Saturday, October 25, 2014

Curashada sanadka cusub ee Hijriyada iyo Caalamka Islaamka ..warbixin

Taariikhda Islaamka oo gashay sanad cusub oo duruufo ku gedaamanyihiin Muslimiin badan...

Sanad wanaagsan, sanad-wanaagsan caalamul Muslimka

hapyyHargeysa(GNA)-Taarkiihda Hijriyada ayaa gashay Sanad cusub cusub,kaas oo ah 1436 ee Taariikhda Islaamka.

Muslimiinta Adduunka oo dhan ayaa u dabaal degaya curashada sanadkan, waxaanay isugu hambalyaynayaan inuu uga yeelo mid barwaaqo iyo badhaadhe ku gaadhsiiya kiisa xiga.

“Sanad waliba Hoodiyo, howl iyo dhibaatiyo wuxuu hadimo leeyahay, waa laga helaayoo hadhow lagu xusuustaa”sidaasi waxa tidhaahda mid ka mid ah  Heesaha soomaalida ee loogu dabaal dego sanadaha cusub.

Isbedelka taariikhda ayaa ah Jawi kala guur oo aadamuhu uu ku Gu’ tirsado, iyadoo ay tani ka mid tahay Munaasibadaha islaamka ee khilaafsan kuwa ay Diimaha kale ugu dabaal degaan Taariikhda Miilaadiga ah .

Mujtamaca Caalamka Islaamka ayaa ku qaabileya sanadkan cusub duruufo kala duwan oo ah Nin iyo waagii".

Somaliland

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1436 (Hijiriyada), awgii oo ku beegan caawa oo taariikhdu tahay 25.10.2014, Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u diray Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa inuu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.”ayaa lagu yidhi beyaan ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taasi la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda oo uu leeyahay sanad wanaagsan oo wacan.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqayaa inay nabad-gelyada iyo Qaran-nimada Dalkeena, heegan u ahaadaan meelna uga  soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan sidii ay hore-ba ugu  soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaran-nimo.”ayaa lagu soo gunaanaday warsaxaafaddeedka Madaxweynaha.

Geestakale, Dadka Soomaalida ah ee ku kala nool daafaha adduunka iyo gobolka, ayaa fariimo hambalyo ah isu marinaya Mareegaha ay Bulshadu ku xidhiidho, sida Facebook iyo baraha kale, iyagoo isugu ducaynaya in alle sanadkan kiisa kale ku gaadhsiiyo bash bash iyo Barwaaqo.

Dhinaca kale, Mid ka mid ah Jimciyadaha islaamiga ah ee ka dhisan Magaalada Hargeysa, ayaa war qoraal ah oo laga soo saaray waxa hambalyo loogu diray muslimiinta caalamka.

Gudoomiyaha Hay’ada Waxbarashada Diinta iyo Qaban –qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab ) Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi Nuur ayaa waxa uu Hambalyo u direy Bulshada Reer Somaliland iyo Guud ahaanba Muslimiinta Caalamka Munaasibada Sanadka Cusub Ee Islaamka awgeed.

Gudoomiyuhu waxa uu sidaasi ku sheegay dhambaal uu ka soo saaray Magalada Hargesya oo dhignaa sidan:-

“Anigoo ku Hadlaaya Magacayga iyo ka Haayada Waxbarashada Diinta iyo Qaban –qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab ) waxa aan hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa dhamaanba Shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba umadda Islaamka ahi meel kasta oo ay joogaanba munaasibadaSanadka Cusub Ee Islaamkaawgeed.

Jimciyatul Axbaab waxa ay munaasibada Sanadka Cusub Ee Islaamka awgeed uu leeyahay Ciid Mubaarak, Kullu Caam,Wa Antum,Bil Khayr.

waxaa sida oo kale uu Illaahay uga baryeyaa dhamaanba shacabka reer Somaliland in ay Sanadka,Sanadkiisa ay bash-bash,barwaaqo iyo caafimaad qab ay ku gaadhaan,Inta Xanuunsanaysa ee jiiftana uu Illaahay uga baryeyaa in uu Xanuunka ka dulqaado,Caafimaadna siiyo,Sida oo kalena intii dhimatayna Alleh u danbi dhaafo una naxariisto”.

Soomaalida kale iyo caalamka Islaamka

Si kastaba ha ahaatee curashada sanadkan cusub ee islaamka ayaa ku soo beegmaya xilli dalal badan oo caalamka Islaamka  ka mid ah ay la baxaa-degayaan dagaallo sokeeye iyo khilaafyo maamul, taasoo saameyn ku yeelatay dhaqaalaha iyo horumarka dadka Muslimiinta ah.

Xiisadaha ka aloosan Bariga dhexe, Ciraaq, Suuriya iyo Liibiya ayaa sanadka cusub ee Islaamku soo galay, iyagoo wali sii socda, waxaana inala gudboon inaan ugu ducayno inuu alle ka qaboojiyo colaadaha haysta.

Hase ahaatee wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay xaaladdoodu ka soo raynayso dalalka ugu taariikhda weyn Muslimka oo sanadka sii galbanaya intii lagu jiray dhibaatooyin badani ka dhacee, sida Masar iyo Syria.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa sanadkani soo galay, iyadoo isbedel badani ka muuqdo dib u soo celinta kala dambeynta iyo dib u dhiska dawladnimada, taasoo  farxad gaar ah u ah mujtamaca Soomaaliyeed oo in kabadan labaatan sannadood dagaalo iyo dawlad la’aan weheshanayay, kuwaasoo sanadku u soo galay iyadoo rejo wanaagsani u muuqato is bedel iyo horumar.

Gobanimonews

London Office

Email: editor@gobanimonews.com