Tuesday, October 28, 2014

Somaliland: Safiirro ka socda reer Galbeedka u soo gurmanaya Khilaafka Baarlamanka

“Waxaan ugu baaqayaa Hay’addaha iyo Beesha Caalamka faro-gelin deg deg ah ayaanu u baahanahay ee hanala soo kala gaadho..”Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

siilaanyo iyo cirroHargeysa(GNA)-Diblomaasiyiin ka socda dalalka sida weyn u taageera dimuquraadiyada iyo geedisocodka siyaasaddeed ee Somaliland, ayaa lagu wadaa inay dalka soo gaadhaan 48-ka saacadood ee inagu soo fool leh, kuwaasoo ka soo kala duulaya Dalalka Itoobiya iyo Kenya oo sal-dhig  u ah inta badan dan-jireyaasha reer galbeedka ee dalalka IGAD iyo Somaliland.

Sida ay tilmaameen ilo-wareedyo diblomaasiyaddeed oo aan helnay, Safiirradan  ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa lix xubnood oo ka kala socda dalalka qaadhaan bixiyeyaasha  Oo ka koobnaa Dawladaha dalalka Midowga Yurub, Mareykanka, Sweden, Norway iyo Switzerland, oo  la isku yidhaahdaa (Democratization Steering Committee), kuwaasoo imaanshiyahoodu ku soo beegmay xilli ismari-waa siyaasaddeed u dhexeeyo Xukuumadda iyo Golaha Xeer dejinta oo isku khilaafsan  wax ka bedelka iyo Kaabista lagu sameeyay Xeerka diwaan-gelinta medeniga ah iyo codbixiyeyaasha.

Si cad looma oga in socdaalkooda Dan-jireyaashani la xidhiidho sidii ay u dhex-dhexaadin lahaayeen dhinacyada dawladda Somaliland ee muranku ka dhexeeyo,hase yeeshee marka eego xaalada ay ku soo aaddeen waxa muuqata in ajandaha ugu weyn ee weftigani uu ku arrooro arrimaha dalka ka taagan.

Inkasta oo dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda Somaliland ay faro-gelin shisheeye oo xilligan kaga  timaada dibada arrimaha doorashooyinka ee maxaliga ah,  ay xusuusanayaan, heshiiskii sanadkii 2007-dii lagu soo af-jaray xiisadii ka taagnayd arrinta oo kale.

Dhinaca kale, Mudane ka tirsan Baarlamanka Somaliland  oo ka hadlayey fadhigii shalay ee Golaha ka baaqday intaan la soo xidhin, ayaa sheegay  inay xukuumadda talada haysaa khal-khal ka abuurayso waddanka, diidantahay  in doorasho dalka ka qabsoonto.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mida Mudaneyaasha aqalka Wakiillada, kana tirsan garabka la safan Guddoomiyaha Golahaasi oo ay ka soo horjeedaan xildhibaanada Muxaafidka ah , ayaa sheegay inay caddaadatay damacii dawladda ee dib u dhigista Doorashada, kaddib markii buu yidhi ay is-hortaagtay in la ansixiyo Guddida cusub ee Doorashooyinka Qaranka oo fadhigii maanta lagu ansixin lahaa u  furmi waayay Kooram la’aan kaddib markay mudaneyaasha Muxaafidku ka soo qayb geli waayeen.

“Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Saddexda Guddoomiye xisbi waxay ku soo balameen in maanta oo axad ah la ansixiyo Guddida Doorashooyinka ee cusub , Komishankii in la ansixiyona waataasoo waa la diiday. Awaamiirbaana la siiyay xildhibaanadii, ayaan-darada ina haysataana waxay noqotay shacbiyoow Xildhibaanadii aad soo doorateen caqligoodii madaxtooyaday amaahiyaan” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “waxaanu Hay’addaha iyo beesha caalamka ugu baaqaynaa tani kala dhaqaaqi mayso ee faro-gelin shisheeye. Awoodbaa la sheegtay, dawladnimaa la sheegtay, RRU-baa la sheegtay, Baarlamankiibaa la qabsaday oo xidhan maanta (shalay), ee hanala soo kala gaadho ayaanu leenahay”.

Hadalka Mudanahan ayaa u muuqda inuu u gacan haadiyey Safiirradan wadamada Reer galbeedka ka socda ee dalka imanaya, kuwaasoo ay dhici karto inay arrimo kale oo xagga nabad-gelyada khuseeya laftooda kala hadasho Hay’adaha dawladda, siiba xukuumadda iyo Goleyaasha kale ee Baarlamanku ka mid yahay.

Gobanimonews/ Wargeyska Yool

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com