Tuesday, October 28, 2014

Ban ki-moon oo booqday Jabuuti

kenya_ruto_kimoon03062013Djibouti(GNA)-Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Ban-Ki Moon, ayaa booqasho ku yimi dalka Djibouti, halkaasoo lagu soo dhaweeyay.

Ban Ki Moon, ayaa Booqasho ku maraya dalal ku yaalla bariga Afrika, sida Jamhuuriyada Jabuuti iyo Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta markii soo gaadhay Magaalada Jabuuti, waxa uu kulamo la yeeshay xubno ka mid ah Madaxda Dawladda Jibouti, kuwaasoo ay ka mid yihiin Reysal-wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ee dalkaasi.

Mr. Ban ayaa kulamada kaddib, caawa ka qayb-gelaya xaflad ay hay’addaha QM ku qabanayaan caasimada dalka, taasoo ay ku soo bandhigi doonaan howlaha ka qabtaan Gobolka.

Xoghayaha Guud, ayaa markii uu kulamada la qaatay Masuuliyiinta Dawladda Jibuuti, ku dhawaaqay lacag Siddeed Bilyan oo Doolar ah (8 Billion), taasoo QM ugu deeqayso Wadamada Bariga Afrika, si loogu fuliyo mashaariic horumarineed.

Waxa Safarkiisa ku wehelinaya Saraakiil sar sare oo ka tirsan Xafiisyada Qaramada midoobay, waxaana la filayaa in Xoghayuhu maalmaha soo socda uu u gudbo Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaasoo booqashadiisii labaad ku tegi doono muddo saddex sannadooda.

Hase ahaatee intaa aanu ka ambo bixin dalka Djibouti waxa uu la kulmi doonaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ah Wadamada Gobolka ee ay Qaramada midoobay arrimaha soomaalida iyo kuwa Mandaqada kala tashato.

Gobanimonews

Saylac Office

Email: editor@gobanimonews.com