Saturday, October 25, 2014

Kabtan Yassin Xasan Nuur Oo Ka Fadhiistay Ciyaaraha Qaramada Kubada Kolayga

qatar-1413911783-655x360Xulka qaranka ee kubada kolayga Qatar ayaa ku gulaysatay koobki 4ad ee wareega Gulf Champions Cup oo loo yaqaan kaas khaaliij ee kubada kolayga, sanadkan lagu qabtay dalka Sucudi Arabia, waxana kabtanka xulkas sii soogotineyee oo ahayd wareegi ugu dambeyee oo uu ciyaaro isagu ka fadhisaneya ciyaaraha qaramada ee kubada kolayga.

Waxana ka soo qayb galay ciyaarta kamadambaysta ah gudomiyaha xidhidhka Olympikadda iyo xogayaha gudida xidhidhkas sheikh Saud bin Abdiraxman al- thani, oo ka soo qayb galeen ciyaarti kama dambaysta ahayd oo ay la yeeshen xulka dalka Bahrain oo lagu ciyaaray magalada Dammam ee dalka Sucudi Arabia. Waxana natijada ciyaarta oo ku dhamatay 83 – 63.

Ka hor intan ay uso gudbin ciyaarta kama dambaysta ah, xulka dalka Qatar ayaa hogaanka hal dhibic ku hogaminayse kuna soo xigeen dalalka Bahrain iyo Kuwait.

Kabtan Yassin Xasan Nuur oo mudo 21 sanadod uu ciyaaray xulka qaranka kubada kolayga dalka Qatar isagu guulo wa weyne uu soo hoyee wadamada khaliijka, dalalka kale ee carabta, qaradda Asea iyo Calaamka, iyadu gud ahaan uu ku gulaystay marka lagu daaro horyaalka dalkas ay noqoneyso 15 koob mudadii uu ciyaaray xulka qaranka Qatar iyo Kooxda al-Rayaan.

“Waxa ay gadhay wakhtigi ann fursada baneyna lahaa sii ciyaartoyda cusub hogamin dona mustaqbalka kubada kolayga dalka Qatar” sidana waxa yidhi kabtan Mr. Yassin Xasan Nuur. Waxa kalo isna mahadnaaq uso jeediye ciyaartoyda gudomiyaha gudida olympikada sheikh Sacuud, isagu sheegay inn hawl culus uu taalo diyaargarowga wareega koobka qaradda Asia oo sanadka 2015 lagu qaban dono dalka China islamarkaana laa shaacin dono xulka uga qayb geli dona ciyaaraha Olympikadda sanadka 2016 ee lagu qabaneyo dalka Brazil gaar ahan magalada Rio.

“Waxan mahaadnaaq uu direya dhamaan walaheena ka tirsan xidhidhka ciyaaraha Olympikada dalka Sucudiga oo mamuus iyo soo dhoweyn wanaagsan habka ay uu mamuleen wareegan koobka kaas al khaliij” sidana waxa yidhi gudomiyaha gudida xidhidhka Olympikada dalka Qatar sheikh Sucud.

Kabtan Yassin Xasan Nuur oo ah ciyaartoyd uu dhashay dalka Somaliland lakinse ciyaartoyd ahaan uu ciyaara dalka Qatar, isagu mudo gadhaysa 21 sanadod guulo wa weyne ka gadhay kubada kolayga.