ka ddib ka soo kabanaya qul-qulatooyinka siyaasaddeed iyo dagaalada Sokeeye.

Waxa Madaarka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Madaxda ugu saraysa Dawladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Maxamuud.

Ma cadda waxyaabaha uu kala hadli doono madaxda Dawladda Soomaaliya ee Khilaafka siyaasaddeed soo kala dhex galay usbuucyadii ugu dambeeyay, balse waxa qorshaha Xoghayuhu ay tahay sidii booqashu ugu galaa bixin lahaa dalal ku yaalla Bariga Afrika.

Mr. Moon, waxa uu shalay ku sugnaa Dalka Djibouti oo ka mid ah Dalalka Geeska Afrika ee Ciidamadu ka joogaan Soomaliya.

Waxaanu shalay markii uu dalka Djibouti soo gaaray uu ku dhawaaqay lacag dhan 8 Bilyan oo Doollarka maraykanka ah oo QM Mashaariic kaga fulinayso wadamada Gobolka.

La soco warkan iyo Sawirro goor dhow...