Monday, October 27, 2014

Abwaan Weedh-same oo ka qayb galay xuska Somali week festival

wedhsameAbwaanka caanka ah ee dhalinta yar abwaan Xasan Daahir Ismaaciil(Weedhsame)ayaa dhawaan ka degay Gagadda Caalimiga ah ee Hetrow Lodon ee Dalka England,waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyay jaaliyadda Somaliland iyo ta Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqan waxa kale oo ka dhex muuqday Madaxda Jaaliyaddahaas,sidoo kale waxaa halkaas ku sugnaa Abwaano,Qoraayo caana oo Waddan kaas u dhashay waxaa kale oo si weyn uga dhex muuqday Ururadda Madxafyada Horumarinta dhaqanka iyo Afka ee Boqortooyadda Uk,soo dhaweynta Abwaankan ayaa ahayd mid aan lookala hadhin,waxaana halkaa ku sugnaa Agaasinka bandhig dhaqameedka Somali week Ayaan Cashuur oo ahayd cida soo Casuuntay.

Somali week Fastival ayaa ah todobaad lagu soo bandhigo Suugaanta Quruxda badan ee Ummadda Soomaaliyeed,waxaana Sannad walba lagu Casuumaa oo ka soo qayb gala Muxtarimka Ummadda Somaliland sida Abwaanadda Fannaaniinta Qorayaasha iyo Majaajilaystayaasha Caanka ah .waana Madal lagu Maalo Maskaxda dadkaas aan ka soo Hadalnay.Xasan Daahir Ismaaciil ayaa ah Abwaan ay dadweynaha Afka Soomaaliga ku hadashaa ay aad u jecel yihiin,Suugaantiisa ayuu in badan kaga hadlaa,wax u sheega iyo Hoga Tusaalaynta danaha kala gadisan ee dhinac walba leh,Abwaan Xasan ayaa ay dhinacyo badan wadaagaan Abwaankii waynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)Alle Naxariistii Janno ha ka waraabiyee,waxaanu ahaa Macalin uu wax badan Uu ka qaatay,Suugaantiisa ayaa u badan mid Run sheega oo Xaqiiqada ku dhisan,waxaanu inta badan isku Taxalujiyaa wax u sheega dhalinta Da’yar ee Tahriibku Daashaday,Maansooyinkiisa ayuu qaarkood kaga hadlaa dhinaca Jacaylka oo uu sidii aad Tilifishan daawanayso uu kuu soo hor dhigayaa SAWIR aad u qurux badan oo ay Dhif iyo Nadir tahay Abwaan sidiisa kuugu Sawiraya inaad Aragto Xiligan lagu jiro ee ay Suugaantu Macno beeshay ayaa wuxuu Abwaan Xasan ka mid yahay dhalinta Kor u soo Qaaday ee ka dhex Ifaysa Suugaalayda Sooomaaliyeed.

Hadaba Abwaan Weedhsame ayaa soo bandhigay Suugaan Mugwayn oo ka mida suugaantiisa aadka u quruxda badan ee looga bartay,waxaanu ku soo bandhigay Madasha Somali Week ee Sannadkiiba Mar lagu qabto Waddanka Ingiriiska Magaallo Madaxdiisa London oo uu ka mid yahay Marti Sharafta lagu soo Casuumay,waxaana sannad walba soo qaban qaabiya ururka kayd.

 

Dad badan oo iskaga kala yimid Magaalooyinka iyo Gobolada Wadankaas ayaa ka soo Qayb galay Bandhigaa Quruxda badan ee ay Nasiibka u yeesheen,Bandhiga noocana Ayaa sida ay sheegaan qaban qaabiyayaashu inay uga danleeyihiin,barashada Da”yarta Wadamada Reer Galbeedka ku nooli Afkoodii hooyo iyo sidii Umadaha kale Wadankan ku dhaqan loola Tartami lahaa haday noqoto xaga Afka Suugaanta iyo wixii la hal maal Oo dhan,waana Caways aad u Qurux badan oo ka soo qayb galayaasha Xasuusin doonta Isirkoodii iyo halkay ka soo jeedaan,Maadaama ay Dal Tabyo badan qabaan Unna Heelan yihiin dhagaysiga Suugaantoodii oo lagu yeedhinayo Afkoodii hooyo,oo Qaarkood ku Hadalka Afka ay Arkaan uun Xafladah Noocana oo Qudha.

 

Waxaana suugaantii madaxa loo lulay ee uu soo bandhigay ka mid ahaa kuwan:

DULMI-NECEB

Waa Maanso Cusub oo uu Sammeeyey Abwaanka Da’da yar Ee Reer Somaliland Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)

Maansooy dareeneey

Dacar iyo ladh oogmaay

Inkastoondakanaiyo

Dibindaabyokuguqabo

Marna la igukaaduro

Ragnaiigukaadudo

Kumadayrinkarayoo

Duunyaabad ii tee

Ii dararbalgaaxdii

Rabi iigukaadara.

 

Labaan la isudari Karin

Degelruuxawadafuray

Dannigiisumuugaran

Inaykaladibboodaan

Weheshigadirsoociyo

Qarannimodanmidalihi

 

In qabyaaladiidura

Saddexdiidalaaqood

Lagusiiyoduuduub

Waynagiidorraaduun

Qallinadakuduugnaye

Sawtandoonnaneeweli

Xisbiyadadumaashii

Duntalooguwadaxidhay

Geedigiidiyaarkii

Dib maxaa u soofuray

Buladkiyodabayshii

Iyo lama-degaankii?

 

 

Doorashooyinkeenii

Dubaaxdooduyaab lee

Hungolagudarleefiyo

Hibashiyokasiidaran

Noqotayexaggayderi

Dawakhnayekaleedahay.

 

Dimuqraadinimadii

Dihatayehaddaytahay

Doqonkanifariidka ah

Dirataye ha ii dudin

Dacartanimacaanka ah

Dalbatayedibnaasaar

Durduradanharraadka ah

Duldegtayekuoonbeel

Digo-rogashadeenaa

Sahan li’ dullaantoo

Wanqalkeedudalabiyo

Dudmouunkukoobnaa.

 

Maxaaddoontayeedana

Maxaaddiidayeedaran

Maxaad door-bideemudan

Maxaaddeyriseehadhay

Go,aanduunkaweeyee,

Hortadaacadmaadtahay.

 

ninkadoortaywadarnimo,
ninkadaaleyweheshiga,
danmidaysa lama helo,
shirdoceedninlagudhalay,
shirdugaalkaumabogo,
ab-tirsiintadalabtaleh,
axdiduugakumaogi,
qarandaacadlagajiro,
nololdoorakamasugo.

dhidardoorilaguyidhi,
dabcigaagabahalnimo,
hadalkaasikamadego,
dad shirqoolkalaguwado,
dannigoodujecelyahay
digtoonowdu lama sama,

gudindaabkumaqanyahay
damalraagaykumajabo,
dhirtadiirtalagudhaqay,
midhaheedudamac ma leh,
didmoxaajolagugalay,
daworuuxnakamahelo.

qofdalaaqaygarashada,
dubbihiisukamatago,
intaaan la durikarin,
ninduruuftanoloshaba,
doobigiisakusarjaray,
derisbaahankamanaxo.

 

Danyartiyosaboolkii

Deyntii ma siiseen

Miseduunyadoodii

Weli way dawarayaan? .

 

Miyuuyimidamiirkii

Dudayeemaqnaanjiray

Saw welidalluuntii

Dadnimadu ma hoostaal ?

 

Dulmigiimiyuufuray

Daacadii u mehersaday

Saw welidaryeelkii

Daranyada ma tuugsado?

 

Damaciimiyuunacay

Daribtiiagoomaha

Dibjirkiigidaarada

Saw weli ma daadsana ?

 

Hankiiniimiyuuduray

Dulligii u qaayibay

Saw weliduqaydii

Dufankii ma raadshaan ?

 

Xaqsoorkii ma deyraa

Mooradiisuduugnayd

Saw welidillaalkii

Dulmanaha  madala’sado?

 

Ma shalaydullaameen

Ma xalaydayoobeen

Saakana ma diifbaa

Ma dulmaykunoolyiin

Sidii loo dulleeyaa

Weli loo dulyaallaa

 

Golayaashiidabatadu

Xeeraraan la deyinoo

Duuduubkudhaafaa

Waa dabeecadoodee

Kadaree ma maantay

Dacartiyodhunkaashii

Darsadeenwadaamaha?

 

Damiirlaawayaashii

Ma maantaykudoodeen

Markaaankadaadago

Xilkaduudka ii sudhan

Danyartaankabaaqsaday

Doorkayfilaayeen

Deyr-cadkoodaweyda ah

Aankasiidareersado.

 

Waxaynoogadigayeen

Saw kuwankudaakiray

Xaaraantiiduufkii

Goormaadaliilkani

Xalaaleeyeysoodegay

Kabo-qaaddigreetiyo

Lagukeenaydaadihin

Ma anaadadweynaha

Duunyadoodahooidhi

 

Qalinkii C/NAASIR GURAY MEECAAD