Tuesday, October 28, 2014

Godob Caashaq Laga Galay! Sheeko dhab ah

W/Q: Xamze Siciid Kuuriya

broken_love.jpg_480_480_0_64000_0_1_0Isku fasal ayay ahaayeen waxayna ahaayeen Dugsi sarre, Sanadbaa uga hadhay inay Jaamacada galaan muddo saddex sano ahna waxay wadaageen xidhiidh jacayl la mood ah oo aan saxnayn, Habeen kasta way isku iman jireen oo wacays ayay wada qaadan jireen.
Markaad aragto waxaad moodaysay inay yihiin laba qof oo is xalaashayaday siday u wada dhaqmi jireen daraadeed.
Waxay sidii ahaataba markii ay nodeen Fasalkii 4aad ee dugsiga sarre imtixaankii ay ku gudbi lahaayeena dhawr bilood uga hadhsanyihiin ayay ceeb wayn oo lama filaan ahi soo waajahday oo waxay u aayeen waxay samayn jireen ee khaladka ahaa jacayl lamoodkana ahaa.
Qalbiyadooda waxa jacayl u eeke ah ayaa ka buuxa intaa awxa u dheer waxay ka talaabeen xadkii iyo xuduudii loogu talo galay oo mugdi iyo mawjado dhibaato ayaa afka ka soo galay badhatnkana u fadhiisteen.
boogo ay qarsanaysay in judo ah ayaa soo ritay oo Gabadhii uur ayay yeelatay aan xalaal ahayn.
Arinkiina xaafadihii ayuu ku dhex faafay iyo Bulshadii ay la noolaayeen naxdin iyo ciil wayna laakiin is ciil kaambi waxba kuma hagaagayaan.
Waxay u sheegtay inay uur leedahay oo uu ku soo baxay isna yahay qofka iska leh ilamhana uurka ku jira iyadu ceeb dareedeed ayay ka baxday schoolkii oo ceeb ayay nafteda iyo ta waalidkeedba u soo jiiday, Xaafadoodiina way wada qaracantay oo il xun ayaa lagu eegayaa waxa loo tagay xaafadii wiilka oo loo sheegya dhibta uu gaystay wiilkoodii waxayna ku heshiiyeen in laysku dhiso oo laysku asturo.

 

Wiilka iyo gabadhu diyaar umay ahayn guur laakiin danta ayaa is baday oo waxbarasho halkaas ayay ku seegeen in kasta oo uu wiilka iyo gabadhuba ku wanagsanaayeen waxbarashada hadana way ka dhaceen.
Waxa dhacay meher oo xaflad aroos looma qaban maadama xaafada inanku ahayd fiqiiriin oo ay isga wax ka sugayeen isna u soo jiiday dhibtaas, inanta laftigeeda xaafadoodu waxay la damacasnayd meel sare inay ka gaadho waxbarashada iyo noloshaba laakiin rajadaas aiyada ku riday god madoow.
Muddo markii ay wada joogeen waxa soo gabogaboobay jacayl lamoodkii dagaal iyo qaxar ayaa bilwoday waana lays nacay waxa u dhashay ilme mayd ah oo ku soo dhintay uurka waanay iska aaseen deetana waxa heshiin waayay reerkii inanka iyo gabadhii ugu danbayntii markii ay wada joogeen mudo sanad iyo badh ah ayay kala carareen oo wiilkii warqadii ayuu indhaha kaga dhuftay inantii.
Qofkii ay isku halaysay ee ay wax walba ku aamintay ayaa sidaas u galay, dee layaab ma lahoo markii horaba gurigu mid khayr ku dhisan muu ahayn ee xumaan ayaa isku keentay ooh ore ayaa loo yidhi hal booli ahi nirig xalaal ah ma dhasho oo xaaraan ayay guriga ku abuureen.
Inantii dhinac walba seegtay ceebtu iyaday ku dhacday reerkoodii way kala dhinteen mustaqbalkeedii waxbarashana wuu soo idlaaday oo niyadii aya ka dhimatay waayo Inanimadeedii ayay ku ciyaartay.
Waji fiican xaafadoodii uma yalo haday ku noqon lahayd oo way ka baqaysaa laakiin hadana way tagtay oo way indho adaygtay, in kasta oo xaafada cid u roonayd jirin ileen iyadaa is dayacdee waa la daayay oo waxba lama odhan.
Sidii ula noolaatay reerkoodii ilaa ugu danbayntii ay saamexeen waayo waa jiidhkoodii oo khaldamay laakiin wax badan soo noqon maayaan.

 

Email: king_amse@hotmail.com

 

Mobile: 0634410163

 

Hargaysa, Somaliland

 

Qoraa Xamze Siciid Kuuriya