Sunday, October 19, 2014

Doorka xukuumadda Siilaanyo ku leedahay Kacdoonka Goleyaasha Deegaanka

Maxay soo kordhin karaa Maayiro cusub, hadii mooshin lagu rido kuwa fadhiya ?Akhri warbixin

Wasiir Waran-cadde iyo Maayirrada Degmooyinka oo isku diidanyihiin Maamulka Miisaaniyada Goleyaasha Deegaanka oo uu dalbaday in la soo mariyo..

maayirka 444Hargeysa(GNA)-Bilowga Olole ka dhan ah Maayirrada Dawladdaha hoose ee degmooyinka, maalmahan Dhaxanta Xagggagu soo gashay, ayaa u muuqda mid ku curtay Goleyaasha Deegaanka Hargeysa iyo Ceerigaabo oo hirdan ka dhex qarxay , wallow aanay sanqadh tan oo kale ahi ku yarayn Degmooyin kale ee Caasimada Gobolllada, sida Burco iyo Boorama.

Tani waxay curinaysaa isbedel maamul oo ku yimaadda Dawladdaha hoose ee dalka tan iyo Doorashadii ay ku yimaadeen Goleyaasha Deegaanka ee laba jirsanaya bisha December ee fooda inagu soo haysa.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii uu bilaabmay loolan ka dhex aloosan Golaha Deegaanka Hargeysa, kaasoo la kowsaday furitaanka Kal-fadhiga 8-aad ee Golaha oo Khamiistii furmi lahaa, balse ay buuq iyo dood isu bedelay xurguf ay baajisay, ilaa laysla soo gaadhay sabtidii shalay oo uu furmay.

Muranka uu ku bilaabmay Kal-fadhigan Shalay furmay ayaa, ahaa mid markii uu dibada yimi wajiyo kala gedisan muujinayay, balse waxa haatan sheekaddu isugu biyo shubanaysaa damac siyaasaddeed oo mudaneyaal Golaha ka tirsani ku doonayaan inay meesha kaga saaraan Maayirka iyo ku-xigeenkiisa, kaasoo ay xukuumadda qayb ka mid ahi dabada ka riixayso.

Ugu yaraan laba Xildhibaan oo Golaha ka tirsan ayaa hormuud ka ah Dabeysha damaca huwan ee dul-wareegaysa 21 Mudane ee Dadka reer Hargeysa metela, kuwaasoo caddeystay diidmadooda ka dhan ah Shir-guddoonka, iyagoo ku dooddaya Musuqmaasuq iyo xisaabtan la’aan golaha hadhaysa.

Hase ahaatee dadka dersa arrimaha dawladdaha hoose iyo kuwa isku tirinaya inay xogogaal u yihiin xiisadan, ayay u caddahay inay xubnaha hogaaminaya dhaqdhaqaaqani doonayaan Maayirnimada iyo ku-xigeenka, marka ay ka riixdaan xubnaha hada xilalkaas haya.

Xildhibaanada Farta lagu godayo ee miidaanka dagaal curiyay waxa ka mid ah Xildhibaan Cismaan-waxar, Xildhibaan Dogox iyo Xildhibaan Xasan-shahar, waxa kale oo la safan mudaneyaal tiradoodu gaadhayso 6 xubnood qaar aanay wali warkooda dibada soo wada dhigin.

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo Sabtidii shalay ka jawaabayay eeddeymo ay mudaneyaasha gooni-u goosadka ahi u jeediyeen ayaa si toos ah u abaaray mid ka mid ah Xildhibaanadaas, waxaanu ku dhaleeceeyay Lunsi iyo maamul xumo looga bartay isagoo shaqaale ka ah Dawladda hoose. “aniga iyo Cismaan Waxar way na kala taqaanaa ummadu kaayaga musuqmaasuq lagu eedayn karo ee kiisas ka yaalaan dawlada Hoose ee todoba Maayir halkan ka eryeen isaga oo shaqaale ah” ayuu yidhi Maayir Soltelco

Maayir Soltelco oo Wariyeyaasha la hadlay markii uu soo xidhay kalfadhigii 8aad ee golahoodda, waxaanu xusay in qodobkii wadooyinka cusub ee degmooyinka loogu magac darayey mujaahidiinta dalka usoo halgantay inay fool xumo tahay inay xildhibaano ka soo horjeestaan oo ay buuq iyo muran dhex galiyaan.
“Waa Nasiibdaro qofku inuu garan waayo waxa uu ka hadlayo, miisaaniyadayadu waxa ay ku salaysnayd korodhka miisaaniyadii 2013 iyo 2014 oo farqiga u dhexeeyey yahay korodhka aanu miisaaniyada kordhinay bishii 9aad ayuunbuu xisaab hayaa isagoo guddida dhaqaalaha ka mid ah hadana inuu beenta intaa leeg ka sheego xildhibaanku isagay u taalaa. “ - “Waxa uu yidhi waxa soo baxay macal kabkii, waxaanad wada ogtihiin in kabkii lagu galay diiwaangalinta oo arin qaran ahayd, waxa kale oo uu ka hadlay mashaariicdii 5% lama qaban taa anigu waxa aan markhaati uga dhiganayaa shacabka iyo media-ha, wadadaa dhexe ee ka soo bilaabanta Halaya ee ku joogta Buurta-kala Jeexan ee dawladda dhexe iyo dawladda hoose iska kaashadeen” ayuu yidhi Maayir Soltelco.

 

Waxaanu intaas ku daray “Waxa la yidhi nin ay u muuqato halka aad joogtaa, qof kursigani uu u muuqdo waxuu doono ayuu ku hadlayaa, waxaan leeyahay illaahay ayaa bixiya masuuliyada iyo maamulka, qofku inuu dhaleeceeyo cid maaha”ayuu sii yidhi.

Doodda Maayirka horteed waxa Wargeyska Dawladda u sheegay inaan Mashaariicdii miisaaniyadda 2014 ku jiray aan 5% la fulin, Xildhibaan Cismaan Waxar oo ka mid ah mudaneyaasha ka soo horjeeda Maayir Soltelco.

“lacagtii miisaaniyadda 2014-kii dhammaanteed way soo baxday. Haseyeeshee, mashaariicdii loogu talogalay in ummadda loogu adeego maxaa ka fulay, maxaanse ka fulin? Dhammaanteed 5% waxba kamay fulin, lacagtiina bangiga ma taalo, markaa sow in la is-waydiiyo maaha lacagtii xaga ay qabatay? Wuxuu yidhi (maayirku) yaan laga hadlin taa, arrinta aannu ka diidnay ee muranka keentay waxa weeye waa laga hadlayaa hantida ummadda iyo halkay ku baxday, waayo dad masaakiin ah iyo dumar wadhato ah ayaa laga soo ururiyey, lacagtii halkay martay in is-waydiiyo oo la is xisaabiyo oo golaha la soo hordhigo wuu diiday maayarku, mana aqbalayno waanu dhaaranay oo kitaab baanu gacanta saarnay,” ayuu yidhi Cismaan Waxar.

Ceerigaabo

Sida soo baxaysa dharaarihii la soo dhaafay, guux iyo ismaan-dhaaf aan wax badan kaga duwanayn kan Dawladda hoose ee Hargeysa ka taagan, ayaa ka soo yeedhayay Golaha Deegaanka ee Ceerigaabo oo uu Guddoomiyahoodii Aqoon-korodhsi dibada ugu maqanyahay.

Khilaafka Golaha deegaanka Ceerigaabo, ayaa salka ku haya doonis dhaqaale korodhsi, oo ay Mudaneyaashu ku dooddayaan in Miisaaniyada Golaha la kordhiyo, maadaama dakhli faro badani ka soo galay mucaawimooyin iyo Mashaariic kale oo horumarineed.

“Murankani waa mid dhaqaale uun salka ku haya ee Maayir la ridayo iyo mid la eryanayaan toona ma jiraan, waxay ku dooddayaan uun qolada qaylinaysaa Miisaaniyada ha naloo kordhiyo.” Ayuu yidhi mid ka mid ah Dadka arrimaha maamulka u dhuun-daloola oo Gobanimonews wax ka waydiiyay halka uu ku arrooro khilaafka Goluhu.

21 Mudane ee Deegaanka Ceerigaabo, ayaa u kala safan 13 xubnood iyo 8, si la mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa, laakiinse waxa maqan Maayir Ismaaciil Xaaji Nuur oo ah Nin Maayirnimadiisa magaaladu Qaan-gaadh ku dhowdahay hada, isla markaana labadii xukuumaddood ee u dambeeyayba loodin waayeen.

Gulufka Maayirrada ee Baahsan

Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iska leh sababta ugu weyn ee curisay Kacdoonka lagu beegsanayo Maayirrada ee Golaha Deegaanka hargeysa ku bilaabmay, kaasoo markii wareegtada ku soo saaray in Goleyaasha Deegaanku Maayirrada ridi karaan, dariiqa u furay muranka ka istaadhan Hargeysa, Burco, Boorama , Gabiley iyo Ceerigaabo oo isku duruuf ka ah yooyootanka kursi raadiska ah.

Laakiinse ilo-wareedyo xogogaal ah, ayaa tibaaxaya in ismaan-dhaaf u dhexeeyo Wasiir Waran-cadde iyo Maayirrada qaar, siiba kuwa hada seefta ay u haystaan falaagada ka dilaacday Goleyaasha ay maamuleyaan, oo ay ka mid yihiin Maayirrada Burco, Boorama iyo Gabiley, oo ka sekow arrimaha shaqo ee laysku hayo, lagu qaniinsanyahay u debecsanaan dhanka Mucaaridka ah oo laga dareemay, kaddib markii ay Xisbiyadda mucaaridku ku noqnoqdeen.

Waxa kale oo la tilmaamayaa in Maayirka Caasimada Hargeysa iyo Wasiirku isku iskhilaafeen qabashada Diwaan-gelinta Medeniga ah, taasoo sida taxaabo kala duwan sheegayaan siyaabo kala duwan laysugu qabtay. Inkastoonay labada dhinac midkoodna ka soo bixin dhawaaqyo muujinaya ismaan-dhaafku, hadana waxa jira ismari-waa hoose oo saameeyay wada shaqaynta Maayirada iyo Wasiir Waran-cadde, taasoo khaasatan u dhexaysa Maayirka Hargeysa iyo kan ceerigaabo .

Waxa jirta hadal hayn sheegaysa inuu Wasiirku ka dambeeyo Kacdoonka Golaha Deegaanka ka istaadhmay, kaasoo qayb ka ah khilaafka u dhexeeya Maayirka. Waxa kale oo la sheegay in Maayirka Gabiley guluf noocan oo kale iskaga fur-furay Lacag Afartan Milyan ah oo uu ku daray Dakhliga lagu fulinayo Diwaan-gelinta Medeniga ah, taasoo aan lagaga hadhin sida la sheegay balse wali liishaanku saaranyahay.

“Wasiirku wuxuu doonayaa inuu Maamulo Miisaaniyada Dawladdaha hoose oo la soo mariyo sida badhasaabada oo kale, taasoo keentay xaasaasiyad diidmo adag xambaarsan oo ay kaga gaashaamanayaan Madaxda Goleyaasha Deegaamaddu inuu Wasiir Waran-cadde xalaalaysto.”ayey odhanaysaa xog kale oo arrintan la xidhiidhaa.

Si kastaba ha ahaatee, ma wanaagsana hada wada-shaqaynta u dhaxaysa badi maayirrada Magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo Wasaaradda Daakhiliga oo i-faham la’aantoodu dhowr meelood ku arroorto. balse waxa ay isweydiinta taagani tahay, maxay soo kordhinayaan maayir cusub oo ku yimaada Buuqa ka dhex bilaabmay Golaha Deegaanka Hargeysa, oo hadii lagu guulaysto in Shirguddoonka lagu bedelo u gudbi doona Goleyaasha kale ee Magaalooyinka waaweyn.

Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: curad1986@hotmail.com