Sunday, October 26, 2014

Xildhibaan lagu dhaawacamay Muqdisho

Muqdisho(GNA)-Kooxo Hubaysan ayaa weerar ku qaaday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya Xaafada Taleex ee Magaalada Muqdisho, kaasoo dhaawac la soo gaarsiiyey.

Dableyda Xildhibaanka dhaawacay ayaa la sheegay inay wateen Gaadhi nooca raaxada ah, waxaanay rasaas ku fureen gaariga uu watay Xildhibaanku.

Xildhibaanka la weeraray ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdilaahi Rooble.

Ma jirto cid sheegatay iyo cid loo qabtay oo ay hay’addaha ammaanku soo bandhigeen weerarkan xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa loola cararay markii rasaastu haleeshay Cisbitaal ku yaalla Degmada lagu dhaawacay,sida ay xaqiijiyeen goob-joogeyaal.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in mudanaha la dhaawacay uu dhawaan ku soo biiray Golaha Shacbiga, iyadoo weerarka lagu qaaday ku soo beegmay xilli uu khilaaf kale soo kala dhex galay Madaxda Dawladda ugu saraysa siiba Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com