Friday, October 24, 2014

Wax ka baro Taariikhda dalka Jabuuti

jabuuti(GNA)Dalka Jabuuti waxaa la yiraahdaa Jamhuuriyadda D,Jabuuti waxaana uu ka mid yahay dalalka ku yaala geeska qaaradda Africa.

Wadanka Jabuuti waxaa uu xaduud dhuleed la leeyahay dalal ay ka mid yihiin dalkeena Soomaaliya, Ethiopia,  iyo Eritrea  waana dal ay marto badda cas sidoo kalena waa dal dhinac kaga yaala gacan biyoodka Cadan.

Bedka dhulka dalka Jabuuti waxaa lagu qiyasaa 23,200 km2  tirada dadka wadanka u dhashayna waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 810,000 oo ruux.

Dalka Jabuuti waxaa uu madaxbanaanidiisa ka qaatay gumaystihii Faransiiska 27 June sanadkii 1977 isla sanadkaas ayayna dadka Jabuuti afti ururin laga qaaday waxay ku doorteen inay noqdaan jamhuuriyad madax banaan caasimada wadankana waxaa la yiraahdaa Jabuuti seedka gaadiidku isku dhaafaana waa dhanka midig.

Luuqadaha rasmiga ah ee dalka looga hadlo waa Soomaali, Canfar Faransiis iyo Carabi diinta wadankana waa Islam waxaana dalku ka kooban yahay 6 gobol.

94% dadka wadanka ku nool waa Muslimiin halka 6% aysan Mulimiin aheyn dastuurka wadanka u yaalana waxaa uu qabaa in dalku yahay dal Islam ah.

Dalka waxaa jira jira dawlad lasoo doorto M/weynaheeda haddana waxaa M/weyne ka ah Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxaana R/wasaare ka ah C/qaadir Kaamil Max’ed.

Dhanka ciidamada haddii aanu eegno dalkaan waxaa uu ka mid yahay wadamada Africa ee dhaqaalaha ugu badan ku bixiya dhanka ciidamada waxaana ay dawladu ku bixisay tayaynta ciidamada sanadkii 2011 lacag dhan 36 million o Dollar.

Dawladaan tababarada ciidamada waxaa ku gacan siiya dawladu Faransiisku ugu horeeyo oo dalkaasi saldhigyo ku leh sidoo kalena Maraykanku sanadahaan ayuu saldhigyo ka sameystay waxaana ciidamada Jabuuti ay hadda qeyb ka yihiin ciidamada ururka Midawga Africa Soomaaliya ka jooga ee AMISOM la yiraahdo si gaar ah waxay uga howlgalaan gobolka Hiiraan.

Cimilo ahaan dalkaan waxaa uu ka mid yahay wadamada dunnida ugu kulul heer kulka wadankuna cel celis ahaan waa 32 illaa 41 Digrii meelaha ugu kululna caasimada Jabuuti ayaa ka mid ah.

Dhanka dhaqaalaha haddii aanu eegno wadankaan Jabuuti waxaa uu ka mid yahay wadamada Africa ee ugu dhaqaalaha badan waxaana bangiga adduunka uu sheegay in dhaqaalaha Jabuuti uu kor u kacay 5% tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2010,kii.

Dawlada Jabuuti waxay siyaasad fur furan u adeegsataa ganacsiga dhaqaalaha ugu badan dalkana waxaa uu ka kasoo galaa dekeda magaalada Jabuuti oo ka mid ah dekedaha geeska Africa ugu mashquulka badan.

Dhaqan ahaan dadka Jabuuti waxay dhaqanka kala mid yihiin dadka Soomaaliyeed maadaamaa 60% dadka jabuuti ay Soomaali yihiin iyo dadka Canfarta ah.

download download (1)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maadaama dalku uu yahay dal kulayle ah dadku ma xiran xiraan dharka laga xirto wadamada reer galbeedka hase ahaatee dhaqan ahaan waxaa dhulka miyigiga ah laga xirtaa macawis marka ragga loo eego.

Dumarkuna waxay xirtaan guntiinooyin gabdha an la guursana madaxa ma daboolato oo garbasaar ayay qaarka sare saartaan.

Xaga cunnaddana wax weyn kama duwana cunnadda laga cunno wadamada Soomaaliya ama Ethiopia xillliyadda farxadana xalwada ayaa aad looga cunaa wadanka Jibooti marka cunnada la cunnana guryaha waa la carfiyaa ayadoo loo shido uunsi ama luubaan

Haddii fiirino dhanka cayaarahana xulka Qaranka dalka Jabuuti oo xiriirka kubbadda cagta adduunka  ee FIFA ka mid noqday sanadkii 1994 waligii kuma uusan guulaysan koob adduun heer wanaagsana kama gaarin oo is reereebka ayay ku haraan laakiin waxay cayaartoyda Jabuuti inta badan ka qeyb galaan cayaaraha koobka qaramadda Africa ama kan bariga iyo bartamaha Africa.

W/isku soo ururshay Burhan Dini Farah

burhandiini@gmail.com